Muxuu ninkan boorso ugu watay meydka qof boqollaal sano ka hor dhintay?

Xigashada Sawirka, Reuters
Booliiska dalka Peru ayaa la kulmay arrin lama filaan ah kadib markii ay baadheen nin sakhraansan oo ay ka shakiyeen kaas oo ku sugnaa goob qadiimi ah oo ku taal Puno.
Ninkan oo ka shaqeynayey dhanka adeegga cuntada maqaayadaha ayaa boorsadiisa qaboojiyaha ee loogu tala galay in cuntada lagu qaado waxaa laga helay meyd qadiimi ah.
Waxa uu sheegay in uu qol la wadaagayey maydkan faashadeysan oo uu ku tilmaamay "saaxiibkiisa ruuxiga ah".
Waxa uu boorsadiisa qaboojisada ugu soo qaaday si uu u tuso saaxiibbadiis sida ay boolisku sheegeen.
Waxa uu sharraxay in uu "Juanita" sida uu ku naaneysay meydka, ku hayay sanduuqa qolkiisa ku yaal, meel u dhow TV-ga. Waxa uu intaa ku daray in uu Aabbihii lahaa, isaga oo aan sheegin meesha uu aabbihii ka keenay meydkan.
Khubarradu waxa ay sheegeen in maydkani uu da’ ahaan u dhexeeyo 600 ilaa 800 oo sano, waxana ay sheegeen in uu ahaa nin da’ dhexaad ah, sida uu askariga helay ku qiyaasay.
Ninka la dilay ayaa lagu qiyaasay in da'diisu ay ka badan tahay 45 jir xilliga uu dhimanayay, dhererkiisuna waa 1.51m (4ft 11in).
Meydka waxaa lagu duuduubay faashado xilliga uu dhintay, taas oo u eg sida ay aaska u sameysan jireen dadka aggaas ku noolaa boqollaal sano ka hore inta aanu Isbaanishku soo gaarin.
Keydinta meydka ee noocan ah si aanu u qudhmin waxaa ku dhaqmi jiray dad kala duwan oo ka jira dalka hadda loo yaqaan Peru ka hor intaysan imaanin guumaystii Isbaanishka. Meydadka qaar ayaa la aasi jiray halka kuwo kalena dibadda loo soo saari jiray si iyaga oo lagu soo bandhigayey xafladaha muhiimka ah.
Booliska ayaa gacanta ku dhigay meydkan oo ku jiray boorsada qaboojiyaha, waxayna u gudbiyeen wasaaradda dhaqanka ee dalka Peru, taasoo ilaalisa dhaxalka dalkaas.
Ninkii waday gaariga iyo labadiisa saaxiib oo da’doodu u dhaxeyso 23 ilaa 26 sano jir ayaa la xiray waxaana lagu baarayaa dambiyo ka dhan ah hidaha iyo dhaqanka dalka Peru.














