Sidii xalay ay wax uga dhaceen Gaza xilliga suxuurta iyo khasaaraha inta uu la egyahay

Gaza
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in ay "duqeymo xooggan" ka wadaan marinka Qaza, iyadoo wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ay sheegtay in ugu yaraan 220 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqaymaha.

Ciidamada difaaca Israa'iil ee loo soo gaabiyo (IDF) ayaa sheegay in ay beegsanayaan waxa ay ugu yeereen "bartilmaameedyo argagixiso" oo ay leeyihiin Xamaas.

Maxamuud Abu Wafah, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee Qaza, ahaana sarkaalkii ugu sareeyay dhanka ammaanka ee Xamaas, ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar.

Tani waa mowjadihii ugu balaadhnaa ee duqeymo xagga cirka ah oo Gaza ka dhaca tan iyo markii xabad joojinta ay bilaabatay 19kii Janaayo. Wadahadallo lagu doonayay in lagu kordhiyo xabad joojinta Gaza ayaa lagu guuldareystay in la isku afgarto.

Dad badan ayaa cunayayay suxuurtooada maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, markii ay qaraxyo ka bilowdeen Qaza, goob joogayaal ayaa sidaas sheegay.

In ka badan 20 diyaaradood oo dagaal oo ay leedahay Israa'iil ayaa dul heehaabayay Gaza, sida ay sheegeen. Diyaaraduhu waxay bilaabeen inay duqeeyaan bartilmaameedyada magaalooyinka Gaza, Rafah iyo Khan Younis.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhigga Israel Katz ayaa amray duqeymaha subaxnimadii Talaadada, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha.

"Tani waxay daba socotaa diidmada soo noqnoqatay ee Xamaas ee ah in la sii daayo la haystayaashayada, iyo sidoo kale diidmada dhammaan soo jeedintii uga timid ergeyga madaxweynaha Maraykanka Steve Witkoff iyo dhexdhexaadiyeyaasha," ayaa lagu yiri bayaanka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Israa'iil, wixii hadda ka dambeeya, waxay qaadi doontaa tallaabo ka dhan ah Xamaas iyadoo sii kordhinaysa awoodda milateri," ayay lasii raaciyay warka.

Qorshaha duqaymaha "waxaa soo bandhigtay IDF dhamaadkii usbuuca waxaana ansixiyay hoggaanka siyaasadda", ayay la yiri.

Safiirka Israa'iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa uga baaqay Xamaas inay sii daayaan dhammaan la haystayaasha, isagoo caddeeyay "Uma naxariisan doono cadawgeenna".

Xamaas ayaa si caro leh uga jawaabtay, waxayna Israa'iil ku eedaysay khiyaamo ay ku burisay heshiiskii xabbad joojinta. Waxa kale oo ay sheegtay in Israa'iil ay "meel aan la aqoon dhigayso" lahaystayaasha u dhashay dalkeeda ee wali ku usgan Gaza.

Balse Xamaas weli ma aysan shaacin inay dib u billaabayso dagaalka, taas beddelkeedana waxay ugu baaqeen dhexdhexaadiyeyaasha iyo Qaramada Midoobay inay soo farageliyaan.

Israa'iil waxay la tashatay maamulka madaxweynaha Donald Trump ka hor inta aysan duqeynta fulin, afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa u sheegay Fox News.

Dhexdhexaadiyeyaashu waxay isku dayeen inay helaan waddo hore loogu sii wado karo wadahadalka ka dib markii wejigii koowaad ee xabbad joojinta ku meel gaarka ahi dhammaaday 1-dii Maarso.

Maraykanku waxa uu soo jeediyay in la kordhiyo wejiga koowaad lana gaarsiiyo illaa bartamaha bisha April, oo ay ku jirto isdhaafsiga la haystayaasha ay haystaan Xamaas iyo maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay haysato Israa'iil.

Mahmoud Abu Wafah

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Mahmoud Abu Wafah, ninkii ugu sareeyay amniga deegaanada Xamaas maamusho

Balse sarkaal Falastiini ah oo xog ogaal u ah wada-hadallada ayaa BBC-da u sheegay in Israa'iil iyo Xamaas ay isku khilaafeen qodobbo muhiim ah oo ku saabsan heshiiska uu Witkoff saldhigga uga dhigay wadahadallada dadban.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas ayaa billowday 7-dii Oktoobar 2023, markaasoo Xamaas ay ku dishay in ka badan 1,200 oo qof koonfurta Israa'iil, kuwaas oo u badnaa rayid, iyadoo 251 qof oo kalana ay qafaasheen.

Xilligaas kadib milatariga Israa'iil waxay weerar sanad ka badan socday ku qaadeen Gaza halkaas oo ay ku dileen in ka badan 48,520 qof, oo u badan rayid, sida lagu sheegay tirokoobyada wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho oo ay adeegsato Qaramada Midoobay iyo hay'ado kalaba.

Inta badan dadka Gaza oo 2.1 milyan ah ayaa dhowr jeer barakacay.

Qiyaastii 70% dhismayaasha ayaa burburay, daryeelka caafimaadka, biyaha, iyo nidaamyada fayadhowrka ayaa dumay waxaana jira cunto yari, shidaal, dawo iyo hoy yari intaba.