CNN oo baajisay waraysiga Madaxweynaha Iran kaddib shuruud adag oo lagu xiray

Christiane Amanpour

Xigashada Sawirka, Christiane Amanpour

Qoraalka sawirka, Weriyaha ruug-cadaaga ah ee CNN, Christiane Amanpour
Published

Weriyaha rug-caddaaga ah ee telefishinka CNN, Christiane Amanpour, ayaa baajisay waraysi ay ka qaadi lahayd Madaxweynaha Iran, Ibraahim Raisi, kaddib markii uu ka dalbaday inay waraysato iyadoo uu madaxa u dadan yahay ama xijaaban.

Amanpour ayaa tilmaantay in aanu jirin madaxweyne dalab noocaas ah u jeediyay markii ay hoggaamiyeyaasha ku waraysatay meel ka baxsan Iran.

Waxa ay intaa ku dartay in kaaliyaha Madaxweyne Raisi uu u sheegay in sababta dalabkaas ay tahay "xaaladda ka taagan Iran”.

Geerida haweeney ay laamaha ammanka ee Iran u xireen inay jebisay xeerka xijaabka ayaa waxaa ka dhashay dibedbaxyo rabshado wata.

Mahsa Amini oo 22 jir ahayd ayaa toddobaadkii hore gashay xaalad miyir daboolan ah, saacado kadib markii ay xireen booliska ka hortaga xumaanta.

Askarta xirtay Mahsa ayaa la sheegay inay madaxa kala dhaceen bud, isla markaana ay madaxa uga garaaceen gaari ay wateen. Booliska ayaa ku dooday in aanay jirin caddeyn muujinaysa in si xun loola dhaqmay gabadhaas, balse uu ku soo booday "xanuun wadnaha ah oo degdeg ah”.

Dibedbaxyada oo galay maalintii toddobaad ayaa ku baahay 80 magaalo iyo deegaan oo ka tirsan jamhuuriyadda Islaamiga ah. Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay rabshadaha socda.

Waraysiga ayaa noqon lahaa kii ugu horreeyay ee Madaxweyne Raisi looga qaado gudaha Mareykanka, xilli uu ka qeybgalayo kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Amanpour ayaa sheegtay inay diyaar u ahayd waraysiga, kaddibna uu mid ka mid ah kaaliyeyaasha Madaxweynaha Iran uu u sheegay in laga rabo inay madaxa dadato, arrintaasina uu dalbaday Raisi.

“Waxaan joognaa New York oo aanu ka jirin sharci ama dhaqan khuseeya xijaabka,” ayay ku qortay barteeda Twitter.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Amanpour ayaa sheegtay in kaaliyaha Madaxweyne Raisi uu si cad ugu sheegay in aanay waraysi qaadi doonin haddii aanay madaxa dadan, isagoo intaa ku daray in taasi ay “tahay ixtiraam”.

Kooxda la socotay weriyaha ayaa baajiyay waraysiga, waxaana ay ku tilmaantay shuruudda lagu xiray “mid lama-filaan ah oo aan horay loo arag”.

Christiane Amanpour ayaa mar dambe soo dhigtay sawir iyada oo aanu madaxa u dadneyn ah, isla markaana hortaagan kursi bannaan oo uu ku fariisan lahaa Madaxweynaha Iran si halkaa loogu waraysto.

Raisi oo madaxtinnimada Iran loo doortay sanadkii hore ayaa bishii Agoosto saxiixay amar lagu dhaqangelinayo xayiraado cusub.

Waxaa ka mid ah in kaamirooyin lagu xiro goobaha ay bulshada isugu timaado, si loola socdo dumarka aan xijaabka xiran, kuwaas oo ganaax ama waano la siinayo.

Waxaa sidoo kale qasab laga dhigay in xabsiga loo taxaabo qof kasta oo Iran u dhashay oo su’aal ka keena ama baraha bulshada soo dhiga diidmo ka dhan ah xeerka xijaabka.

Xayiraadaha ayaa sare u qaaday xarigga loo geysto dumarka, dhinaca kalena waxa ay kordhiyeen dumarka baraha bulshada soo dhigaya iyagoo aan xijaab xirnayn, arrintaas oo cirka isku shareertay kaddib geeridii Mahsa Amini.