Quraanjada faraha ba'an ku haysa Hindiya ee aan xitaa cafin masaska

Quraanjada waalan ee jaallaha ah

Xigashada Sawirka, COURTESY DR PRONOY BAIDYA

Published

 

Boqollaal ka tirsan dadka ku nool tuulo ku taalla gobolka Tamil Nadu ee koonfurta Hindiya ayaa sheegay in ay la daalaa-dhacayaan qulqulka quraanjo jaalle ah oo waalan.

Waxay sheegeen in ay weerar ku tahay xoolahooda, isla markaana ay saameyn ku yeelatay dalagyada kasoo go’a beeraha, taasoo khatar ku ah noloshooda.

Quraanjada waalan ee jaallaha ah ayaa ka mid ah noocyada ugu xun adduunka, sida uu qabo Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Xayawaanaadka.

Quraanjadan waxba ma qaniinto, laakiin waxay buufisaa aashito (acid) la yiraahdo formic, taas oo keeni karta dhibaatooyin kala duwan.

Quraanjadan - magaceeda sayniska ah waa Anoplolepis gracilipes. Waxay u socotaa si isku dhex-yaac ah, marka la taabto falcelinteedu waa mid waalli ah.

Khubarrada ayaa sheegay in quraanjadan ay si dhaqso ah u badato oo ay “waxyeello badan u geysan karaan duur-joogta”.

Dr Pronoy Baidya, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga deegaanka oo cilmi-baaris ku sameeyay quraanjada waalan ee jaallaha ah ayaa yiri:

"Ma haystaan ​​wax cunto ah oo ay door bidaan. Wax kasta oo ka hor yimaado ayay cunaan."

Waxa uu intaas ku daray in ay sidoo kale ugaarsadaan noocyada kale ee quraanjada iyo shinnida.

Tuulooyinka ay dhibaatadu quraanjada saameysay ee Tamil Nadu waxay ku yaallaan dhul buuraley ah oo ku wareegsan kaynta Karanthamalai ee degmada Dindigul. Inta badan dadka halkaas deggan waa beeraley iyo lo'-dhaqato.

Dadka deegaanka ayaa BBC Tamil u sheegay in xoolo-dhaqato badan oo ku noolaa meel u dhow keymaha ay ka guureen deegaannadii ay ku noolaayeen sababo la xiriira quraanjada waalan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in quraanjada ay indhaha ka weerarto xoolaha

Dr Singamuthu, oo ah dhaqtarka caafimaadka xoolaha ee dowladda, ayaa BBC Tamil u sheegay in quraanjadu ay "u eg tahay quraanjada caadiga ah".

"Ma garanayno sababta ay u faaftay, sidoo kale ma garan karno qaab aan u xakameyno," ayuu yiri.

Dadka deegaanka ayaa dhanka kale ku andacoonaya in xoolahoodii iyo xataa masaska iyo bakaylaha ay dhinteen kaddib markii ay soo weerartay Quraanjadan.

Khubarrada ayaa ka walaacsan in kororka cayayaankaas uu saameyn ku yeelan karo deegaanka.