Maxay mar kale dib ugu billaabatay colaadda dalka Itoobiya?

Published

Dagaalka ka socda dalka Itoobiya ee u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo Jabhadda Tigreega ee TPLF, ayaa si weyn dib ugu billowday. Waddada dib loogu noqonayo wadahadallada ayaa u muuqata mid aan hadda caddeyn.

Labada dhinac ayaa isku raacsan in subaxnimadii hore ee 24-kii Agoosto xabbaddii ugu horreysay ay ka dhacday xadka koonfureed ee Tigray ay la wadaagto gobolka Amxaarada ee deriska la ah, gaar ahaan magaalada Kobo.

Dhinac waliba waxa uu dhinaca kale ku eedaynayaa in uu billaabay xabbadda. Marka la eego xogta laga helay diblumaasiyiinta Reer Galbeedka, waxa cad in ciidanka difaaca qaranka ee Itoobiya iyo maleeshiyaadka xulafada la ah ee Amxaarada ee loo yaqaan Fano, ay toddobaadyo ka hor goobtaas ku soo abaabuleen ciidan aad u badan.

Dhanka kale, waxaa aad u soo badanayay ciidanka ay qoraneyso kooxda TPLF, waxa ayna inta badan dhaqaalaheeda ku bixisay tababarka iyo hubaynta ciidankaas, inkasta oo ay kooxdan diiday in ay si khasab ah dadka ugu biirineyso ciidamadooda.

Kooxdan ayaa hub aad u badan uga qabsatay ciidamada dowladda dagaalkii sanadkii hore, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in sidoo kale ay hub cusub ka soo iibsatay dibadda.

Xiisadda ayaa in muddo ahba isa soo tareysay. Hase yeeshee, dhowr toddobaad ka hor waxaa muuqanaysay rajo ah in wadahadallada nabadeed ay dhowaan furmi karaan.

Raysul wasaare Abiy Axmed ayaa ku-xigeenkiisa, Demeke Mekonnen, u fasaxay in uu madax u noqdo guddiga nabadeynta, kaas oo shaqadiisu ay billaabatay bishii Luulyo ee sanadkan.

Xitaa xilligaas ka hor, waxaa la sheegayay in Abiy Axmed uu saraakiil sar-sare u diray si ay ula kulmaan kooxda TPLF.

Kulamadii ka dhacay Seychelles iyo Jabuuti ayaa u muuqday in lagu heshiiyay in ciidamada Itoobiya ay go'doominta ka qaadaan gobolka Tigray, in Eritrea ay kala baxdo gobolkaas ciidamadii dowladda Itoobiya taageerayay iyo in labada dhinac ay wadahadal buuxa ka furaan caasimadda Kenya ee Nayroobi, isla amrkaana uu martigeliyo madaxweyne Uhuru Kenyatta. Ajendaha ugu horreeya waxa uu noqon lahaa in lagu dhawaaqo xabbad-joojin waarta.

Daaha gadaashiisa, waxaa olole xooggan ka waday dowladda Mareykanka oo si weyn u taageeraysay wada-hadalladan, iyada oo la shaqaynaysay dowladda Kenya.

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer iyo ergo ka socota Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay oo 2-dii bishan booqday caasimadda Tigray ee Maqalle, ayaa soo jeediyay in "si deg deg ah gobolka Tigray dib loogu soo daayo korontada, is-gaarsiinta, bankiyada iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah", iyo in loo oggolaado in la gaarsiiyo "gargaar bani'aadannimo oo aan xaddidnayn", waxaana ergeygaas uu muujiyay in raysul wasaare Abiy uu aqbalay in uu arrimahan fuliyo.

Hase yeeshee, ergayga Midowga Afrika, Olusegun Obasanjo, ayaa ka aamusay go'doominta dowladda Abiy ay gelisay gobolka Tigray. Mar uu la hadlayay ergada booqashada ku tagtay Maqalle, ayaa Gen Obasanjo waxa uu ku adkaystay in isagu uu yahay dhex dhexaadiyaha keliya ee ku jira xallinta colaadda. Wuxuu ka yaabiyay ergada markii uu soo jeediyay in wada-hadallada nabadda lagu martiqaado dalka Eritrea ee ay xulafada yihiin dowladda Itoobiya.

Kooxda TPLF ayaa xukuumada Itoobiya ku eedaysay in ay ka baxday ballantii ay qaadday. Dowladda Itoobiya marna ma qirayso in wax shirar ah ay dhex mareen iyada iyo fallaagada TPLF. Wakiillada caalamka ayaa sidoo kale ka aamusan sababta dhabta ah ee wada-hadalladan ay u burbureen.

Intii lagu jiray bilihii Luulyo iyo Agoosto, xukuumadda Addis Ababa waxay si weyn u xannibtay adeegyada muhiimka ah ee gobolka Tigray, waxa ayna oggolaatay oo kaliya cunto, dawo iyo dawooyinka lagu bacrimiyo dalagyada xilligaan la beerayo.

Kooxda TPLF ayaan la dhacsanayn amaanta caalamiga ah ee loo jeediyay shantii bil ee ay dhaqan-gashay "xabbad-joojin bani'aadannimo", taas oo u oggolaatay hay'adda Cunnada Adduunka ee WFP in ay dib uga howlgasho gobolka Tigray, inkasta oo howlaheedu ay ahaayeen kuwo xaddidan.

Waxa ay ku doodeysay in xannibaadda ay Addis Ababa ku hayso gobolkaas ay la mid tahay in gaajada loo adeegsanayo hub la isticmaalo xilliyada dagaalka iyo in howlgallada gargaarku ay yihiin kuwo aan ku filnayn.

WFP waxa ay sheegtay in ay gargaarka gaarsiinayso tobannaan kun oo qof, arrintaas oo ahayd billow oo kaliya, balse gargaarkaas aad ayuu uga yar yahay 4.8-da milyan ee qof ee u baahan gargaarka.

Hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa billowgii dagaalka warqad furan oo uu u diray hoggaamiyeyaasha caalamka waxa uu ku yiri: "Waxa aan si degdeg ah ugu soconnaa heer aanu dil ka baaqsan doonin dhinac kasta oo aan u leexannaba, dookhayagu waxa weeye oo kaliya in aan gaajo u dhimanno ama aan dhimanno innaga oo u halgamayna xuquuqdeenna iyo sharafteena".

Gaajo xooggan ayaa baabi'inaysa dadka ku nool gobolka Tigray. Qofna ma garanayo inta qof ee gaajo u dhimatay, balse baaritaan ay sameeyeen koox aqoonyahanno ah oo uu hoggaaminayay nin u dhashay dalka Belgium ayaa horraantii sanadkan lagu sheegay in qiyaastii ilaa 500,000 oo qof oo Tigray ah ay u dhinteen gaajo tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii Nofeembar 2020, kaddib iska-horimaad weyn oo u dhexeeyay dowlad-goboleedka ay maamusho TPLF iyo maamulka federaalka ah ee raysul wasaare Abiy.

Marka laga reebo qaar ka tirsan shaqaalaha TV-ga Faransiiska laga leeyahay ee ARTE, ma jiraan weriyeyaal kale oo tagay gudaha gobolka Tigray tan iyo markii TPLF ay dib ula wareegtay gacan ku haynta inta badan gobolkaas bishii June ee sanadkii 2021.

Howlwadeennada gargaarka ee fara-ku-tiriska ah ee loo oggolaaday in ay gudaha u galaan gobolkaas uma aysan suurtagelin in ay soo uruuriyaan xogta aasaasiga ah ee ku saabsan dhimashada carruurta, iyadoo haweeney afhayeen u ah WFP ay qirtay in "aysan kala ogayn" in macaluul ay ka jirto gobolkaas iyo in kale.

Muddada dhow waxaaba suurtagal ah in masiibada bani'aadannimo ee halkaas ka jirta ay sii xoogeysato. Howlgalladii gargaarka ee markii horeba xaddidnaa ayaa haatan joogsaday. Dalagga ugu horreeya ee yar ee halkaas laga filayo ayaan soo go'i doonin wax ka badan muddo bil ah, dagaalka soo cusboonaadayna wuxuu sababi doonaa burbur kale oo hor leh.

Ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa toddobaadkii hore duqeymo ka geystay magaalada Maqalle, waxa ayna duqeeyeen goob lagu xannaaneeyo carruurta, halkaas oo ay ku dhinteen toddobo qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah, sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka. Dowladdu waxay beenisay sheegashadaas, waxa ayna ku adkaysatay in ay bartilmaameedsatay goobo ciidan oo kaliya. Duqeyn labaad ayaa laga soo sheegay gudaha magaalada Maqalle habeennimadii Talaadada.

Maxaa u dambeeyay?

Fallaagada Tigray ayaa Qaramada Midoobay ka dhacay 12 booyad oo shidaal ah, arrintaas oo ay si weyn u cambaareeyeen saraakiisha sare ee arrimaha bani'aadannimada.

Kooxda TPLF ayaa sheegtay in bilo ka hor Qaramada Midoobay amaahiyeen shidaalka ayna haatan dib uga soo ceshadeen oo kaliya, balse qaabka ay arrintaas u dhacday iyo wakhtiga ay ku soo aadday ayaa muujinaysa in arrintu aanay ahayn sida uu u dhigay afhayeenka kooxda.

Ciidamada Cirka ee Itoobiya ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad hub u sidday gobolka Tigray oo ka soo duushay Suudaan. TPLF waa ay beenisay arrintaas.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan ay ka socdaan gudaha Eritrea, ciidamadaas oo u dhashay waddamada Eritrea iyo Itoobiya, gaar ahaan meelo ku dhow xudduudda Tigray. Dowladda Eritrea ayaa sidii caadada u ahaydba ka aamustay arrintan. Arbacadii la soo dhaafay dagaal ayaa laga soo sheegay galbeedka Tigray, gaar ahaan dhanka xadka Suudaan.

Wararka dagaalkan ku saabsan ayaa sheegaya in si weyn loogu dagaallamayo magaalada Kobo. Ila-wareedyo laga helay Tigray ayaa sheegaya in ay guul weyn ka gaareen oo ay jebiyeen ciidan aad u badan oo ka kooban 20 qeyb, dagaalkaas oo sida ay sheegeen ay ku qabsadeen hub aad u badan oo aan tiro ahaan la cayimin.

Ma jiraan caddeymo madax-bannaan oo arrintan xaqiijinaya.

Dowladda Itoobiya ayaa beenisay in uu khasaare soo gaaray. Waxa kale oo ay ku amartay warbaahinta in ay "si taxaddar leh u maareeyaan tebinta iyo helista xogta xilliyada ay jiraan xasaradaha si looga turjumo danta qaranka".

Waxay sheegtay in ay ciidankeeda iyo shacabkiiba ka saartay magaalada Kobo, waxaana wararka laga helayo magaalada Woldia oo 50km dhanka koonfureed ka xigta Kobo ay sheegayaan in ciidamada dowladda aysan meelna ka joogin.

Ilaa iyo hadda kooxda TPLF uma aysan dhaqaaqin dhanka koonfureed, waxa ayna sheegeysaa in aysan wax dan ah ka lahayn in sidii sanadkii hore ay dhankaas u soo ruqaansadaan, xilligaas oo ay gaartay meel 200 km u jirta caasimadda Addis Ababa. Afhayeenkooda ayaa beeniyay wararka sheegaya in fallaagada ay qabsatay magaalada Woldia.

Mowqifka TPLF

Mowqifka kooxda TPLF ayaa ah in ay doonayso wadahadal nabadeed oo degdeg ah. Inkasta oo ay isbahaysi rasmi ah la leedahay ciidanka xoraynta Oromada, in dagaal adag ay dhinacyada koonfurta iyo galbeedka Itoobiya kaga qaaddo dowladda federaalka ah ayaa ku adag maaddaama aysan kooxda TPLF haysan isbahaysi dalka oo dhan maamuli karaya.

Dareenka inta badan dadka Tigray waa in ay u dagaallamaan qaddiyadda gobolkooda oo kaliya.

Ilaa iyo hadda, ma jiro hannaan nabadeed oo la aamini karo. Sanad kaddib magacaabistiisa iyo iyada oo aan wax horumar ah laga gaarin wadahadallada nabadda, ayaa qaar ka tirsan diblomaasiyiinta Afrikaanka ah iyo kuwa Reer Galbeedka ah waxay si hoose u sheegayaan in Gen Obasanjo uusan sii wadi karin howshaas, inkasta oo uu haysto taageerada dowladda Itoobiya.

Balse, qorshaha Mareykanka iyo Kenya ayaa burburay bartamihii bishii Agoosto kaddib markii William Ruto lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashadii Kenya, isagoo ka guuleystay Raila Odinga oo ah murashaxii uu taageeray madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Qorshuhu waxa uu ku xiran yahay sida Uhuru Kenyatta uu shakhsi ahaan ugu lug yeesho arrintan, iyadoo ay suurtagal tahay in Ruto uu Uhuru u magacaabo madaxa wada-hadallada nabadda ee Itoobiya, balse waxaa jira hubanti-la'aan badan oo ku gaadaaman siyaasadda Kenya ka hor inta aanay taasi dhicin.

Maraykanku waxa uu u muuqdaa in uusan haysan qorshe kale oo uu ku beddeli karo kii uu Kenya kala shaqeynayay.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ku taliyay in lagu soo laabto miiska wada-hadalka "iyadoon wax shuruud ah lagu xirin". Uma badna in labada dhinacba ay u hoggaansami doonaan hadalkiisa.

Raysul lwasaare Abiy ma doonayo in uu u muuqdo mid daciif ah oo gorgortanka miiska la taga jab dhanka cududda militari ah iyo guuldarro ka soo gaarta goobta dagaalka. Addis Ababa ayaa dib u billowday hadalladii xanafta lahaa ee ka dhanka ahaa TPLF oo inta badan ay ku tilmaanto "argagixiso".

Kooxda TPLF ayaa dalbanaysa in go'doominta laga qaado - taas oo ay ugu yeereen dambi dagaal - taas oo shardi u ah wadahadal kasta.

Waxay ku adkaysanaysaa in dowladda federaalka ah aan la siin fursad ay uga baxdo ballanqaadyadii ay horay u gashay.

Silica iyo dhimashada ka dhashay colaadda ilaa hadda waxay caddeyn u yihiin oo kaliya waxa ay tahay in Itoobiya iyo beesha caalamku ay horay u ogaadaan - waa in cudud milatari aan xal looga gaari karin dagaalka Tigray.