Maxay tahay heesta loo xiray fannaanka Khaalid Kaamil?

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland waxaa muddo labo todobaad ah ku xiran Khaalid Maxamuud Cabdillaahi (Khaalid Kaamil) oo ka mid ah fannaaniinta.
Inkastoo hay'adaha ammaanka Somaliland aysan weli si rasmi ah u shaacin sababta Khaalid loo xiray, haddana ehellada fannaanku waxay BBC-da u sheegeen in uu eersaday hees uu u qaaday magaalada Barakeysan ee Qudus.
Somaliland ayaa ka furtay safaarad magaalada Qudus (Jerusalem) bishii lasoo dhaafay, lix bilood ka dib markii Israa'iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, taas oo keentay cambaareyn ballaaran.
Cabdimajiid Maxamuud Cabdillaahi oo la dhashay fannaanka xiran ayaa sheegay in Khaalid loo haysto in uu cabbiray fikir uu isagu aaminsan yahay, balse uusan ku heesin wax Somaliland lid ku ah.
Cabdimajiid oo ka hadlayey sidii loo xiray walaalkiis ayaa sheegay in Sirdoonka Somaliland ay fannaanka ka soo qabteen gurigiisa oo ku yaal magaalada hargeysa, ka hor intii aysan ku wareejin waaxda dambi-baarista.
"Khaalid waxay ka soo qabteen gurigiisa. Ka dibna waxaa lagu soo xiray Sirdoonka. Sirdoonku waxay ku eedeeyeen in uu hees Qudus ka hadleysa oo aan weli soo bixin qaaday," ayuu yiri Cabdimajid oo intaas ku daray in "sirdoonku ku wareejiyeen CID-da" oo iyaguna u dhaadhiciyey xabsiga weyn.
Cabdimajiid Maxamud Cabdillaahi wuxuu sheegay in xarigga walaalkiis, oo xilliga uu BBC-da u warramayey xukun la'aan xiran muddo 11 casho ah, ay gadaal ka riixeyso cid uusan carrabaabin.
"Khaalid hees ayaa loo haystaa ayey laamaha ammaanku noo sheegeen, laakiin mar haddii aysan heestu ahayn mid Somaliland ka hadleysa, balse Qudus ka hadleysa, waxaan u aragnay in cidi ay riixeyso ama ka dambeyso (xarrigga), laakiin wax cad oo ninkaas lagu haysto ma jirto" ayuu yiri Cabdimajiid.
Waxaa xusid mudan in BBC ay isku dayday in ay xarigga fannaankan wax ka weydiiso mas'uuliyiinta Somaliland, balse weli nooma aysan suurtogelin inaan helno.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Heesta fannaanka loo haysto oo aan weli si rasmi ah u soo bixin, balse maqal ahaan loo geliyey baraha bulshada, ayaa waxaa loogu qareemayaa magaalada barakeysan ee Qudus, halkaas oo uu ku yaallo masaajidka Al-Aqsa oo Muslimiintu aaminsan yihiin in uu barakeysan yahay.
Qudus waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu da'da weyn uguna saameynta badan dunida. Waxayna xuddun u tahay xarun ruuxi ah oo aad muhiim u ah, waxayna leedahay taariikh iyo muhiimad diimeed oo qoto dheer oo ay wadaagaan saddexda diimood ee kala ah: Yuhuudda, Masiixiyadda, iyo Islaamka.
Ereyada heesta Qudus ee fannaanka loo haysto, sida uu inoo xaqiijiyay walaalkii, waxaa ka mid ah tuducdan:
Quddus waa la duudsiiyey
Rag damaaciyaa helay
Lagu daawadaa helay…
Balse qof damiir lehi
Dambigaas kamuu ladin.

Xigashada Sawirka, Prime Minister of Israel's Office
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Furitaanka xarunta diblomaasiyadeed ee Somaliland ee bishii June, oo ku taalla xarun tiknoolajiyadeed oo ka tirsan Galbeedka Qudus ayaa dhacay xilli Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, uu booqasho rasmi ah ku joogay Israa'iil.
Intii lagu guda jiray kulankii uu la yeeshay madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in ay jiraan "xidhiidh ruuxi ah oo qoto dheer oo u dhexeeya shacabkeenna."
Hase yeeshee, Soomaaliya, oo u aragta Somaliland inay qayb ka tahay dhulkeeda, ayaa sheegtay in xiriir kasta oo lala yeesho "maamulka gooni-u-goosadka ah ee gobolka waqooyi ee Soomaaliya... uu yahay xadgudub lagu sameeyay madaxbannaanideeda."
Aqoonsigii Israa'iil ee Somaliland bishii Diseembar ee la soo dhaafay wuxuu dhaliyay muran badan. Tobnaan dal iyo ururro ay ka mid yihiin Shiinaha, Turkiga, Sacuudi Carabiya, iyo Midowga Afrika ayaa cambaareeyay go'aankaas.
Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markaas Israa'iil iyo Somaliland waxay sii xoojinayeen xiriirkooda. Horaantii sanadkan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa'iil, Gideon Saar, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Go'aanka Somaliland ay ku furtay xarunteeda diblomaasiyadeed magaalada Qudus halkii ay ka furan lahayd Tel Aviv, oo ay ku yaallaan inta badan safaaradaha shisheeye, ayaa sidoo kale waxaa ammaanay Benjamin Netanyahu.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laga soo bilaabo 1923 ilaa 1948, Qudus waxay ahayd xarunta maamulka ee Falastiin oo hoos imanaysay Mandate-kii Ingiriiska (Mandatory Palestine).
Si kastaba ha ahaatee, ka dib Dagaalkii Lixda Maalmood ee dhacay sannadkii 1967, magaalada Qudus oo dhan waxay gashay gacanta Israa'iil.
Bishii Diseembar 1949, Ra'iisul Wasaarihii Israa'iil ee xilligaas, David Ben-Gurion, wuxuu ku dhawaaqay in qaybta Galbeedka Qudus ee ay Israa'iil maamulaysay ay tahay "caasimadda abadiga ah ee Israa'iil." Siyaasaddan waxaa bishii Jannaayo 1950 ansixiyay baarlamaanka Israa'iil.
Hase yeeshee, mowqifkaas si caalami ah looma aqbalin, maaddaama Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 194 uu dhigayay in Qudus loo aqoonsado magaalo caalami ah oo leh maamul gaar ah.
Falastiiniyiintu dhinacooda waxay sheegtaan in dhanka bari ee magaalada ee ay degaan Carabtu ay tahay caasimaddooda mustaqbalka.















