You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Go’doonka Tigray: ‘Dadku daqiiqad kasta ayay dhimanayaan maalin kasta’
Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ragaadiyay dagaal socday ku dhowaad labo sano. Wadahadallada nabadda ee u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigray ayaa dib loo dhigay, waxaana jira warar sheegaya inay gobolka ka billowdeen isku dhacyo cusub.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in saddexdii carruur ah ee ku sugan gobolka ay midkood nafaqo-darro heyso, welise si buuxda looma oga khasaaraha dhabta ah ee dagaalka.
Gobolka Tigray ee ku yaalla waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa dunida inteeda kale ka jaray dagaal. Malaayiin qof ayaa guryahoodii ka qaxay, halka kumannaan kalena ay dhinteen.
Haatana dhibaatada kale ee dadkan lasoo daristay ayaa ah gaajada. Tuulooyinka miyiga, dagaalku wuxuu ka joojiyay beeralayda inay wax tacbadaan. Suuqyadda ayaa ah kuwo aanay cidna ku sugneyn, meel sidaas aan uga fogeyna waxay BBC-du gurigeeda kula kulantay haweeney da’a ah oo gaajo sariirta u saaran, waxayna BBC-da u sheegtay in gaajadu aysan hal mar nafta ka qaadayn, balse ay si tartiib tartiib ah u baabi’in doonto.
Ma jiraan xarumo caafimaad. Waxaa dadka tuuladan lagu qasbay inay 100 kilomitir u lugeeyaan si ay daaweyn u helaan. Laakiin, xitaa halkaas, adeegyada caafimaadka waa gabaabsi.
Dr Tsehaye ayaa maamula isbitaal ku yaalla Abi Addi, kaas oo aan haysan wax dawo ah, koronto ama gaas ah. “labo maalin kaddib isbitaalkan wax oksijiin ah ma haysan doono,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in carruur aad u badan oo nafaqo-xumo ay hayso la keenayo isbitaalka.
Dhaqtarku waxaan la kulannay isagoo ag taagan sariir lagu dabiibayo wiil yar oo ay ag taallo haanta oksijiinta, kaas oo xanuun ba’an dareemaya. “Canuggan waa hal sano iyo 7 bil jir. nafaqo-xumo ba'an ayaa haysa.”
“Waxay ahayd inuu hadda ku jiro quudin iyo daweyn. Laakiin, hadda caano ma siinno, sababtoo ah caano uma hayno,” ayuu yiri Dr Tsehaye.
“Lix bil ka hor, waxaa halkan loo keenay isla kiiskan. Waa nafaqo-darro, wax yar ayuu soo reystay oo guriga ayuu ku noqday. Hadda hooyadiis dib ayay u soo celisay, waayo caano ku filan ma leh naasaheeda, sidaas awgeed ayay isbitaalka u keentay,” ayuu yiri Dr Tsehaye oo BBC-da warbixin ka siinayay xaalka caafimaad ee gobolka Tigray.
Waa sheeko caan ah oo ay ka wada siman yihiin shaqaalaha isbitaallada gobolka la hareereeyay. Magaalada caasimadda ah ee Maqalle, isbitaalka Ayder waa mid ka mid ah kuwa aadka u yar ee weli laga helo dawooyinka iyo caanaha nafaqaysan. Laakiin, qaybta carruurta ayaa la tacaalaysa labaatan carruur ah oo ay nafaqo-xumo hayso, oo ay ku jirto Arsima oo 2 bil jirta. Miisaankeedu waxa uu ka yar yahay afar kiilo. Xaaladdeeda caafimaad waxaa gacanta ku haya Dr Samuel.
“Marka loo eego WHO iyo heerarka caalamiga ah ilmahan waxa uu ku jiraa marxaladda 3aad. Sidaas awgeed, tani waa marxaladdii ugu dambeysay,” ayuu yiri dhaqtarka.
Hooyadeed, Sendayo, waxaa ay la soo darsay gaajo joogto ah intii ay uurka lahayd. Waxay ku qasbanaatay inay carruurteeda kale ee yaryar guriga uga soo tagto, si ay u hesho Arsima daryeelka ay u baahan tahay.
“Waa inaan wax u sameeyaa ilmahan. Laakiin, kuwa kale way dhibban yihiin. Way gaajoon yihiin, cid daryeeshana ma jirto,” ayay tiri Sendayo.
Haddii aan dib ugu noqonno isbitaalka Abi Addi, waxaa lagu hayaa wiil kale oo 11 sano jir ah, kaas oo culeyskiisu uu yahay 8 kiilogaram oo keliya. Waxaa halkaas kula tacaalaya Dr Tsehaye.
“Waxaan halkan u joognaa in aan daawanno iyaga oo dhimanaya. Waxba ma qaban karno. Waxa aan siinaynaa kaliya daryeel taageero ah. Ma siin karno daaweyn kale,” Dr Tsehaye ayaa intaas ku daray hadalkiisa.
Dowladda Itoobiya iyo maamulka gobolka Tigray ayaa midba midka kale ku eedeynayaa dhibaatada bani’aadannimo.
Hase ahaatee, iyadoo wada-hadallada nabadeed ay sii xumaanayaan, dagaalladu waa ay sii xoogeysteen, arrintaas oo xaddiday qulqulka gargaarka caalamiga ah.