Trump oo sheegay in 'waxyaabo badan' ay isku sii afgarteen Ruushka inta uusan dhicin wadahadalka taleefanka

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in "waxyaabo badan" oo ka mid ah heshiiska nabada ee Ukraine ay isku afgarteen dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, ka hor inta aan la gaarin wadahadalka khadka taleefanka ee la filayo.

Trump ayaa soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth in uu la hadli doono Putin subaxnimada Talaadada.

Waxa uu sheegay in inkastoo heshiisyo ay jireen, "wax badan ay dhiman yihiin" in laga shaqeeyo.

"Toddobaad kasta waxa uu keenaa dhimashada 2,500 oo askari dagaalku, labada dhinacba, waana in hadda la soo afjaraa, aad baan u sugayaa baaqa madaxweyne Putin," ayuu qoray Trump.

Waxa uu mar sii horeysay u sheegay warfidiyeenka "Waan arki doonnaa in aan ka shaqeyn karno heshiis nabadeed, xabbad joojin iyo nabad, waxaana filayaa in aan awoodno."

Qudbaddiisii habeenimo ee isniintii, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku eedeeyay Putin inuu sii dheereynayo dagaalka.

"Soo jeedintan waxaa la hirgelin karay waqti hore," ayuu yiri, isaga oo raaciyay "maalin kasta oo dagaal ah waxay galaafanaysaa nolosha aadanaha".

Waxaa jiray khilaafyo ka yimid gudaha maamulka Trump oo ku saabsan sida loo hormarinayo wadahadallada xabbad joojinta.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Isagoo ka hadlayay ka dib markii uu magaalada Jeddah kula kulmay mas'uuliyiin ka tirsan Ukraine, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in "inta ugu badan" wadahadalku uu ahaa "sida habka wada xaajoodku u ekaan doono" oo uusan ahayn "shuruudaha gaarka ah".

Ergeyga Mareykanka Steve Witkoff, oo Putin kula kulmay Khamiista Moscow, ayaa sidoo kale ku dhuftay cod dheeri ah.

Dhanka kale, UK iyo France ayaa ku booriyay Putin inuu caddeeyo inuu doonayo heshiis nabadeed oo uu la galo Ukraine iyo in kale.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ammaanay "dhiiranaanta" Zelenksy ee uu ku aqbalay hindise xabbad-joojin ah, wuxuuna ku xujeeyay Ruushka inuu sidaas oo kale sameeyo putin.

"Dhimasho ku filan. Nolol ku filan ayaa burburtay. Burbur ku filan. Shanqarta rasaastu waa in ay joogsato," Macron ayaa ku yiri sidaas qoraal uu ku daabacay X.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Lammy ayaa sheegay in Putin ay tahay inuu ogolaado "xabad joojin buuxda oo shuruud la'aan ah hadda", isagoo u sheegay mudanayaasha inuusan arkin "wax calaamad ah" oo muujineysa in Putin uu dhab ka yahay heshiis nabadeed.

Waxa uu ka digay in UK iyo xulafadeeda ay haystaan "kaarar badan oo aan ciyaari karno" si ay gacan uga geystaan ku qasbida Ruushka inuu gorgortan u galo "si dhab ah".

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa Isniintii u sheegtay wariyeyaasha in Trump "ay ka go'an tahay" inuu xaqiijiyo heshiiska nabadda.

Waxyaalaha uu wadahadalku dabooli karo, ayay tiri waxaa ka mid ah: "Waxaa jirta warshad koronto oo ku taal xadka Ruushka iyo Ukraine oo ay reer Ukraine rabeen in ay wadahadal ka galaan, wuxuuna arrinkaas Putin ka hadli doonaa ismaqalka khadka taleefanka ee maanta."

Xaruntu waxay u badan tahay inay tahay warshadda tamarta nukliyeerka ee Zaporizhzhia, oo ah tan ugu weyn Yurub. Waxaa qabsaday ciidamada Ruushka tan iyo bishii March ee sanadkii 2022-kii, waxaana wali jirtay cabsida laga qabo shil nukliyeer oo ka dhasha dagaalo ka dhacay deegaankaas.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa diiday inuu ka hadlo waxa hogaamiyayaashu ka wada hadli doonaan, isagoo ku jawaabay, "Weligay taas ma samayno".

Iyadoo Putin uu horay u sheegay inuu taageersan yahay xabbad joojin, wuxuu sidoo kale dejiyay liis shuruudo ah oo lagu gaari karo nabad.