Waa kuma Soomaaliga hadda dharka xayeysiiya ee ku noolaa waddooyinka Yurub?

Issack Cabdi Sadiq

Xigashada Sawirka, MODELS

Published

Isaaq Cabdi Sadiiq, oo ah wiil Soomaali ah oo u dhashay dalka Faransiiska, ayaa todobaadkii hore u socdaalay shirkadda weyn ee Louis Vuitton ee samesa alaabaha qaaliga ah ee laga leeyahay dalka Faransiiska. Sida ay qortay warbaahinta Fransiiska.

Shirkaddan oo uu leeyahay Bernard Arnault oo soo noqday ninka ugu taajirsan adduunka haddana kaalinta labaad ku jira, ayaa maalintii waxa uu shirkadihiisa ka sameeyaa 12.5 bilyan oo doolar.

Riyada nolosha Isaaq Cabdi Sadiiq ayaa bishii Sebtembar 2022 ee la soo dhaafay u rumowday kaddib markii uu Faransiiska tagay oo uu magangelyo ka helay.

laakiin guusha 25 jirkan oo ku sugan Paris, oo aan haysan qoys iyo lacag toona oo subax subxaha ka mid ah ka soo toosay laamiga xaafadda 17-aad ayaa haweeney ka shaqeysa xaafadda ugu bishaareysay in quruxdiisa ay ka caawin karto in adduunka uu caan ka noqdo. Sida ay sheegtay warbaahinta liberation ee Faransiiska ka hawlgasha.

Maalmo ka dib, Isaaq Cabdi Sadik waxa uu heshiis la saxeexday shirkadda Elite ee ah tan ugu weyn naqshadeynta dharka adduunka oo dhan.

Agaasimaha farshaxanka ee shirkadda Balmain Olivier Rousteing ayaa u soo bandhigaya bandhigiisa ugu horeeya.

Issack Cabdi Sadiq

Xigashada Sawirka, MODELS

Wiilkan oo ka soo jeeday Muqdisho balse hadda ku nool Faransiiska oo uu qaxootinimo ku tegay waxaa dheererkiisu lagu shhgay waa 189 sentimitir.

Isaaq oo mar bogga Models ay weydiiyeen sida uu noqday qof modal ah ayaa yiri: “Waxaan seexanayay waddooyinka Paris, oo aan ka dawarsanayay. Sebtembar 19, 2022 qof baa ii istaagay oo i waydiiyay in aan rabo in aan noqdo qof model ah, ka dib waxa uu i geeyay shirkadda Elite waxaana la i saxiixday heshiis.”

Isaaq Cabdi ayaa sheegay in marka laga soo tago naqshadeynta dharka uu sidoo kale jecel yahay inuu wax barashadiisa sii wato maddaamaa uu markii uu Afrika joogay uu dhexda uga tagay waxbarashada.

“Si aan u oofiyo riyooyinkayga, sida dhammaynta waxbarashada, ku dadaalida inaan daryeelo nafteyda iyo kuwa kaleba ayaa ah hadafkayga ugu weyn.”

Waxa uu sheegay in shaqadan ay u sahashay in markii ugu horreysay uu Yurub ku safro maaddaamaa uu qaxootinimo ku soo galay Faransiiska.

Waa maxay halka shay oo laga yaabo inay dadku marka ay kaa ogaadaan ay la yaabaan? ayaa la weydiiyay

"Xirfadayda naqshadeynta sababtoo ah aad ayaa waxay dadku igu yaqaanaan waddooyinka Paris qof walbana wuxuu u arkaa arrintayda mid jahawareer ah."

Waxa uu sheegay inuu doonayo inuu adduunka ku soo kordhiyo inuu badbaadiyo carruurta si uu u xaqiijiyo inay helaan mustaqbal wanaagsan.