Maxaa waaliddiintan ku kallifay inay xiriirka u jaraan carruurtooda?

Published

Carruur badan ayaa xiriirka u jaray waaliddiintooda kaddib isku dhacyo dhex maray. Way yar tahay waalid xiriirka u jaray carruurtooda– balse way dhacdaa, waxayna noqon kartaa mid ay dhibaato kala kulmaan.

Helen lama aysan hadlin wiilkeeda muddo sanad ah. Markii ugu dambeysay ee ay is maqleen, wuxuu ku jiray xabsi. Haatan waa 31 jir, wuxuuna isticmaali jiray daroogada opioids wax ka badan 10 sano.

“Wuxuu isku dayay inuu isoo waco, dabcan inuu lacag i weydiisto, kamana qabaneynin,” ayay tiri Helen, oo ku nool England. “Haatan, kaasi waa go’aan quseeya badqabkeyga iyo caafimaadkeyga maskaxda.” Iyadoo ah qofka haatan daryeela gabadha uu wiilkeeda dhalay ee ay ayeeyada u tahay, Helen waxay diiradda saareysaa in gabadhaas ay u xaarto deegaan la jecleysto oo ay ku korto oo ammaan ah.

Helen waxa xusuusataa wiilkeeda inuu ahaa cunug aan edeb lahayn, balse waxaa weli ku jirta naxariista hooyannimo. Marka, way ku jahwareertay markii, isagoo da’yar, “ay dabeecaddiisa isu beddeshay mid khallafsan uuna bilaabay inuu suuliga isku xiro saacado markiiba”, ayay dib u xusuusatay. “Markii aan weydiiyay, wuxuu ii sheegi jiray inaan aniga ahay qofka waalab, qofka daroogada isticmaala. Mararka qaar, waxaan rabay uun inaan qoslo, wax yaba leh ayay ahayd.”

Markii Helen ay ogaatay inuu isticmaalo daroogada heroin, ma aysan aqoon cid ay kala hadasho. Maalmo ayuu iska maqnaan jiray, isagoo soo laaban jiray isagoo qaba dhaawacyo kala duwan. Markii uu guriga joogay, wuu dhib badnaa. “Weligii ima uusan dilin, balse guriga ayuu jejebin jiray caro darteed – weli duleel ayaa ku yaalla derbiga,” ayay tiri.

Markii ay shaqada jirtay, waxaa la siin jiray lacag caddaan ah, taasoo ay sheegtay in wiilkeeda uu bilaabay inuu boorsadeeda kala baxo. Kaddib waxay lacagta gashan jirtay jeebka sun ay dhexda ku xiran jirtay. Waxay hooyadan sheegtay inay cabsi dareentay inay la noolaato qof daroogo ay dillootay kadibna ay billowday inay xiriirka u jarto.

Xiriirka u dhaxeeya waalid iyo ilmo waxaa laga filaa inuu noqdo mid weligii jira – miro-dhal ah, xiriir jaceyl oo sii jiri kara wax walboo dhaca. Si kastaba, waaliddiinta qaar, inay xiriirkan joogteeyaan way ku adag tahay.

Waxaa muddooyinkii dambe soo batay arrimaha la xiriira carruur joojiyay inay la hadlaan waaliddiintooda. Haddana dhanka kalena way dhacdaa, xitaa haddii ay yar tahay. Daraasad la sameeyay sanadkii 2015 ayaa muujineysa in 5% ay waaliddiintu iyaga xiriirka u jareen carruurtooda.

Go’aanka ayaa ah mid adag oo xanuun badan, kuwa la kulmayna waxay sheegeen in arrintan ay dhif tahay darteed ay ka dhigeyso mid aan laga hadlin.

‘Jaceyl bilaa shuruud ah wuxuu noqon karaa mid dhib badan’

“Marka la eego labadaba baaritaanka iyo dhaqanka caadiga ah, in yar baan maqalnaa waaliddiinta oo xiriirka u jaray carruurtooda sababtoo ah waa wax laga xishoodo, waxaana jira meelo yar oo looga hadli karo oo aa need lagu saareyn,” ayay tiri Lucy Blake, oo ah bare sare oo cilmu-nafsiga ka dhigta Jaamacadda West England, Bristol.

Sababaha ay waaliddiintu xiriirka ugu jaraan carruurtooda waxay la mid yihiin kuwa ay carruurtu ugu jaraan waalidkooda.

Kuwa ugu badan sida ay Lucy qabto waa isku dhacyada qoyska, kala aragtiyo duwanaanshaha shakhsiyadeed sida diinta, daroogada iyo dabeecado kale oo khallafsan.

Mararka qaar, sida Helen, go’aanka xiriirka lagu jarayo waxaa gaara hal dhinac. Balse waxa sababay arrintaas ayaa noqon karta mid kala duwan.

Jack, oo ku nool Mareykanka, waxay xaaskiisa is qabeen ku dhowaad 20 sano, markaas oo ay afar carruur ah isu dhaleen. Markii ay kala tagayeen, gabadhooda ugu yar waxay ahayd hal sano jir. Markii ay xaaskiisa mar kale guursatay, wuxuu sheegay, in gabadhiisa yar ay jaceyl badan tustay adeerkeed hooyadeed qaba in ka badan intii ay tusi lahayd aabbaheed – markii ay weynaatayna, kama ay heli jirin inay waqti la qaadato Jack.

Jack ayaa sheegay inuu gaaray heer uu sii wado waayo la kulanka gabadhiisa mar ay 14 jir ahayd. Kaddib isku dhac dhanka xayiraadda Covid ah, waxay Jack u sheegtay inaysan jecleysan inay maalmaha fasaxa la qaadato isaga, waxayna wacday hooyadeed oo ay ka codsatay inay u kaxayso xaflad ay u socotay. “Waxaan la xiriiray xaaskeygii hore si aan ugu sheego in [gabadheyda] aysna markan dooneyn inay waqti ila qaadato, haddii taasi ay is beddeshana aan soo dhoweyn doono,” ayuu yiri Jack. Ma eedeynayo gabadhiisa inay sidaa sameyso, balse tan iyo waagaas war kama hayo.

Inkastoo ay gabadhiisa mar horeba xiriirka u jartay Jack ma dareemin inay wanaagsan tahay in marka hore uu xiriirka soo celiyo. “Marba markuu waqti fog ka soo wareego uma baahan inaan soo celiyo xiriirkan. Waxay iila mid tahay dhimasho, waanan ka gudbay,” ayuu yiri. “Marxaladdan nolosheyda, markaan eego xiriirrada aan ku raaxeysanayo ee aan heysto, waxaan ka shakisanahay inaan u baahanahay soo celinta xiriirkeeda,” ayuu yiri.