Qoraagii mar nolosha ka quusatay ee Bilyanneerka noqotay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Joanne Kathleen Rowling oo magaceeda loo garan ogyahay J.K.Rowling waxay mar soo ahayd haweeney wax badan ku fashilantay, hoy aan heysan, shaqo la’aanna ay u dheer tahay.
J.K waxay 31-kii July 1965-kii ku dhalatay Bristol ee dalka Britain.
Haweeneydan oo ka mid ah qoraayaasha caalamka ugu caansan uguna taajirsan billowga noolasheeda waxay soo martay nolol adag iyo shaqo la’aan gaarsiisan iney gacanta dowladda oo keli ah sugto.
1992-kii ayey J.K guursatay hase yeeshee guurkeeda ma noqon mid sii jira oo wuxuu burburay 13 bilood kaddib furriin ayuuna ku soo dhammaaday, waxayna dhashay gabar lagu magacaabo Jessica.
2001-dii ayey J.K markale guursatay nin dhakhtar ah oo Britain u dhashay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Portugal oo ay ku nooleeyd kana shaqeyneysay markii ay shaqo ka weyday waa ay ka soo tagtay iyada oo ku soo laabatay magaalada London.
Hase yeeshee, London markii ay ku soo laabatay nolol wanaagsan kalama kulmin oo waxaa soo wajahday nolol adag ilaa ay ku fikirto iney isdisho.
Hase yeeshee kama daalin iney sii waddo qoraalka sheekada Harry Potter ee ay billowday.
“Guurkeyga ma noqon mid sii jiro, shaqo la’aan ayaan ahaa, hooyo ilma haysata ayaan ahaa, dadka ugu saboolsan UK ayaan ka mid noqday, waxan noqday qof uu la soo dersay fashilkii nololeed oo ugu weynaa,” ayey tiri J.K.Rowling.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Horumarka sida uu ugu billowday
J.K qoraalkii ugu horreysay oo ay ku tijaabisay iney wax qori karto waxay qortay xilli ay 6 jir ahayd.
1990-kii maalin maalmaha ka mid ah J.K oo sugeyso tareen ayuu tareenkii ka soo dib dhacay.
Dib u dhici tareenka ay kala kulantay waxay ku dhalisay iney sheeko ka allifto muddo shan sano ah ayeyna sheekadaasi qoraalkeeda ka shaqeyneysay.
Sheekada Harry Potter qoraalkeeda markay dhammeysay seddexda cutub ee ugu horreysa meel badan ayey geysay si looga gato oo filin looga sameeyo balse cid qaabisho ayey weyday.
"Marka maalin maalmaha ka mid ah shirkad buugaagta daabacda ayaa ka codsatay iney cutubyada kalana ay u keento si ay u soo akhriyaan, maalintaa ayaa nolosheyda iigu farxad badneyd" ayey tiri J.K.
Kaddib buugga Harry Potter ayaa la daabacay intaa ka gadaalna waxaa laga sameeyey filimaan taxanaha ah. Buuggina wuxuu noqday mid galay taariikhda buugaagta Britain iyo caalamka intiisa kalaba.
Waxayna go’aansatay toddoba nuqul oo ay ugu magac dartay qoraalka Harry Potter iney sameyso si filimaan taxana ah looga sii sameeyo.
J.K.Rowling waxaa dunida oo dhan looga yaqaannaa oo markii ugu horreysay ay ku soo caanbaxday filimka taxanaha ee Harry Potter iyo toddobo buug oo kale oo ay carruurta u qortay.
Sida oo kale buugaag caan ah oo sheekooyin mala awaal ah ay ka sameeysay oo ay ka mid yihiin The Casual Vacancy, Cormoran Strike iyo Crime Fiction.
Filimka Harry Potter oo qayba badan ka kooban waxaa la iibiyey 500 oo malyan oo nuqul, waxaana lagu tarjumay 70 luuqadooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hantida ay leedahay
J.K.Rowling oo 57 jir ah buugaagta iyo filimanta taxanaha ah ee ay qortay waxay ka sameysay maal iyo magac intaba.
Wargeyska Sunday Times warbixin uu 2022-ka uu daabacay oo uu kaga warramay liiska dadka dunida ugu taajirsan hantida J.K wuxuu ku sheegay 1.1. balyan oo dóolar.
Kensington waxay ku leedahay guri qiima ahaan ku fadhiya 5.5 malyan oo doolar, halka Edinburg ay ku leedahay guri kale oo qiimaha ahaan ku kacayo 2.4 malyan oo dólar
Hantida qoraallada ay sameysay ay ka heshay J.K.Rowling darteed wargeysyada dalka Ingiriiska waxay ugu naaneysaan ‘qoraagii bilyan dheerka ahayd’.
Nolosha haweeneydan qoraaga isla-markaana taajirka ah oo dunida sida weyn looga yaqanno marna nolosha ay ku ciirtay waxaa tusaala ahaan loogu soo qaataa qofku haddii adkeysi, samir iyo dadaal intaba uu la yimaaddo wixii soo maray iney noqonayaan wax uu ka sheekeeyo oo waa soo maray balse noolashaasi uu mid qurux badan uu ku baddali karo.












