5 waxyaabood oo aad samayn karto si aad caafimaadka dheefshiidka u wanaajiso

    • Author, Xand van Tulleken
    • Role, BBC News
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Markaad eegto baraha bulshada ama armaajooyinka dukaamada waaweyn ayaad arkaysaa alaabooyin badan oo lagu xayaysiinayo oo ballanqaadaya in ay wax taraan caafimaadka mindhicirka.

Dhammaan dadku waxay u muuqdaan in ay ka hadlaan sidii caafimaadka loo daryeeli lahaa. Waxa jira balaayiin jeermis yar-yar oo ku nool habka dheef-shiidka jidhkeenna, kuwaas oo saameeya wax walba oo jidhkeenna ku saabsan, laga bilaabo dheef-shiidka iyo difaaca jidhka ilaa niyadda iyo hurdada.

Caafimaadka mindhicirku wuxuu ku xidhan yahay isku-dheelitirnaan sax ah oo bakteeriyo ah iyo helitaanka cunnooyinka leh maaddada la yidhaahdo fiber, si nidaamku uu si habsami leh u shaqeeyo islamarkaana jidhkeennu u xasillooni.

Si loo ilaaliyo arrimahaas waa in si sax ah loo quudiyo, waana ka sahlan tahay sida aad u malaynayso in la ilaaliyo.

Halkii aad ka isticmaali lahayd kaabeyaasha probiotic-ka ama cuntooyin fudud oo qaali ah, waxaan kugula talinayaa inaad cuntooyinkaaga ku sameyso shan isbeddel oo fudud si aad kor ugu qaaddo caafimaadka mindhicirkaaga.

  • Ku beddel baradhada shiilan salool ama daango. Saloolku waxa uu ka samaysan yahay gallay ama qamadi, sidaas darteedna waxa uu hodan ku yahay fiber caafimaad u leh bakteeriyada faa'iidada leh ee mindhicirka ku jirta. Sidoo kale waa cunto fudud oo ka khafiifsan kana warshadayn yarxidhmooyinka baradhada shiilan ah.
  • Ku beddel nacnaca midho qalalan. Haddii aad jeceshahay macmacaanka, tani way kugu adkaan kartaa marka hore, balse midho qalalan sida khudaarta qalalan, canabka qalalan ama timirtu waxay daboolayaan baahidii aad u qabtay macaanka, iyaga oo ku siinaya fiber, fiitamiinno iyo sonkor dabiici ah oo faa'iido u leh mindhicirka iyo tamartaada.
  • Ku dar digir ama digir-cad suugada. Digirtu waxay hodan ku tahay maaddada fiber prebiotic oo quudiya barteeriyada mindhicirka. Waxay sidoo kale kordhiyaan mugga cuntadaada, taas oo kuu oggolaanaysa inaad cunno badan hesho adigoon hilib badan cunin, islamarkaana waa borotiin dhir ah.
  • Ku beddel midho qalalan dabiici ah. Midho qalalan oo dhadhan lagu daray badanaa waxay leeyihiin cusbo iyo sonkor badan, halka kuwa dabiiciga ahi ay bixiyaan dufan caafimaad leh iyo fiber iyaga oo aan lahayn waxyaabo lagu daray oo mindhicirka dhib u keeni kara.
  • Ku beddel jalaatada midho guduudan. Jalaatadu waa macaan tahay, balse midho guduudan oo barafaysan oo lagu daray cabitaan caano ah oo la khamiiriyey, lehna dhadhan yar oo dhanaan waxay ku siinayaan dhadhan dabiici ah iyo bakteeriyo nool oo ka caawinaya mindhicirka in ay si caafimaad leh u shaqeeyaan.

Dabcan, waxaa jira cuntooyin kale oo badan oo aad cuni karto si aad u wanaajiso caafimaadka mindhicirka, sida cabitaanka geedka kombucha ama cunista cuntooyin la khamiiriyey sida nooca cuntada ee la yidhaahdo kimchi ama kaabash la khamiiriyey = balse looma baahna in si xad-dhaaf ah diiradda loo saaro.

Waxa ugu muhiimsan ee u roon caafimaadka mindhicirka iyo guud ahaan jidhka waa in la cuno cuntooyin kala duwan oo dabiici ah oo hodan ku ah maaddada fiber, sida midho iyo khudaar.

Marka laga hadlayo cuntada iyo taladaydeeda: ma jirto caddayn muujinaysa in ay wax tar leeyihiin. Alaabooyinka sida cabitaannada qaar la sheego in ay waxtar caafimaad leeyihiin waxa qaarkood ay ku kacaan boqolaal doolar, taas oo aan u arko in ay tahay khasaare lacageed.