You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Muxuu salka ku hayaa khilaafka keenay in Muuse Biixi uusan ka qeybgelin kulanka Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye?
Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland ayaa shalay ka dhacay magaalada Hargaysa, iyada oo uu xisbigu mushharax madaxweyne u doortay Maxamed Kaahin Axmed, halka jagada madaxweyne ku xigeen uu xisbigaasi ku matali doono Dr. Maxamed Maxamuud Cabdillaahi Shiine.
Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye ayaa sannadkan ku soo beegmay xilli ay hadheeyeen khilaafyo soo kala dhex galay madaxdiisa, iyada oo kulankii shalay aanay soo xaadirin xubno uu ka mid yahay Muuse Biixi Cabdi, madaxweynihii hore ee Somaliland.
Haddaba, waxa uu salka ku hayo khilaafka Kulmiye iyo sida uu siyaasad ahaan u saamayn karno ayaan ka wareysannay Rooble Cabdi Muuse oo ah cilmibaadhe iyo falanqeeye arrimaha siyaasadda Somaliland.
Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysiga: