You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Pakistan, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya — marka la isku daro awooddooda milatari, intee ayay le'eg tahay, kee ayaase ugu awood badan?
Saddex ka mid ah quwadaha waaweyn ee Muslimiinta adduunka, Pakistan, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga, ayaa sameeyay isbahaysi difaac oo wadajir ah oo hoos yimaada "Heshiiska Makka".
Saddexda dal ee heshiiska ku jira mid kasta wuxuu leeyahay awoodo milatari oo u gaar ah.
Sida lagu sheegay falanqayn uu sameeyay machadka caalamiga ah ee daraasaadka Istiraatiijiga ah (IISS), muhiimadda heshiiskan waxay tahay inuu isku keenayo awoood nukliyeer ah oo ah Pakistan, khayraadka tamarta ee Sacuudi Carabiya iyo warshadaha difaaca ee Turkiga.
Dukumentiga rasmiga ah ee Heshiiska Makka weli lama shaacin. Hase yeeshee, saddexda dal waxay sheegeen in haddii mid ka mid ah dalalka xubnaha ah la weeraro, weerarkaas loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaan saddexda dal.
Qodobkan wuxuu u egyahay Qodobka 5-aad ee NATO, kaas oo dhigaya in weerar lagu qaado hal xubin oo NATO ah loo arko weerar lagu qaaday dhammaan xubnaha isbahaysiga.
Khubarrada arrimaha difaaca ayaa aaminsan in tani ay si toos ah uga dhigan karto in haddii dagaal ka qarxo Koonfurta Aasiya, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga ay ku qasbanaan karaan inay Pakistan caawiyaan.
Dhanka kale, haddii uu Suuriya ama bariga Badda Mediterranean-ka ka qarxo iska horimaad u dhexeeya Israa'iil iyo Turkiga, Pakistan iyo Sacuudi Carabiya ayaa iyaguna laga yaabaa inay garab istaagaan Turkiga.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha qaarkood waxay sheegayaan inaysan qasab ahayn in dalalka kale ay si toos ah dagaalka uga qayb galaan.
Waxay caawimo ku bixin karaan hub, xog sirdoon iyo taageero diblomaasiyadeed.
Khabiirka arrimaha Bariga Dhexe Steve A. Cook, oo maqaalkiisa qoray Council on Foreign Relations, ayaa sheegay in 48 saacadood oo keliya kadib markii heshiiska la saxiixay, uu heshiisku mar hore galay imtixaankiisii ugu horreeyay.
Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa weerar ku qaaday warshad sifaynta saliidda ee Saudi Aramco oo ku taalla magaalada Jazan ee Sacuudi Carabiya.
Inkasta oo Sacuudi Carabiya ay tan iyo 13-kii Luulyo si joogto ah ula kulmaysay weerarro ay Xuutiyiintu fuliyaan, haddana kama aysan codsan caawimo saaxiibbadeeda cusub.
Sida uu sheegay Steve A. Cook, Heshiiska Makka wuxuu astaan u yahay isbeddelka ku socda nidaamka awood-qaybsiga gobolka ee Bariga Dhexe.
Wuxuu sheegay in isbeddelkani sidoo kale muujinayo daciifitaanka doorkii hoggaamineed ee Maraykanka ee gobolka, kaas oo soo jiray tobannaan sano.
BBC ayaa falanqayntan ku qiimaysay awoodda ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee saddexda dal.
Miisaaniyadda difaaca, ciidanka dhulka iyo awoodda cirka
Sida uu qabo Global Firepower Index, ciidamada Pakistan waxay leeyihiin ku dhowaad 660,000 askari oo diyaar ah .
Turkiga tirada askarta diyaarka ah waxay gaareysaa 481,000, halka Sacuudi Carabiyana ay leedahay ku dhowaad 247,000 askari oo firfircoon.
Sida laga soo xigtay xogta Machadka Caalamiga ah ee Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SIPRI), sannadkii 2025 Sacuudi Carabiya waxay difaaca ku bixisay 83.2 bilyan oo doollar, taas oo ka dhigaysa dalka siddeedaad ee adduunka ugu kharashka badan dhinaca difaaca.
Turkiga wuxuu difaaca ku bixiyay 30 bilyan oo doollar, halka Pakistan ay ku bixisay 11.9 bilyan oo doollar.
Marka loo eego miisaaniyadda difaaca, Turkigu wuxuu galay kaalinta 18aad ee adduunka, halka Pakistan ay ku jirto kaalinta 31aad.
Pakistan
Ciidanka Pakistan waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah ciidamada dhulka ee waaweyn ee dunida. Xiriirka difaaca ee Pakistan iyo Shiinaha ayaa si joogto ah u sii xoogeysanayay.
Sida lagu sheegay warbixinta IISS Military Balance, Pakistan waxay haysataa in ka badan 2,570 taangi oo waaweyn oo dagaal (MBT) iyo in ka badan 4,600 nidaam oo madaafiic ah.
Taangiyada ugu waaweyn ee ay isticmaasho waxaa ka mid ah Al-Khalid, Al-Khalid-1, Al-Zarrar iyo T-80UD.
Al-Khalid iyo Al-Khalid-1 waxaa lagu horumariyay gudaha Pakistan.
Dhanka ciidanka cirka, Global Firepower Index wuxuu Pakistan ku qiyaasaa inay haysato 331 diyaaradood oo dagaal. Halka warbixinta Military Balance ay tirada diyaaradaha dagaalka ku qiyaasto 465.
Diyaaradaha dagaalka ee ugu muhiimsan Pakistan waxaa ka mid ah F-16, JF-17 Thunder, J-10C, Mirage-3 iyo Mirage-5.
Sanadihii u dambeeyay, ku biirista J-10C iyo JF-17 Block III ayaa sare u qaadday awoodda Pakistan ee dhinaca cirka.
Sida lagu sheegay warbixinta Military Balance, hawlgallada lagula dagaallamayo argagixisada ayaa ciidamada dhulka iyo cirka Pakistan siiyay khibrad ballaaran oo dagaal.
Warbixintu waxay Shiinaha ku tilmaantay inuu yahay "saaxiibka ugu weyn ee Pakistan dhinaca difaaca."
Turkiga
Turkiga wuxuu ka mid yahay dalalka NATO ee loo arko inay leeyihiin ciidamada dhulka ugu xooggan. Wuxuu haystaa in ka badan 2,300 taangi oo waaweyn oo dagaal iyo in ka badan 2,700 nidaam oo madaafiic ah.
Taangiyada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah Leopard 2A4 oo Jarmal ah iyo M60T Sabra. Intaa waxaa dheer, Turkigu wuxuu horumarinayaa taangigiisa dagaalka ee gudaha lagu sameeyay ee Altay.
Labadii iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, Turkigu wuxuu xoogga saaray wax-soo-saarka qalabka difaaca ee gudaha.
Shirkadaha waaweyn ee difaaca sida ASELSAN, ROKETSAN iyo TAI ayaa door muhiim ah ka qaata arrintan.
Sida uu qabo Global Firepower Index, Turkigu wuxuu haystaa in ka badan 200 diyaaradood oo dagaal.
Sida laga soo xigtay warbixinta Military Balance, tirada diyaaradaha dagaalka ayaa ah 293.
Laf-dhabarta ciidanka cirka Turkiga waa diyaaradaha dagaalka ee F-16.
Turkigu wuxuu sidoo kale horumarinayaa Kaan, oo ah diyaarad dagaal oo jiilka shanaad ah oo gudaha lagu sameynayo.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa iyaguna ka mid ah awoodaha ugu waaweyn ee Turkiga.
Drones-ka sida Bayraktar TB2, Bayraktar Akıncı, Anka iyo Aksungur ayaa caan ka noqday adduunka oo dhan.
Sacuudi Carabiya
Sacuudi Carabiya ciidankeeda dhulka wuxuu ka yar yahay kuwa Pakistan iyo Turkiga.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo arkaa inuu ku qalabaysan yahay hub casri ah oo reer Galbeed ah.
Waxay haysataa qiyaastii 840 ilaa 1,100 taangi oo waaweyn oo dagaal, waxaana taangigeeda ugu muhiimsan ka mid ah M1A2 Abrams. Global Firepower 2026 wuxuu tirada taangiyada Sacuudiga ku qiyaasayaa 1,085.
Awoodda cirka ayaa loo arkaa inay tahay mid ka mid ah awoodaha milatari ee ugu waaweyn Sacuudi Carabiya.
Waxay haysataa qiyaastii 283 diyaaradood oo dagaal, sida uu qabo Global Firepower.
Diyaaradaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah F-15SA, F-15C/D, Eurofighter Typhoon iyo Tornado IDS. Xogta FlightGlobal waxay sidoo kale muujinaysaa muhiimadda ay diyaaradaha F-15, Typhoon iyo Tornado ku leeyihiin ciidanka cirka Sacuudiga.
Sacuudi Carabiya waxay sannadihii u dambeeyay sidoo kale maalgashi weyn ku samaysay difaaca gantaallada, kormeerka cirka iyo awoodda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Sida lagu sheegay warbixinta Military Balance, hawlgalladii milatari ee Yemen ka dhacay waxay ciidamada qalabka sida ee Sacuudi Carabiya u noqdeen fursad ay ku helaan khibrad dagaal oo dhab ah.
Si kastaba ha ahaatee, hawlgalladaasi waxay sidoo kale soo bandhigeen daldaloolo dhowr ah oo ku jiray nidaamka iyo awoodaha milatari ee Sacuudiga. Kuwaas waxaa ka mid ahaa caqabadaha la xiriira adeegsiga awoodda cirka ee weerarrada saxda ah, isku-duwidda ciidamada cirka iyo kuwa dhulka, iyo maareynta saadka.
Warbixintu waxay sheegtay in weerarradii gantaallada cruise-ka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday gudaha Sacuudi Carabiya ay sidoo kale banaanka soo dhigeen daciifnimooyin ka jiray nidaamyada difaaca cirka iyo kuwa gantaallada ee dalka.
Riyaad waxay sannadkii 2023 heshiis la gashay Turkiga si ay uga soo iibsato diyaarado aan duuliye lahayn.
Iyadoo qayb ka ah Saudi Vision 2030, Riyaad waxay hiigsanaysaa in 50 boqolkiiba kharashaadka guud ee difaaca lagu bixiyo wax-soo-saarka iyo adeegyada gudaha dalka.
Awoodda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn
Saddexda dalba waxay kordhiyeen maalgashiga tignoolajiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Pakistan iyo Sacuudi Carabiya labaduba waxay Turkiga ka soo iibsadeen diyaarado aan duuliye lahayn.
Pakistan waxay isticmaashaa drones-ka Burraq, Shahpar iyo Shahpar-2. Dhanka kale, Turkiga waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay dalalka dunida ugu horreeya ee soo saara drones-ka.
Drones-ka Turkiga ee Bayraktar iyo Akıncı ayaa loo adeegsaday colaado dhowr ah.
Sacuudi Carabiya sidoo kale waxay isticmaashaa drones-ka Shiinaha ee CH-4 iyo Wing Loong.
Sidoo kale, iyadoo qayb ka ah hiigsiga 2030, Sacuudi Carabiya waxay dadaal ugu jirtaa inay diyaarado iswada ay ku soo saarto gudaha dalka.
Awoodda ciidamada badda
Sida uu qabo Global Firepower Index, saddexda dal waxaa ugu awood badan dhinaca ciidamada badda Turkiga.
Turkigu wuxuu haystaa 192 hanti ciidan badeed, halka Pakistan ay leedahay 120, Sacuudi Carabiyana 32.
Turkigu wuxuu leeyahay 13 gujis.
Sidoo kale, waa dalka keliya ee saddexdan dal ka mid ah ee leh markab qaada diyaaradaha qumaatiga u kaca. Markabka TCG Anadolu ayaa ka mid ah awoodaha ugu muhiimsan ee ciidamada badda Turkiga.
Pakistan waxay leedahay 8 gujis iyo 12 markab daagaal. Dhawaan ayay Karachi soo gaartay gujiskii ugu horreeyay ee nooca Hangor, kaas oo lagu sameeyay iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Shiinaha iyo Pakistan.
Sacuudi Carabiya waxay leedahay 12 markab dagaal oo casri ah, hase yeeshee ma laha wax gujis ah.
Awoodda nukliyeerka
Saddexdan dal, Pakistan oo keliya ayaa si rasmi ah u shaacisay inay leedahay hub nukliyeer ah. Turkiga wuxuu ka mid yahay oo keliya nidaamka iskaashiga nukliyeerka ee NATO.
Dhanka kale, Sacuudi Carabiya waxay dhawaan Maraykanka la gashay heshiis ku saabsan barnaamij nukliyeer oo rayid ah oo ujeeddooyin nabadeed loogu talagalay.
Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu arrintan ku xiray ku biirista Heshiisyada Abraham iyo aqoonsiga Israa'iil.
Sida lagu sheegay warbixinta Machadka Caalamiga ah ee Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SIPRI) ee World Nuclear Forces 2026, ilaa Janaayo 2026 Pakistan waxay haysatay qiyaastii 170 madax oo nukliyeer ah.
Warbixintu waxay sheegtay in Pakistan ay si tartiib-tartiib ah u ballaarinayso nidaamkeeda "saddex-geesoodka nukliyeerka", kaas oo ka kooban awoodaha nukliyeerka ee dhulka, cirka iyo badda.
Awoodaha nukliyeerka ee Pakistan ee dhulka iyo cirka waa xooggan yihiin, balse awoodda ay nukliyeerka kaga weerari karto badda ayaa weli ku jirta marxaladda horumarinta iyo tijaabada.
Daciifnimada dhinaca difaaca ee saddexda dal
Khabiirka arrimaha istiraatiijiyadda ee Stimson Center, Daniel Markey, ayaa BBC u sheegay in Sacuudi Carabiya ay leedahay dhaqaale badan iyo fursad ay ku heli karto tiknoolajiyad casri ah.
Pakistan waxay leedahay ciidan tiro badan, khibrad dagaal iyo awood nukliyeer.
Dhanka Turkiga, wuxuu leeyahay tiknoolajiyad difaac oo horumarsan, xubinimada NATO iyo ciidan casri ah.
Sida uu Markey sheegay, daciifnimada ugu weyn ee ciidamada Sacuudiga waa yaraanta shaqaale si wanaagsan loo tababaray iyo tabar-darrada hay'adaha milatari.
Pakistan waxay wajahaysaa caqabadda miisaaniyad iyo kheyraad xaddidan, iyadoo sidoo kale ku mashquulsan arrimo amni oo la xiriira Hindiya iyo Afghanistan.
Turkiga, dhankiisa, ma haysto fursad sahlan oo uu ku helo diyaaradaha dagaalka jiilka cusub, maadaama laga saaray barnaamijka F-35.
Si kastaba ha ahaatee, Markey wuxuu sheegay in awoodaha saddexda dal ay midba midka kale ka daboolayaan daciifnimadiisa.
Taasi waxay ka dhigaysaa isbahaysigan mid istiraatiiji ahaan is-dhammeystiraya, inkastoo awoodda milatari ee saddexda dal aysan si toos ah uga dhignayn in ay leeyihiin hal ciidan oo isku dhafan.