You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Tomahawk, Patriot and THAAD: saddexda hub ee muhiimka ah ee ka dhamaanaya Maraykanka
Markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka hadlayay Shir-madaxeedka Difaaca iyo Hal-abuurka ee Pennsylvania horraantii bishan—isagoo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda sare ee qaar ka mid ah shirkadaha difaaca ee ugu waaweyn Mareykanka—wuxuu maskaxda ku hayay hal farriin: soo-saara hub badan, si degdeg ahna u sameeya.
Munaasabaddan, Trump wuxuu ku boorriyay shirkadaha difaaca Mareykanka inay u baahan yihiin "xawaare dheeraad ah."
Xilligii Trump uu hadalkan jeedinayay, waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Xoghayaha Difaaca Mareykanka (oo loo yaqaan Xoghayaha Dagaalka) Pat Hegseth.
Maamulka Trump ayaa dhacdadani ku tilmaamay inay qayb ka tahay istiraatiijiyad lagu soo nooleynayo warshadaha Mareykanka, laguna xoojinayo awoodda dagaal ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, intii lagu guda jiray xafladdaas laguma shaacin inta laga isticmaalay iyo inta ka hartay kaydka ballaaran ee hubka Mareykanka ee adag in la soo saaro, intii lagu guda jiray hawlgalladii milateri ee ku aaddanaa Iran—sida hawlgalkii 'Epic Fury' horraantii sanadkan iyo weerarradii xigay—kuwaas oo socday muddo ku dhow 40 maalmood.
Ilaa hadda, sida ay sheegtay dowladda Mareykanka, dagaalka waxaa ku baxay 37.5 bilyan oo dollar, waxaana qeyb weyn oo ka mid ah qarashkaas lagu bixiyay rasaas.
Sida laga soo xigtay Aqalka Cad, markii ay dhaqangashay xabbad joojinta 8-dii Abriil, ciidamada Maraykanku waxay duqeeyeen in ka badan 13,000 oo bartilmaameed ah oo ku yaal Iran. Isla muddadaas, nidaamyada difaaca cirka ee Maraykanku waxay burburiyeen in ka badan 1,700 oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran iyo gantaallada ballistic-ga ah.
Hadda Maraykanku waxa uu joojiyay weerarradii uu ku qaadi jiray Iran si wadahadallada fursad loogu siiyo in ay hore u socdaan. Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska The New York Times ee ka soo baxa Maraykanka, Trump ayaa lagula taliyay in uu ka tanaasulo qorshayaasha lagu sii kordhinayo khilaafka sababtoo ah waxa ay sii yaraanaysaa kaydka saanadda Maraykanka.
Isniintii, Trump wuxuu beeniyay in wax hoos u dhac ah uu ku yimid kaydka hubka ee Maraykanka. "Waxaan haysannaa rasaas ka badan waddan kasta oo kale oo adduunka ah, aadna uga badan inta aan u baahanahay," ayuu u sheegay wargeyska Wall Street Journal.
Arrintan ayaa muddo dheer ahayd mowduuc xasaasi u ah maamulka Maraykanka. Markii bishii hore wax laga weydiiyay arrintan, Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pat Hegseth ayaa beeniyay inay jirto yaraan ku timid hubka iyo rasaasta.
Si kastaba ha ahaatee, hadda waxay u muuqataa in mowqifkoodu uu isbeddelay.
Toddobaadkii hore, wuxuu u sheegay guddi ka tirsan Senate-ka Maraykanka in Pentagon-ku uu u baahan yahay lacag dheeraad ah oo gaaraysa 87 bilyan oo doollar si loogu iibsado qalab iyo arrimo kale oo la xiriira.
Faahfaahinta saxda ah ee ku saabsan rasaasta la isticmaalay iyo kaydka haray ayaa weli ah kuwo qarsoodi ah. Hase yeeshee, xogta dadweynaha ee ay soo ururisay hay'adda Center for Strategic and International Studies (CSIS) oo fadhigeedu yahay Washington, D.C., ayaa muujinaysa in kaydka rasaastu uu si weyn hoos ugu dhacay.
"Waxay ku xiran tahay nooca rasaasta, laakiin samaynta gantaal waxay qaadan kartaa hal ilaa shan sano. Mana jirto wax aad samayn karto si aad u dardargeliso habkaas," ayuu yiri Mark Kensian, oo ah sarkaal sare oo hawlgab ah (Colonel) kana tirsanaan jiray ciidamada Marines-ka Maraykanka, isla markaana ah lataliye sare oo ka tirsan CSIS oo arrintan cilmi-baaris ku sameeyay.
Laakiin Maraykanku ma si degdeg ah ayuu u isticmaalayaa rasaasta ilaa heer ay ku adkaan karto inuu guto waajibaadkiisa iyo yoolalkiisa dhanka milatariga?
Yaraynta kaydka hubka ee Maraykanka
Hubka ugu muhiimsan ee dagaalka loo adeegsado waxa uu u kala baxaa laba qaybood: Nidaamyada lagu weeraro bartilmaameedyada dhulka fog-fog, iyo habka difaaca hawada iyo gantaalaha ee loo adeegsado ka hortagga weerarada Iran.
Habka ugu badan ee loo isticmaalo habka weerarrada dhulka waxa uu ahaa Tomahawk Land Attack Missile (TLAM), kaas oo inta badan laga soo tuuro maraakiibta ama badda hoosteeda ee bartilmaameedyada u jira in ka badan 1,600 kilomitir.
Hubkaani waxa uu siinayaa Maraykanka awood uu ku qaado weeraro sax ah oo uu ku qaado bartilmaameedyada millatariga ee la deyrka ah, sida kuwa talisyada ama xarumaha u dhow militariga.
CSIS waxa ay ku qiyaastay in ka badan 1,000 Gantaal Tomahawk ah in la ganay intii uu socday dagaalka ka dhanka ah Iran, waxayna u badan tahay in kaydkoodu aanu dib ugu soo laaban doonin heerarkii dagaalka ka hor ilaa 2031-ka.
Marka loo eego CSIS, moodooyinka ugu dambeeyay ee TLAM waxay ku kaceen ilaa $2.6 milyan gantaalkiiba.
Nidaamka difaaca hawada ee ugu badan ee loo isticmaalo dagaalka waa Patriot, gantaal dhulka laga rido oo loo adeegsado beegsiga diyaaradaha, gantaalada ballistic-ga iyo gantaalada cruise-ka.
CSIS waxay ku qiyaastay in ku dhawaad 1,430 gantaalaha Patriot la isticmaalay intii uu socday iskahorimaadka, marka la barbar dhigo kaydkii dagaalka ka hor oo ahaa ku dhawaad 2,330 gantaal.
Patriot kasta wuxuu ku kacayaa $4 milyan. Waa qalab qaali ah balse wax ku ool ah oo marar badan loo adeegsaday in lagu soo rido diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran, taasoo qiimaheedu dhan yahay $20,000 ilaa $50,000 oo kaliya.
Sidoo kale waxaa la isticmaalay nidaam cusub oo casri ah oo loo yaqaan Difaaca Aagga Sare ee Terminal, ama THAAD, kaas oo leh masaafo dheer iyo joog sare oo ka sarreeya kuwa Patriot-kii hore.
Sahaydiisu horeyba way u xaddidanayd, iyadoo CSIS ay ku qiyaastay in inta u dhaxaysa 190 iyo 290 laga soo bixiyay kayd lagu qiyaasay ka hor dagaalka in uu ahaa 360. Iyadoo sagaal baytariyo THAAD oo keliya ay ka shaqeeyaan adduunka - halka toddoba ka mid ah uu leeyahay Mareyku- kharash joogto ah ayaa ka dhigi kara ciidamada Mareykanka inay waayaan nidaam muhiim u ah difaaca hanjabaadaha gantaalada ballistic-ga ee ka imanaya waddamada sida Ruushka, Shiinaha.