You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waddan ay waalidiintu fasax ka qaadan karaan shaqada guriga
Habeen ayay ahayd. Sebastian sariirta ayuu jiifay, laakiin ma seexa Karin. Aad ayuu u fikirayay.
Aabihiis dhawaan ayuu u dhintay kansarka dhiigga, isaga iyo walaalihiis ayaa muddo bilo xanaaneynayay, sidoo kale qoyskiisu ayuu ka taxadarayay.
Hadda, hooyadiis ayaa Iyana u baahan daryeel, labadiisa cunug ee waawayn ayaa qaangaaraya. Sebastian wuxuu ka walwalsanayahy in wax badan dhacayaan, cunugiisa yarna fursad badan uma helo.
“Dhamaan dhibaatooyinkaasi waxay igu ridayeen jahwareer,” ayuu dib ugu gocday Sebastian, oo ah agaasimaha shirkad ka shaqaysa xiriirka oo Jarmalka ku taal.
“kadib xaaskeyga ayaa igu tiri: ‘Ma ogtahay inaad xaq u leedahay fasax caafimaad, ma ogid?’ “.
Sida ay u badan tahay Jarmalku waa waddanka kaliya dunida ee waalidiinta markii ay daalan xaq u leeyihiin fasax caadimaad oo soconaya saddex todobaad, afartii sanaba mar.
Fasaxaan waxaa qora dhaqtar, inta badan dhaqaalahana waxaa bixiya caymiska. Waxaa kamid ah fa’iidadiisa, cunto, xanaaneyn caruur iyo masaaj.
Sida muhiimka ah, fasaxa waxaa loo qaadi karaa si loo daweeyo dhibaato caafimaad, laakiin sidoo kale ka hortag ayaa loo aadi karaa, si looga hortago dhibaatooyin yar yar oo isu badali kari xaalad halis ah.
Sebastian, tusaale ahaan, wuxuu go’aansaday inuu u dalbado fasaxaan qaab ka dhibaato ka hortagis oo kala ah, si uu xal ugu helo hurdo yaridiisa.
Saddex todobaad oo wax badbaadiya
Baahideyda ugu wayn waxay ahayd inaan waxqtiga ugu badan la qaato wiilkeyga, aniga oon jahwareersaneyn, dib u helo nolol caafimaad leh,” ayuu yiri.
Bishii January ee sanadkii 2020, isaga iyo wiilkiisa ayaa saddex todobaad ku qaatay goob caafimaad oo ku taalla badda dhinaceeda. Wuxuu qaatay casharro jimicsi oo murqaha lagu daliigayo, qilaawayn, socod iyo Yoga, kuwaas oo uuna waligiis horay u sameyn.
Xitaa wuxuu iska joojiyay caadooyin uu jeclaa: “Qamrigu waa ka mamnuuc goobta, taas oo ku adkaan karta dadka jarmalka. Waxaan ku iri nafteyda, ‘Hagaag, waan jeclahay biirteyda markaan lugeeyo kadib, balse waxaa fikir wanaagsan ah inaan iska dhaafo saddex todobaad.’ “
Waxay u ekaan kartaa dalxiis, balse cilmibaaris ayaa muujineysa in fasaxyadu ay si yaab leh uga hortagi karaan xagaalado caafimaado darro oo aad u daran.
Si walba, dadka ayaa ku doodaya in dalabka kordhaya ee fasaxyadaan uu calaamad u yahay in waalidiin badan ay ku jiraan jahwareer badan oo maalinle ah.
Saamaynta raagtay ee ka dhalatay safmarka covid-19 iyo bandawyadii ayaa u muuqda in ay cadaadiska sii badiyeen.
Yaa hindisay fasaxaan?
Kadib dagaalkii labaad ee dunida, Elly Heuss-Knapp oo ahayd siyaasiyad iyo xaaskii madaxweynihii Jarmalka Theodor Heuss, ayaa aasaastay Müttergenesungsw erk si ay ugu taageerto hooyooyinka daalay.
Dadkii ugu horeeyay ee xaadiray waxay ahaayeen hooyooyinka ay saameeyeen dagaallo iyo nafaqo darro, iyaga oo dhabarka ku waday caruurtoodii oo ay hayso mahadho iyo ragoodii intaba.
Maanta, nuuc cusub oo ah jahwareer qoys ayaa ku badanaya Jarmalka iyo dunida kalaba: waa daal waalidnimo.
Cilmibaaris caalami ah ayaa hoosta ka xariiqeysa, in saameynta qotada dheer ee daalka waalidnimo lagu qeexay xaalad waalidnimo oo daal farabadan keenta, dareenka oo caruurta oo ka go’a waalidka, iyo dareenka waxtar la’aaneed.”
Waalidiinta kaliga ah ayaa leh rajo ah nolol ka gaaban tan kuwa lamaanaha ah.