You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump: Boqolaal mar oo kale ayaan weerari karaa Iiraan hadii loo baahdo

Donald Trump ayaa sheegay inuu Iran weerari karo boqol jeer oo kale haddii loo baahdo si looga hortago inay hesho hubka nukliyeerka, isagoo sheegay in haddii aysan jiri lahayn tallaabooyinkiisa, Israel iyo Bariga Dhexe maanta la burburin lahaa.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Weerar seef loo adeegsaday oo ka dhacay Sweden

    Dhowr qof ayaa ku dhaawacmay weerar seef loo adeegsaday oo ka dhacay dugsi sare oo ku yaalla Sweden, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

    Booliisku waxay sheegeen inay qabteen hal nin kadib weerarka ka dhacay Dugsiga Brinell ee magaalada Fagersta, bartamaha Sweden.

    Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray wax yar kadib 14:00 waqtiga maxalliga ah maanta. Warbaahinta Sweden ayaa sheegtay in qofka looga shakisan yahay weerarka ay booliisku lugta ka toogteen.

    Golaha deegaanka Fagersta ma uusan sheegin tirada saxda ah ee dadka dhaawacmay, balse wuxuu sheegay in booliisku ay dhismaha baarayeen, halka siddeed dugsi oo kale loo xiray si ku-meel-gaar ah oo taxaddar ah.

    Booliisku waxay sheegeen in xilligan aysan jirin khatar ku wajahan shacabka.

    Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa barta X ku tilmaamay weerarka “dhacdo halis ah”, isagoo sheegay in aan weli la ogeyn waxa ka dambeeya falka, balse booliisku ay si xooggan uga shaqeynayaan baaritaanka.

    Warar dheeraad ah:

  2. Madaxweynaha Iiraan: Waxaa wanaagsan in dagaalka la soo afjaro hadda oo aan xukunka heyno

    Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa dagaalka Mareykanka, maaddaama Tehran ay Washington kala joogto meel “awood” leh.

    Pezeshkian ayaa yiri: “Waxaa wanaagsan in dagaalka maanta la soo afjaro, xilli aan heyno xukunka oo aan leennahay sharaf, isla markaana dunida oo dhan ay qirayso guusheenna, ayna carrabka ku adkeynayso in Mareykanku, si ka baxsan dhammaan xeerarka, uu weeraray iskuulladeenna, isbitaalladeenna iyo kaabayaasheenna, isla markaana dunidu ay neceb tahay.”

    Madaxweynaha Iran ayaa sidoo kale natiijadii wadahadalladii Iran iyo Mareykanka, kuwaas oo horseeday in la saxiixo Is-afgaradkii Islamabad, ku tilmaamay “guul weyn”.

    Wuxuu sheegay in heshiiska “si midnimo iyo isfaham leh loogu ansixiyay Golaha Sare ee Amniga Qaranka, dhammaan xubnihii golaha ee arrintan ku lug lahaa ay si adag u difaaceenna.”

    Pezeshkian ayaa sidoo kale dhaliilay dadka uu sheegay inay “dibadda ka fadhiyaan” oo “aan garanayn waxa ay dowladdu ku guda jirto, xaaladda baarlamaanku ku jiro iyo waxa taliyayaashu ku jiraan.”

    Pezeshkian ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in hadalladiisu aysan ka dhignayn in Iran ay isu dhiibayso gardarro kasta oo iman karta: “Sinnaba uguma jilicsanaan doonno cagajuglaynta, arrintaasna shaki kuma jiro. Waxaan la hor istaagi doonnaa ilaa neeftayada ugu dambaysa, waxaana siin doonnaa jawaab burburinaysa.”

    Warar dheeraad ah:

  3. Siddeed qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay xarun milatari oo ku taala Alaska

    Shil diyaaradeed oo ka dhacay meel fog oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Mareykanka ee Alaska ayaa waxaa ku dhintay dhammaan siddeeddii qof ee diyaaradda saarnaa, sida ay sheegeen milatariga Mareykanka.

    Diyaaradda oo ay maamusho shirkad rayid ah oo qandaraas kula jirta dowladda ayaa burburtay wax yar ka dib duhurnimadii waqtiga maxalliga ah, meel u dhow Cape Newenham, halkaas oo ku yaalla garoon diyaaradeed.

    Lama oga cidda rakaabku ahaayeen ama sababta ay halkaas u joogeen. Hase yeeshee, madaxa Taliska Ciidanka Cirka Mareykanka ee Alaska, Lt. Gen. Robert Davis, ayaa sheegay in dadkaasi ay ahaayeen “xirfadlayaal u heellan shaqadooda oo fulinayay hawl muhiim ah, iyadoo ay ku shaqeynayeen deegaan aad u adag.”

    “Tani waa khasaare aad u murugo badan oo ku dhacay qoyskeenna milatari iyo bulshooyinka aan u adeegno,” ayuu Davis intaa ku daray.

    Wuxuu bayaan uu soo saaray ku yiri: “Mudnaantayada ugu weyn hadda waa inaan taageero aan kala go’ lahayn siino qoysaskooda, asxaabtooda iyo kooxihii ay la shaqeynayeen inta lagu jiro waqtigan aadka u murugada badan.”

    “Waxaan si qoto dheer uga mahadcelineynaa jawaabtii degdegga ahayd iyo dadaalkii aan kala joogsiga lahayn ee ay muujiyeen shaqaalaha.”

    Diyaaradda ayaa markii hore ka duushay Garoonka Caalamiga ah ee Anchorage, waxayna ku si jeedday Cape Newenham, oo qiyaastii 450 mayl (725 km) dhanka galbeed kaga beegan Anchorage, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Cirka Mareykanka ee Alaska.

    Samata-bixiyeyaashii ku degay meel u dhow goobta shilka ayaa “xaqiijiyay inaysan jirin wax badbaaday,” ayaa lagu sheegay bayaanka. Baaritaan ayaa socda, waxaana magacyada dadka dhintay la shaacin doonaa marka qaraabadooda dhow loo wargeliyo.

    Clint Johnson, oo ah madaxa gobolka Alaska ee Guddiga Badbaadada Gaadiidka Qaranka (NTSB), ayaa sheegay in diyaaradda ay saarnaayeen laba duuliye iyo lix rakaab ah, sida ay werisay CBS News ee Mareykanka, taas oo bah-wadaag la ah BBC-da.

    Goobta Cape Newenham, oo ku taalla xeebta koonfur-galbeed ee Alaska, waxay qayb ka tahay Nidaamka Raadaarka Alaska. Waa shabakad xarumo fog-fog ah oo kormeera diyaaradaha ku soo dhowaanaya ama ku shaqeynaya hawada Alaska.

  4. Muxuu yahay hubka uu dalkan Muslimka ah samaysatay ee aan dunida laga heysan?

    Milatariga casriga ah ee waddamada caalamka waxay qalabkooda ka saareen hub aad muhiim u ah oo la isticmaali jiray waa hore.

    Waa nooc ka mid ah taangiyada oo lagu tilmaamay in ay yihiin hub laga gudbay, balse miliyeriga Pakistan ayaa go'aansaday in uu dib u casriyeysto hubkaas.

    Labaatankii sano ee lasoo dhaafay waxay Pakistan ku mashquulsanayd dib u casriyeynta taangi lagu magacaabay Al-Khalid.

    Muxuu yahay Al-Khalid?

    Dowladda Pakistan waxa ay maalgelin wayn ku sameysay labo nooc oo ka mid ah taangiyadaas oo lagu guulaystay in si buuxda loo hormariyo.

    Labada noocba waa isla taangiga Al-Khalid.

    Warshad hubka farsamaysa oo ku taalla gudaha Pakistan ayaa taangiyadaas casriyaysay iyadoo taageero ka heleysa Shiinaha iyo Ukraine.

    Labadaas nooc ee hubka ah waxaa hadda lagu soo kordhiyay liiska qalabka ugu muhiimsan ee ay adeegsanayaan militeriga Pakistan.

    Al-Khalid waxa uu ka mid yahay gawaarida culus ee ku fiican dagaalka gacanta la iskula tago, waxaana aad loo adeegsan jiray 1990-meeyadii.

    Markii ugu horraysay waxaa farsamadiisa billaabay Shiinaha oo soo saaray nooc lagu magacaabo 90-IIM. Pakistan ayaa markii la soo gaaray sanadkii 2014-kii haysatay qiyaastii 310 taangi oo Al-Khalid ah. Tan iyo xilligaas wxii ka dambeeyay waxaa la sameeyay tiro kale oo aad u badan.

    Soo saaridda nooc saddexaad oo lagu magacaabo 'Al-Khalid II' ayaa dib u dhacday sababo la xiriira miisaaniyadda oo ku yaraatay.

    Sii akhri

  5. Itoobiya iyo Maraykanka oo gaaray heshiis dhanka difaaca iyo amniga ah

    Wafti heer sare ah oo uu hoggaaminayey Sareeye Guuto Teshome Gemechu, Agaasimaha Guud ee Xiriirka Dibadda iyo Iskaashiga Milatari ee Wasaaradda Difaaca Itoobiya (FDRE), ayaa booqday Maraykanka intii u dhaxaysay 19–20 Agoosto 2026.

    Waftiga ayaa wadahadallo laba geesood ah Pentagon-ka kula yeeshay dhiggiisa Maraykanka iyo madax kale oo sare oo ka tirsan Wasaaradda Dagaalka ee Maraykanka .

    Wadahadallada waxaa si wadajir ah u hoggaaminayey Brian J. Ellis, Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Wasaaradda Dagaalka ee Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika ee Pentagon-ka. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in iskaashiga milatari iyo diblomaasiyadeed ee labada dal la gaarsiiyo heer cusub oo horumarsan.

    Madaxda hay’adaha difaaca ee labada dal waxay ku heshiiyeen in la ballaariyo iskaashiga hay’adaha iyo in la sii xoojiyo isku-duwidda istiraatiijiga ah. Labada dhinac waxay sidoo kale ku heshiiyeen in iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhammaystiran lagu saleeyo tiirar muhiim ah oo looga gol leeyahay ilaalinta danaha qaran iyo faa’iidooyinka labada dhinac, dhisidda iskaashi waara oo lagu xoojinayo kalsoonida labada dhinac, iyo kordhinta dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo nabad, amni iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Geeska Afrika iyo gobolka ka ballaaran.

    Sareeye Guuto Teshome Gemechu iyo Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Brian J. Ellis waxay xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay inay si degdeg ah u hirgeliyaan qaab-dhismeedyadii lagu heshiiyey, isla markaana xiriirka difaaca ee labada dal u qaadaan iskaashi istiraatiiji ah oo ka wanaagsan oo ku wajahan mustaqbalka.

    Intii ay joogeen Maraykanka, waftigu wuxuu sidoo kale wadahadallo ballaaran la yeeshay madax kale oo ka tirsan hay’adaha difaaca Maraykanka, wuxuuna booqday xarumo kala duwan.

  6. FBI oo xiray haweeney qorsheyneysay inay qarxiso dhismaha baarlamaanka Mareykanka

    Hay’adda Sirdoonka Gudaha Mareykanka ee FBI ayaa xirtay haweeney reer New York ah oo lagu eedeeyay inay qorsheynaysay inay qarxiso dhismaha Baarlamaanka Mareykanka si ay u disho xildhibaanno.

    Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in Jessica Bowie, oo 35 jir ah, ay taageere u ahayd kooxda la yiraahdo Dawladda Islaamiga ah (ISIS).

    Marwo Bowie waxaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah inay siisay taageero iyo agab, urur argagixiso oo shisheeye.

    Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in haweeneyda lagu magacaabo Bowie ay dhowr jeer booqatay dhismaha Baarlamaanka si ay u soo indha-indhayso, isla markaana ay sidatay bam been-abuur ah iyo hub aan shaqaynayn oo ay siisay wakiillo FBI ah oo si qarsoodi ah u hawlgalayay.

    Sida ku cad dacwadda dembiga, Bowie waxay saraakiisha ku tiri: “Waxaan rabaa inaan burburiyo qaybta ugu weyn ee dhismaha intii suurtagal ah, oo aan dilo senatarada.”

    Ilaa hadda lama oga inay leedahay qorshe ay iskaga difaacdo eedeymaha loo soo jeediyay.

    Bowie, oo deggan agagaarka Albany ee waqooyiga gobolka New York, ayaa la sheegay inay qorshayaasheeda u sheegtay dad xog-wadaag la ahaa FBI, iyadoo muddo toddobaadyo ah la xiriiraysay wakiillo iska dhigay inay xubno ka yihiin ISIS.

    Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen inay dooratay dhismaha Baarlamaanka ee ku yaalla Albany, New York, maadaama sida ay sheegeen ay u malaynaysay inuu ahaa bartilmaameed ka fudud Aqalka Cad.

    Waxay saraakiisha sido kale ku tiri: “Waxaan rabaa in arrintani ay saameyn ku yeelato nidaamka Mareykanka.”

    Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen inay dhismaha booqatay qiyaastii shan jeer, iyadoo fulinaysay hawlo indha-indhayn ah ka hor weerarka.

    Qorshaheeda qayb ka mid ah, waxay qorshaysay inay boorso cuntada lagu geeyo ku qarsato bamka, sida ay saraakiishu sheegeen. Dukumentiyada dacwadda waxaa ku jira sawir boorsadda DoorDash ee ay u keentay wakiillada FBI-da.

    Waxaa la xiray Arbacadii, waxaana sidoo kale lagu soo qabtay mindiyo iyo qoraal ay ugu dhaaranayso inay daacad u tahay kooxda ISIS, sida ku cad dacwadda

    Intii uu socday baaritaanka, waxaa la sheegay inay wakiillada u sheegtay inay diinta islaamka ah ay qaadatay qiaastii shan sano ka hor.

  7. Trump: Iiraan waan weerareynaa hadii loo baahdo

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuusan ka labalabeyn doonin inuu mar kale weeraro Iran haddii ay qasab noqoto, si looga hortago barnaamijkeeda nukliyeerka.

    Wareysi uu siiyay telefishinka WBBC77, Trump wuxuu sheegay in haddii aysan jiri lahayn tallaabooyinkii uu qaaday, Israel iyo Bariga Dhexe ay hadda ahaan lahaayeen kuwo burburay.

    Wareysigaas, wuxuu qirtay inuu amray weerarradii lagu qaaday xarumaha nukliyeerka Iran xilli dalkaasi ay u harsanaayeen laba toddobaad oo keliya, sida uu sheegay, ka hor inta uusan samayn hub nukliyeer ah.

    Trump wuxuu sheegay in, inkastoo warbaahintu ay si kale u tabinayso, Mareykanka uu yahay dalka gacanta ku haya marin-biyoodka Hormuz.

    Wuxuu mar kale ku adkeystay in awoodda Iran ee gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) si weyn loo wiiqay, dhaqaalihiisuna uu qarka u saaran yahay burbur.

    Trump wuxuu heshiiska JCPOA ku tilmaamay “masiibo”, isagoo intaas ku daray in ka bixitaanka heshiiska uu ahaa tallaabo lagama maarmaan u ah in Iran laga hor istaago inay hesho hub nukliyeer ah.

    Wuxuu Iran ku tilmaamay “dowladda kali-taliska ah ee Bariga Dhexe”, isagoo yiri: “Sida aan aragnay, Iran waxay mar hore weerartay xitaa dalal ay ka mid yihiin Qatar, Bahrain, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo taageeradoodu Iran u ahayd mid aad u yar.”

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa carrabka ku adkeeyay in haddii Mareykanku uusan qaadin tallaabo militari, Iran ay burburin lahayd dhammaan dalalkaas, isla markaana ay isu diyaarin lahayd inay weerarto Mareykanka.

    Sidoo kale akhri:

  8. Inaad labo jeer cadeysato maalintii ma wanaagsana, sababta ogow

    Dhammaanteen waxaan u maleyneynaa inaan naqaanno sida loo cadaydo ilkaheenna - xoqid subax iyo habeen, biyo ku raaci iyo laga yaabee isticmaalka af-dhaq ka sameysan nacnaac oo qiyaas wanaagsan ah.

    Laakiin sida ay qabaan khubarrada ilkuhu, xitaa dadka cadeysiga aadka ugu dadaala waxaa laga yaabaa inay samaynayaan khaladaad yar oo dib u dhigaya shaqadooda wanaagsan.

    Dr Praveen Sharma, oo ka tirsan dugsiga cilmiga ilkaha ee jaamacadda Birmingham, ayaa sheegay in kala bar dadka qaangaarka ah ee ku nool UK uu mar uun ku dhici doono cudurka cirridka iyo calaamadda hore ee cirridka oo dhiig baxaya.

    "Haddii cirridkaagu uu dhiig baxayo ama bararayo waa calaamad ku tusineysa inaad u baahan tahay inaad si fiican u cadayato," ayuu yiri.

    Iyo sidoo kale booqashooyinka joogtada ah ee dhakhtarka ilkaha, halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa afar shay oo isaga iyo daadiheyeyaasha barnaamijka What's Up Docs ee BBC Dr Xand iyo Dr Chris van Tulleken, ay ku sheegeen in qaar badan oo naga mid ah ay hadda khaldan yihiin kuwaas oo haddii aan beddelno hagaajin kara caafimaadka ilkaheenna.

    Inaad mar qura si fiican u cadeysato ayaa ka wanaagsan inaad labo jeer dhaqso u cadeysato

    Waa mid ka mid ah amarrada dhanka ilkaha ee weyn - cadayashada laba jeer maalintii - taasina waa waxa waaxda caafimaadka UK ee NHS ay ku talinayso.

    Laakiin Dr Sharma ayaa sheegay in furaha dhabta ah uu yahay tayada ee ma aha tiro.

    "Haddii aad heli karto waqti, markaa haa, labo jeer maalintii," ayuu yiri. "Laakiin way fiican tahay in la cadeysto hal mar maalintii si fiican halkii aad labo jeer si dhaqso ah u sameyn lahayd."

    Haddii aad cadaysto hal mar maalintii markaas wuxuu kugula talinayaa inay noqoto fiidkii oo aad hubiso inaad sidoo kale ilkaha istakiin isaga bixiso waxa ku haray.

    Dabcan, qofna ma jecla inuu isticmaalo waxyaabaha ilkaha looga bixiyo cunnada ku hartay kadib cadeysiga, laakiin Dr Sharma waxa uu sheegay in isticmaalka burushka ilkaha dhexdooda, gaar ahaan kuwa caagga ah, ay noqon karto mid fudud oo aan xanuun lahayn.

    Halkan ka sii akhri

  9. War deg deg ah, Degdeg: Ra'iisul Wasaairihii hore ee Pakistan oo dib loogu celiyay xabsiga

    Wararka laga helayo Pakistan ayaa sheegaya in ra’iisul wasaarihii hore, Imran Khan, dib loogu celiyey xabsiga kadib markii uu isbitaal ka helay daryeel caafimaad, taas oo lagu sameeyey amar ka yimid Maxkamadda Sare.

    Qareennadiisu waxay sheegeen in xaaladdiisa caafimaad ay kasii dartay, halka dowladda ay sheegtay in Mr Khan uusan u baahnayn daaweyn caafimaad.

  10. Xogo laga helay dakhliga ay Al-Shabaab ka uruurin jireen Muqdisho iyo tababar ay ka heleen Xuutiyiinta Yemen.

    Warbixin cusub oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in al-Shabaab ay u muuqato inay wax ka beddeshay qaabka ay uga hawlgasho Soomaaliya, iyadoo yareysay tirada weerarrada balse xoogga saartay hawlgallo si gaar ah loo qorsheeyey loona bartilmaameedsaday.

    Warbixintu waxay sidoo kale soo bandhigtay sheegashooyin ku saabsan xiriirka Al-Shabaab ay la leedahay Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Qaacida ee Jaziiradda Carabta, tababar la sheegay in boqolaal dagaalyahan loo fidiyey iyo isku dayga kooxda ee helitaanka qalab casri ah oo ay kaga hortagto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Dukumentigan oo tirsigiisu yahay S/2026/651, lana daabacay 10-kii Agoosto 2026, waa warbixintii 38-aad ee Kooxda Dabagalka Cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay, taas oo baarta dhaqdhaqaaqyada Daacish, Al-Qaacida iyo kooxaha xiriirka la leh.

    Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan warbixinta ayaa ah in Al-Shabaab ay u muuqato inay ka leexatay weerarradii tirada badnaa ee la arkay sannadkii 2025.

    Sida lagu sheegay warbixinta, kooxda waxay qaadday weerarro ka yar kuwii hore gudaha Muqdisho iyo deegaannada ku dhow, iyadoo hawlgalladeeda ay si weyn ugu urureen Hirshabeelle, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Galmudug.

    Qaramada Midoobay waxay arrintan ku tilmaantay u wareegid "hawlgallo bartilmaameed iyo istiraatiijiyad leh".

    Tani waxay muujin kartaa in kooxda ay isku dayeyso inay si taxaddar leh u doorato bartilmaameedyada iyo waqtiga weerarrada, xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadooda ay kordhiyeen duqeymaha iyo hawlgallada ka dhanka ah hoggaanka kooxda.

    Warbixintu ma faahfaahin noocyada bartilmaameedyada ay Al-Shabaab mudnaanta siinayso ama heerka uu isbeddelkan saameeyey awooddeeda guud.

  11. War deg deg ah, Trump oo sheegay in haddii loo baahdo Iran uu 100 jeer ka badan weerari lahaa

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in haddii loo baahdo uu Iran 100 jeer ka badan weerari lahaa si looga hortago inay hesho hub nukliyeer ah.

    Trump wuxuu sheegay in tallaabooyinkiisa militari ay ka hortageen burbur ku yimaada Israel iyo Bariga Dhexe, isagoo ku andacooday in Iran ay xilligaas laba toddobaad u jirtay inay samaysato hub nukliyeer ah.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in awoodda gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran si weyn loo wiiqay, halka dhaqaaluhuna uu qarka u saaran yahay burbur.

    Trump wuxuu heshiiskii nukliyeerka Iran ku tilmaamay “masiibo”, wuxuuna sheegay in ka bixitaankiisu muhiim u ahaa ka hortagga in Iran ay hesho hub nukliyeer ah.

    Sidoo kale, wuxuu Iran ku tilmaamay “dhibaatada Bariga Dhexe”, isagoo ku eedeeyay inay khatar ku tahay dalalka gobolka iyo xitaa dhulka Maraykanka.

  12. War deg deg ah, Warar dheeraad ah oo laga helayo Markab loo afduubtay dhanka Soomaaliya

    Warbixinno ka soo baxay hay’adaha ammaanka badda ayaa sheegaya in Markab shidaal lagu qabsaday xeebaha Yemen, kaddib markii lix nin oo hubaysan ay la wareegeen markabka, kuna khasbeen inuu jihada u beddelo dhanka Soomaaliya.

    Markabku wuxuu ka soo shiraacday Cumaan. Waxa uu diray baaq degdeg ah kaddib markii ay u soo dhawaatay doon kaga timid galbeedka Gacanka Cadmeed. Ilaa hadda lama hayo faahfaahin ku saabsan xaaladda badbaadada shaqaalaha markabka oo ka babanayay calan shisheeye.

    Dhacdadan waxay kusoo beegmaysaa xilli ay kordheen weerarrada la xiriira burcad-badeednimada ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya. Tirada dhacdooyinka burcad-badeednimada ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay muddo toban sano ah, inkastoo ay weli aad uga yar tahay ku dhowaad 200 weerar sanad kasta oo la diiwaangelin jiray intii u dhexeysay 2009 iyo 201

  13. Degdeg: Israa'iil oo sheegtay in ay heshay xog khatar ku ah oo ka imaanaysa Turkiga

    Safiirka Israel u fadhiya Maraykanka ayaa sheegay in Israel ay heshay xog cad oo muujinaysa in Turkigu qorsheynayo inuu si weyn u ballaariyo joogitaankiisa milatari ee Suuriya.

    Sida uu sheegay safiirku, Israel waxay tallaabada Turkiga u aragtaa “Khad cas oo la gudbay.”

    Wuxuu sheegay in Israel aysan doonayn inay sii kordhiso xiisadda ama dagaal la gasho Turkiga ama Suuriya, balse uu sheegay in khadka cas laga gudbay.

    Safiirku wuxuu intaas ku daray in tallaabada Israel ay ku salaysnayd xog ay heshay, isagoo ku tilmaamay joogitaanka Turkiga inuu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah isfahamkii hore.

    Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga Israel ayaa madaxweynaha Turkiga ku eedeeyay inuu dalkiisa ku jiidayo “tallaabooyin khatar ah” oo ka dhacaya Suuriya. Hadalka ayaa yimid kaddib markii Israel si dadban u qiratay inay weerartay saldhig diyaaradeed oo ku yaalla waqooyiga Suuriya horraantii toddobaadkan.

    Wasiirku wuxuu sheegay in halkii Turkigu uu tijaabin lahaa go’aanka Israel ee ku aaddan is-difaaceeda, ay habboonaan lahayd in uu ku ekaado cambaareynta ay ka horjeedinayaan baarlamaanka Turkiga.