Cali Macow Macallin: Sheekada ninka Soomaaliga ee ah qofkii ugu dambeeyay ee laga helo furuqa

Cali Macow Macallin oo ku sugan magaalada Marka ee Soomaaliya

Xigashada Sawirka, WHO /John F. Wickett

Qoraalka sawirka, Cali Macow Macallin oo ku sugan magaalada Marka ee Soomaaliya
Published

Waxaa isa soo taraya tuhunka ah in cudurka Furuqa Daanyeerka (Monkeypox) uu soo gaaray Bariga Afrika. Wararku waxay intaa ku darayaan in qof bukaan ah oo astaamaha ka muuqda loo malaynayo in ay yihiin kuwa cudurkaas lagu garto lagu arkay Soomaaliya. Weli baaritaanno lagu xaqiijinayo ayaa socda. Sabtida berri ah ayaa natiijada laga sugayaa shaybaarka baaraya kiiskaas.

Cudurka Furuqa Daanyeerka iyo Furuqa ayaa waxaa ay wadaagaan astaamo, sidoo kale hal tallaal ayaa loo adeegsadaa. Haddaba waxaan dib u milicsi ku sameyn doonnaa xanuunka furuqa iyo sida ninkii ugu dambeeyay ee laga helo ee Soomaaliga ah uu uga badbaaday.

Cali Macow Macallin iyo sheekadiisii Furuqa

Bishii Oktoobar ee sanadkii 1977 ayay ahayd markii Cali Macow Macallin, oo ahaa cunto-kariyaha isbitaal ku yaalla magaalada Marka laga helay Furuqa. Markaas ka hor ayuu la kulmay qoys miyiga ka yimid oo doonayay inuu tilmaan siiyo, hase yeeshee waxaa la socday labo carruur ah oo qabay cudurka furuqa oo aan tallaalnayn, Calina ma uusan ogeyn. Wuxuu la raacay gaariga si uu u caawiyo. Keliya waxay ahayd 15 daqiiqo, balse noloshii Cali wax badan ayay ka beddeshay. Cali waxa sidaas ugu dhacay cudurka furuq.

Maalmo gudahood waxaa soo shaacbaxay calaamadaha madax-xanuun, qandho iyo finan, waxaana sidaas ugu dhacay cudurka furuqa.

Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ayaa ahaa dalalkii ugu dambeeyay ee laga diiwaangeliyo cudurka furuqa duurjoogta.

Muddo dheer ka hor inta aanu gaariga la raacin carruurta oo uusan cudurka haleelin, Cali xaqiiqdii waxa uu helay fursado badan oo uu ku heli karay tallaalka furuqa laakiin, waxa uu doortay in aanu qaadan, inkastoo uu si kumeel-gaar ah uga shaqeeyay tallaalka furuqa intii uu ololaha ku jiray.

"Waan ka baqay in la i tallaalo markaas," Cali ayaa mar dambe sidaasi sheegay.

Cali ayaa noqday qofkii ugu dambeeyay adduunka ee uu ku dhaco furuqa. Infekshankiisu waxa uu ahaa Variola yar, kaas oo, inkastoo ay suurtagal tahay in la wax laga qabto, haddana ahaa nooc aan halistiisu badnayn ah.

Cali Macow Macallin

Xigashada Sawirka, WHO /John F. Wickett

Qoraalka sawirka, Cali Macow Macallin

Cali waxaa lagu ogaaday nidaam raadraac adag ah oo ay dejisay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, kaas oo horseeday inay ogaadaan xitaa tuuladiisa oo hoostagta magaalada Marka.

Inuu Cali ka caafimaado cudurka waxaa kaalin weyn ka qaadatay inuu raacay talooyinkii isbitaalka oo ay ka mid ahayd in guriga uu joogo.

Iyada oo laga jawaabayo cudurka ku dhacay Cali, WHO waxay sidoo kale billowday raadinta, karantiilka iyo tallaalka dadka aaggaas ku noolaa.

Dadaal caalami ah oo xooggan kaddib ayaa la billaabay si la hubiyo in infekshankiisu uusan ku faafin dadka kale. Isbitaalkii uu Cali ka shaqaynayey ayaa sidoo kale si kumeel-gaar ah loo xiray, iyadoo qof kasta oo gudaha ku jiray la tallaalay oo la karantiilay.

Dhammaan dadkii deggenaa guryaha ku hareeraysan guriga Cali - oo lagu qiyaasay in ka badan 50,000 oo qof - ayaa sidoo kale la tallaalay muddo 14 maalin ah.

Tallaabooyinkan waxay horseedeen guul weyn. Saddex sano kaddib, Soomaaliya - iyo adduunka - gaar ahaan xubnaha Guddiga Caalamiga ah ee Xaqiijinta Ciribtirka Cudurka Furuqa ayaa ku dhawaaqay in laga xoroobay furuqa. Waxay ahayd taariikhda markii ugu horreysay ee si buuxda loo dabar gooyo cudur halis ah.

Dadaalka Faruqa ka sokow, Cali waxa uu sidoo kale ka shaqeeyay in uu carruurta ka tallaalo jadeecada, waxa uuna go'aankaas qaatay markii wiil la dhashay oo aan la tallaalin oo u geeriyooday jadeeco ku dhacday.

Cali oo ka sheekeeyay sida uu waalidiinta ugu dhiirrigeliyo tallaalka carruurtooda ayaa 2006-dii sheegay in marka ay diidaan in carruurtooda la tallaalo uu uga sheekeyn jiray qisadiisii Furuqa iyo tii jadeecada ee walaalkiis. "Waxaan u sheegaa sida ay muhiim u yihiin tallaallada. Waxaan u sheegayaa in aysan nacasnimo qaadin sidayda oo kale ah".

In waalidiinta uu la wadaago khibraddiisa gaarka ahayd ee tallaalka ayaa gacan ka geystay in tallaalka dabeysha uu shaqeeyo oo ay shaqaalaha caafimaadka soo afjaraan cudurka dabeysha ee Soomaaliya sanadkii 2005.

Xitaa markii ay dabayshu ku soo noqotay Soomaaliya sanadkii 2013, Cali waxa uu si degdeg ah ugu soo noqday shaqadiisa iyada oo ay khatar amni jirtay.