Mindhicirka: Maskaxda labaad ee jidhka sidee door uga qaata caafimaadkeenna?

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Markaan ka hadalno xubnaha muhiimka ah ee jirka bini'aadamka, badanaa waxaan xusnaa xubnaha sida wadnaha, maskaxda, sambabada iyo beerka. Laakiin saynisyahannadu hadda waxay si gaar ah diiradda u saarayaan qayb jirka ka mid ah oo aan hore si weyn loo tixgelin: caafimaadka mindhicirka.

Waxaa hore loo aaminsanaa in shaqada kaliya ee mindhicirku ay tahay dheefshiidka cuntada aan cunno. Laakiin cilmi-baadhis casri ah ayaa caddeysay in mindhicirku saameyn weyn ku leeyahay arrimo badan oo muhiim ah sida difaaca jirka, caafimaadka maskaxda, miisaanka, sonkorowga, cudurrada wadnaha iyo kansarka.

Caafimaadka mindhicirka (caloosha/mindhicirka)

Nidaamkeena dheefshiidka waxaa ku nool balaayiin nooleyaal yaryar ah. Kuwaas waxaa ka mid ah bakteeriyo, fayrasyo, fangasyo iyo nooleyaal kale oo yaryar. Dhammaantood waxaa loo wada yaqaan microbiome-ka mindhicirka.

Nooleyaashan yaryar waxay door muhiim ah ka ciyaaraan dheefshiidka cuntada, samaynta fiitamiinnada, xoojinta difaaca jirka iyo xakamaynta nooleyaasha waxyeellada leh.

Caafimaadka mindhicirka waxaa loo tixgeliyaa inuu wanaagsan yahay marka bakteeriyada faa'iidada leh ay badan tahay, halka bakteeriyada waxyeellada lehna la xakameeyo.

Saynisyahannadu waxay mindhicirka ugu yeeraan "maskaxda labaad" sababtoo ah waxaa jira xidhiidh joogto ah oo xog is-weydaarsi ah oo u dhexeeya mindhicirka iyo maskaxda, kaas oo loo yaqaan xiriirka mindhicirka iyo maskaxda.

Ku dhowaad 90% hormoonka farxadda ee loo yaqaan serotonin ee jirkeena waxaa ku sameysmaa mindhicirka. Sidaas darteed, caafimaadka mindhicirka oo xumaada wuxuu kordhin karaa khatarta dhibaatooyin sida walwalka, niyad-jabka, walbahaarka iyo hurdo la'aanta.

Maxay muhiim u tahay caafimaadka mindhicirku?

  • Taageeridda difaaca jirka: Ku dhowaad 70% difaaca jirka wuxuu ku xidhan yahay caloosha iyo mindhicirrada. Mindhicir caafimaad qaba wuxuu jirka ka caawiyaa inuu iska difaaco nooleyaasha waxyeellada leh.
  • Siinta jirka nafaqooyinka uu u baahan yahay: Caafimaadka mindhicirku wuxuu muhiim u yahay in jirku si sax ah u nuugo fiitamiinnada, borotiinnada, dufanka iyo macdanaha ku jira cuntada aan cunno.
  • Xakamaynta miisaanka Isku dheelitirka bakteeriyada wanaagsan iyo tan xun ee mindhicirka waxay si toos ah u saameeyaan miisaanka jirka. Cilmi-baarisyada qaar waxay muujinayaan in kororka bakteeriyada waxyeellada leh uu kordhin karo khatarta cayilka.
  • Khatarta sonkorowga: Daraasado badan ayaa muujiyay in cudurka sonkorowga nooca labaad iyo iska caabbinta insulin-ka ay xiriir toos ah la leeyihiin caafimaadka mindhicirka.
  • Caafimaadka wadnaha: Bakteeriyada mindhicirku waxay saameeyaan habka jirku u maareeyo kolestaroolka. Qaar ka mid ah walxaha waxyeellada leh ee ka dhasha habkan waxay kordhin karaan khatarta cudurrada wadnaha.

Calaamadaha caafimaadka mindhicirka oo liita

Caafimaadka mindhicirka oo xumaada wuxuu keeni karaa calaamado ay ka mid yihiin:

Calool barar joogto ah

Calool-fadhi ama shuban

Dhibaatooyin gaas

Dheefshiid xumo

Daal joogto ah

Dhibaatooyin hurdo

Cudurrada maqaarka

Caabuqyo soo noqnoqda

Calaamadahan waxaa sidoo kale sababi kara cudurro kale, sidaas darteed haddii dhibaatadu muddo dheer sii socoto waxaa habboon in dhakhtar lala tashado.

Sababaha keena caafimaadka caloosha/mindhicirka oo xumaada

Cuntooyinka aad loo farsameeyay

Cuntooyinka baakadaysan, cuntooyinka aan caafimaadka lahayn iyo cuntooyinka sonkorta badan waxay yareeyaan bakteeriyada wanaagsan ee mindhicirka.

Isticmaalka badan ee antibiyootigga

Antibiyootiggu wuxuu dilaa jeermiska xun, laakiin sidoo kale wuxuu baabi'in karaa bakteeriyada wanaagsan ee faa'iidada leh ee caloosha ku jirta.

Walbahaarka

Walbahaarka maskaxeed ee muddo dheer socda wuxuu si xun u saameyn karaa shaqada mindhicirka.

Hurdo yari

Helitaanka hurdo aan ku filnayn ama aan joogto ahayn waxay carqaladayn kartaa dheelitirka bakteeriyada mindhicirka.

Jimicsi la'aan

Dhaqdhaqaaq jireed oo yar ama jimicsi la'aan waxay sidoo kale keeni kartaa caafimaadka mindhicirka oo liita.

Cuntooyinka lagu ilaalin karo caafimaadka mindhicirka

Cuntooyinka hodanka ku ah fiber-ka

Miraha, khudaarta, badarka, boorashka, qamadiga aan la sifayn iyo digirta waxay quudiyaan bakteeriyada wanaagsan ee mindhicirka.

Yoogurt

Bakteeriyada faa'iidada leh ee ku jirta yoogurt-ka waxay aad ugu wanaagsan tahay caafimaadka mindhicirka.

Cuntooyinka khamiirsan

Yoogurt-ka, caanaha fadhi ah iyo cuntooyinka kale ee guriga lagu khamiiriyo waxay kordhiyaan bakteeriyada wanaagsan ee caloosha.

Biyaha

Cabitaanka biyo ku filan wuxuu hagaajiyaa dheefshiidka, nadiifiyaa caloosha, wuxuuna ilaaliyaa caafimaadka mindhicirka.

Prebiotics

Basasha, toonta, mooska iyo badarka waxaa ku jira nooc fiber ah oo muhiim u ah koritaanka bakteeriyada wanaagsan ee caloosha.

Cilmi-baaris cusub ayaa muujisay in nooleyaasha yaryar ee mindhicirka ku nool ay si toos ah u saameyn karaan shaqada maskaxda. Daraasadaha qaar waxay soo jeedinayaan in microbiome-ku uu saameyn ku yeelan karo cudurro sida walwalka, niyad-jabka, autism-ka iyo cudurka Alzheimer-ka (ilowshaha).

Caafimaadka mindhicirka carruurta

Caafimaadka mindhicirka carruurta wuxuu saameeyaa caafimaadkooda inta ay nool yihiin oo dhan. Sidaas darteed aad ayay muhiim u tahay in carruurta la siiyo caanaha naaska, maadaama ay ka caawiyaan koritaanka bakteeriyada wanaagsan ee caloosha.

Kadib, bakteeriyada ku jirta caloosha carruurta waxay isbeddelaysaa iyadoo ku xidhan cuntada la siiyo. Sidaas darteed cuntada carruurta waa inay ku badan tahay fiber, miro iyo khudaarta cagaaran.

Sidoo kale waa in aan carruurta la siin cuntooyin badan oo aan caafimaad lahayn, waana in laga fogaadaa isticmaalka antibiyootigga aan loo baahnayn.

Caafimaadka mindhicirka dadka waaweyn

Markaan da'no, noocyada kala duwan ee bakteeriyada ku jirta mindhicirka way yaraan karaan, taasoo daciifin karta difaaca jirka. Sidaas darteed dadka waayeelka ah waxaa muhiim u ah inay cunaan cunto fiber badan leh, sameeyaan jimicsi, ayna helaan hurdo ku filan.

Hadda waxaa socda cilmi-baaris ku saabsan xiriirka ka dhexeeya bakteeriyada mindhicirka iyo kansarka mindhicirka weyn.

Khatarta kansarka mindhicirka weyn waxaa si weyn loo yareyn karaa iyadoo la kordhiyo fiber-ka cuntada, la yareeyo cunista hilibka cas, lana joojiyo sigaarka.

10 talo oo muhiim ah oo lagu ilaaliyo caafimaadka mindhicirka

Maalin kasta cun miro iyo khudaar badan.

Cun cuntooyinka hodanka ku ah fiber-ka.

Cab biyo ku filan inta jirkaagu u baahan yahay.

Samee jimicsi maalin kasta.

Yaree walbahaarka maskaxda.

Hel hurdo kugu filan habeen kasta waqtigeeda.

Jooji sigaarka.

Gebi ahaanba iska daa cabitaanka khamriga.

Antibiyootigga isticmaal oo keliya marka dhakhtar kuu qoro.

Yaree cuntooyinka la farsameeyay iyo cuntooyinka aan caafimaadka lahayn.

Caafimaadka mindhicirku kuma koobna oo keliya dheefshiidka cuntada, balse wuxuu muhiim u yahay caafimaadka jirka oo dhan. Difaaca jirka, caafimaadka maskaxda, miisaanka iyo caafimaadka wadnaha dhammaantood waxay si toos ah ula xiriiraan mindhicirka.

Waxaan ilaalin karnaa caafimaadka mindhicirka annagoo cunayna cunto wanaagsan, samaynayna jimicsi joogto ah, helayna hurdo ku filan iyo yaraynta walbahaarka.

Haddii mindhicirkaagu nadiif yahay oo caafimaad qabo, noloshaaduna waxay noqon kartaa mid caafimaad badan.

Fiiro gaar ah: Qoraalkan waxaa qoray dhakhtar, waxaana loogu talagalay in uu bixiyo macluumaad ku saabsan arrimaha caafimaadka. Fadlan la tasho dhakhtar ka hor intaadan qaadan go'aan kasta oo la xiriira caafimaadkaaga.