Maraykanka oo Siiriya ka saaraya liiska wadamada taageera argagixisada

Trump iyo Sharaa

Xigashada Sawirka, Syrian Presidency/Anadolu via Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Mareykanka ayaa Suuriya ka saaray liiska waddamada taageera argagixisada kadib 47 sano; tallaabadan ayaa looga golleeyahay in lagu yareeyo caqabadaha hortaagan maalgashiga shisheeye ee Suuriya, dalkana dib loogu soo celiyo dhaqaalaha caalamiga ah.

Kadib markii Suuriya laga saaray liiskaas, waxaa hadda ku haray oo kaliya Iran, Kuuriyada Waqooyi, iyo Cuba.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in tallaabadan — oo dhaqangashay maalintii Isniinta, markii ugu horreysayna la soo jeediyay bishii Luulyo ee sannadkii hore — ay Suuriya u horseedi doonto "barwaaqo iyo horumar."

Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka Scott Besant ayaa sidoo kale yiri: "Tallaabada maanta la qaaday waxay gacan ka geysan doontaa soo jiidashada maalgashi dheeraad ah oo ku wajahan Suuriya, taas oo xoojin doonta xasilloonideeda siyaasadeed iyo midda dhaqaale."

Maamulka Donald Trump ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee Suuriya, Ahmed al-Sharaa. Ahmed al-Sharaa ayaa ahaa taliye hore oo ka tirsanaa kooxaha dagaallama, Mareykankuna wuxuu mar ballanqaaday abaalmarin lacageed oo lagu bixinayo qabashadiisa, maadaama uu hoggaaminayay laan ka tirsan ururka Al-Qaacida.

Sannadkii hore, Mareykanka ayaa liiskiisa kooxaha argagixisada ka saaray magaca kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham, oo uu hoggaamiyo Ahmed al-Sharaa.

Kulankii dhexmaray Al-Sharaa iyo Trump xilligii dayrta ee sannadkii hore ayaa loo arkayay isku-day cusub oo lagu doonayo in xiriirka diblomaasiyadeed lagu hagaajiyo. Waxa uu sidoo kale bishii Maajo la kulmay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyadoo uu socdo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhacayay Riyadh, Sacuudi Carabiya. Trump ayaa ku tilmaamay Al-Sharaa nin "adag" oo leh "taariikh xooggan."

Al-Sharaa ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay in Suuriya ay "dib u helayso booskeeda dhabta ah ee ka dhex jira quruumaha caalamka," wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka inay qaaddo cunaqabataynta saaran dalka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iyadoo laga jawaabayo arrintaas, Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa taageeray go'aanka Mareykanka ee ku saabsan qaadista cunaqabataynta; tallaabadaas oo dhigaysa in cunaqabatayntii ay Washington saartay Suuriya iyo hoggaamiyeyaasheeda cusub si tartiib-tartiib ah loo khafiifin doono muddo bilo ah.

Ahmed al-Sharaa, oo hore loogu yaqaanay Abu Muhammad al-Julani isla markaana ah hoggaamiyaha kooxda Hay'at Tahrir al-Sham, ayaa loo magacaabay madaxweyne ku-meel-gaar ah ka dib markii uu hoggaamiyay weerar ay qaadeen fallaagada oo xukunka looga tuuray Bashar al-Assad bishii Disembar 2024, taas oo soo afjartay dagaalkii sokeeye ee Suuriya oo socday muddo 13 sano ah.

Bashar al-Assad iyo aabihiis, Hafez al-Assad, ayaa Suuriya xukumayay muddo ka badan nus qarni.

Mr. al-Jolani ayaa noqday madaxa dowladda ku-meel-gaarka ah ee Suuriya ka dib markii uu dhacay xukunkii Bashar al-Assad. Sannadkii la soo dhaafay, hoggaamiyeyaasha cusub ee Suuriya ayaa isku dayay inay ka fogaadaan taariikhdoodii hore ee ku aaddanayd kooxaha Islaamiga ah ee xagjirka ah.