Ruushka: Boqolaal qof oo xabsiga loo taxaabay iyo baxsadka dhallinyarada oo wali socda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Boqolaal qof ayaa mas’uuliyiintu xirxireen iyadoo mudaaharaadyo looga soo horjeedo “abaabulka uu wado madaxwyne Putin ay ka socdaan dalka oo dhan, sida ay sheegtay hay’ad madaxbannaan oo u dooda xuquuqda aadanaha.
OVD-Info ayaa sheegtay in 724 qof lagu xiray 32 magaalo oo kala duwan Sabtidii.
Mudaaharaadyo baahsan ayaa billowday tan iyo markii madaxweyne Vladimir Putin uu ku dhawaaqay qorshe lagu diyaarinayo 300,000 oo rag ah si ay uga dagaalamaan Ukraine. Isku soo baxyada aan sharciyeysneyn ayaa mamnuuc ka ah dalka Ruushka.
Laakin tillaabada Mr Putin uu ku doonayo in dadka rayidka ah ay uga mid noqdaan ciidamada milatariga ayaa dhalisay dibadbaxyo ballaaran oo ka dhacay magaalooyinka, iyadoo in ka badan 1,000 qof lagu xiray mudaaharaadyo horraantii toddobaadkan dhacay.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warantay inuu goob joog u ahaa mid ka mid ah dibad-baxayaasha ku sugan magaalada Moscow, oo ku qaylinaya erayo ka dhana Putin" iyadoo ay niinkaas xireen saraakiishu markii dambe.
St Petersburg, magaalada labaad ee Ruushka, hal nin ayaa u sheegay wariyaasha: "Ma doonayo inaan dagaal u galo Putin."
Natalya Dubova oo 70 jir ah ayaa iyana u sheegtay wakaalada wararka ee AFP in ay ka soo horjeedo dagaalka ayna qiratay in ay "ka baqeyso dhallinyarada" in lagu amro jiidda hore ee dagaalka. Qaar ka mid ah dadkii Sabtidii la xiray ayaa sheegay in la siiyay warqado, laguna amray inay iska xaadiriyaan xarumaha qoristu ay ka socoto. Aqalka Kremlin-ka ayaa difaacay dhaqankan horraantii isbuucan, isagoo ku doodaya in tallabadaani aaney ahayn mid ah lid ku ah shuruucda "ma ahan mid sharciga ka soo horjeeda."
Moscow waxay sidoo kale ansixisay ciqaabo cusub oo adag oo la marinayo kuwa lagu eedeeyo inay gudan waayeen waajibaadkooda marka la diyaariyo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mr Putin ayaa Sabtidii wuxuu saxiixay amarro cusub oo lagu ciqaabayo dadka amarrada dowladda ka hor yimaada waxaana ka mid ah waxyaabahaas 10 sano oo xabsi ah inuu gali doono askari kasta oo lagu qabto isagoo isku dayaya inuu baxsado.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale saxiixay amar lagu siinayo dhalashada Ruushka qof kasta oo ajnabi ah oo u saxiixa ilaa hal sano inuu ka mid noqonayo ciidamada dalkaas.
Wareegtadan ayaa dadka indha indheeya arrimahan qaarkood waxay ku sheegeen inay muujinayso ciidamo la'aanta haysta Moscow.
Dhanka kale, dhallinyarada Ruushka ayaa dalka isaga cararyaya iyagoo ka gudbaya xuduudaha dalka. Saraakiisha gudaha Ruushka ayaa qirtay in baxsadka dhalinyarada laga dareemayo goobaha gawaarida laga raaco kuwaas oo tiro ahaan aad u badan.
Dowladda ayaa ku boorisay dhallinyarada in aysan safrin oo dalka aaney ka bixin. Dhanka kale, Finland ayaa sheegtay in tirada dadka Ruushka u dhashay ee doonaya inay soo galaan dalkaasi ay korartay. Matti Pitkaniitty, oo ah afhayeenka Ilaalada Xuduudaha ee dalka Finland, ayaa sheegay in tirada Ruushka ee imaanaysa ay labanlaabantay tan iyo todobaadkii hore.
Jimcihii, dawladdu waxay ku dhawaaqday qorshe ay ku joojinayso dalxiisayaasha Ruushka ee soo galaya waddankeeda.
Dhowr dowladood oo kale ayaa horey u diiday inay magangelyo siiyaan dadka Ruushiyaanka ah ee doonaya inay ka cararaan dagaalka.













