You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qalliinka dhalmada kadib ayay ogaatay in ay kelli ka maqantahay
Haweeney uur leheed ayaa sheegtay inay isbitaalka tagtay iyadoo dhammaan xubnaha jirkeedu ay caafimaad qabaan, balse markii lagu sameeyay qalliinka dhalmada oo ah qalliin caloosha looga sameyay, ay ogaatay in mid ka mid ah kelyaheeda laga saaray.
Barira AlXassan, oo ah haweeney da'da dhexe ah kana soo jeedda gobolka Gombe ee waqooyi-bari dalka Nigeria, ayaa ku eedeysay dhakhaatiirta Gombe State Specialist Hospital inay ka saareen mid ka mid ah kelyaheeda intii lagu jiray qalliinka dhalmada.
Hase yeeshee, maamulka isbitaalka ayaa si cad u beeniyay eedeymahaas. Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in eedeymahaasi ay yihiin "kuwo gebi ahaanba been ah, aan sal lahayn, isla markaana aan lagu taageerin wax caddeyn ah, diiwaanno isbitaal ama diiwaanno bukaan."
Qaraabada Barira ayaa sheegay in baaritaannadii caafimaad ee la sameeyay ka hor qalliinka ay muujiyeen inay lahayd laba kelyood oo caafimaad qaba. Waxay intaas ku dareen in qalliinka ka dib ay aad u xanuunsatay, baaritaanno dambe oo lagu sameeyayna ay muujiyeen inay hadda leedahay hal keliya.
Wareysi ay siisay BBC, Barira AlXassan waxay sheegtay in qalliinka lagu sameeyay 8-dii Abriil 2026, isla markaana maalmo yar ka dib ay bilowday inay dareento xanuun daran.
Waxay tiri:
"Maalmo yar ka dib qalliinka, waxaan bilaabay inaan aad u xanuunsado. Waan matagayay, calooshaydu aad bay ii xanuunaysay, jirkaygu wuu bararay, mar kasta oo aan kaadinayana xanuun ayaan dareemayay."
Waxay sii raacisay:
"Markaas ayaan bilaabay inaan weydiiyo haweenkii kale ee lagu sameeyay qalliinka dhalmada, inay iyaguna sidaas oo kale dareemeen qalliinka ka dib, sababtoo ah tani waxay ahayd markii iigu horreysay ee qalliin la igu sameeyo, inkastoo aan hore u dhalay toban carruur ah."
Barira ayaa sheegtay in dhakhtarkii ugu horreeyay ee baaray uu u sheegay inay hadda leedahay hal keli ah, arrintaas oo si weyn uga nixisay.
"Waan argagaxay markii dhakhtarku ii sheegay inaan leeyahay hal keliya. Wuxuu xitaa i weydiiyay inaan iibiyay kelyaha."
"Waxaan ku iri maya. Markaas ayuu bilaabay inuu i dejiyo, isagoo ii sheegay in qofku hal keliya oo kaliya ku noolaan karo sida dadka kale. Dabadeedna daawo ayuu i siiyay," ayay tiri Barira.
Waxay intaas ku dartay in markii iyada iyo walaalaheed ay ku adkaysteen in loo sheego waxa dhacay, ay dareemeen in maamulka isbitaalku isku dayayeen inay ka dhaadhiciyaan inaan arrinta la shaacin.
"Markii aan ku adkaysanay in naloo sheego waxa dhacay, waxaan dareennay in isbitaalku isku dayayo inuu nagu qanciyo inaan arrintan bannaanka loo soo saarin," ayay tiri Barira.
Markii ay heleen xogtan, qoyska Barira waxay dacwad u gudbiyeen maamulka Isbitaalka Takhasuska ee Gombe, iyagoo codsaday in la siiyo diiwaannadii caafimaad ee Barira, hase yeeshee waxaa loo sheegay in diiwaannadaas aan la heli karin.
Walaalkeed, Zakari AlXassan, ayaa u sheegay BBC in ay dacwadda gudbiyeen sababtoo ah sawir caafimaad (scan) oo Barira laga qaaday sannadkii 2015 uu muujinayay inay lahayd laba kelyood oo caafimaad qaba.
Zakariyya AlXassan ayaa sheegay in aabbahood uu isbitaalka u tegay si uu u ogaado waxa dhacay, balse uusan helin jawaab qancisa.
"Aabbahay wuxuu aaday isbitaalka si uu u ogaado waxa dhacay, laakiin lama siin wax sharaxaad ah oo lagu qanco. Wuxuu sheegay in waxa uu doonayay inuu ogaado ay ahayd waxa ku dhacay kelida maqan," ayuu yiri Zakariyya.
Wuxuu intaas ku daray in isbitaalku u sheegay inaanay haynin diiwaannada caafimaad ee Barira, inkastoo ay si joogto ah u tagi jirtay isbitaalka isla markaana ay carruurteeda ku umuli jirtay.
"Tani waxay sii kordhisay walaacayaga, waxayna xoojisay shakigayaga ah in wax lagu sameeyay walaasheen."
Qoyska Barira ayaa sheegay inay gudbiyeen cabashooyin badan, balse ilaa hadda aanay helin jawaab ay ku qancaan.
Zakariyya ayaa sheegay in markii uu arkay inaan wax horumar ah laga samayn arrinta, uu warqad cabasho ah u qoray Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Gombe, isagoo dalbanaya caddaalad iyo in arrintan baaritaan lagu sameeyo.
"Markii dambe waxaan gudbiyay cabasho aan ku dalbanayo caddaalad iyo baaritaan. Intaas ka dib, wasaaraddu waxay u yeertay walaashay, ninkeeda iyo shaqaalaha isbitaalka, waxayna naga codsatay inaanan arrintan si fagaare ah uga hadlin ilaa baaritaanku dhammaado."
Si kastaba ha ahaatee, Zakariyya wuxuu sheegay inaanay weli ku qanacsanayn sida arrinta loo wajahayo, sidaas darteedna qoysku uu weli ku adkaysanayo in baaritaan dhammaystiran lagu sameeyo.
Barira ayaa iyaduna sheegtay in waxa keliya ee ay rabto ay tahay caddaalad.
"Waxa aan doonayo waa in baaritaan buuxa la sameeyo si loo ogaado sida aan ku waayay kelyahayga, isla markaana caddaalad la helo," ayay tiri.
Isbitaalku wuxuu beeniyay eedeymaha ku saabsan in keli laga saaray bukaanka.
Maamulka Isbitaalka Takhasuska ee Gobolka Gombe ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya in dhakhtar ka tirsan isbitaalka uu ka saaray mid ka mid ah kelyaha Barira AlXassan intii lagu jiray qalliin dhalmo oo caloosha looga sameyay.
Bayaan uu isbitaalku soo saaray ayaa lagu sheegay in eedeymahaasi ay yihiin "kuwo gebi ahaanba been ah, aan sal lahayn, isla markaana aaney la socon wax caddeyn ah, oo ay ku jiraan diiwaannada isbitaalka iyo kuwa bukaanka."
Isbitaalku wuxuu sheegay in diiwaannada qolka qalliinka ay muujinayaan in Barira lagu sameeyay oo keliya qalliin degdeg ah oo dhalmo (Emergency CS), isla markaana aan wax qalliin ah lagu samayn kelyaheeda.
"Meelna diiwaannada kama muuqato in dhakhaatiirtii qalliinka sameeyay ay taabteen wax la xiriira kelyaheeda," ayay sheegeen mas'uuliyiinta isbitaalka.
Isbitaalku wuxuu sheegay in markii qoyska Barira ay walaac ka muujiyeen arrintan, baaritaanno dheeraad ah la sameeyay si loo xaqiijiyo waxa dhacay.
Sida lagu sheegay bayaanka, baaritaan lagu sameeyay Isbitaalka ayaa muujiyay natiijooyin tilmaamaya in Barira ay u badan tahay inay ku dhalatay hal keliya oo keliya , halkii ay mid ku waayi lahayd qalliinka.
Isbitaalku wuxuu sidoo kale sheegay inuu isagu bixiyay kharashka baaritaankaas si loo xaqiijiyo xaqiiqda.
"Waxaa muhiim ah in la ogaado in baaritaankan uu maalgeliyay maamulka isbitaalka si loo caawiyo soo saarista xaqiiqda," ayaa lagu yiri bayaanka.
Maamulka isbitaalka ayaa sheegay inay laba jeer la kulmeen Barira iyo qoyskeeda, iyagoo u sharxay natiijooyinka baaritaannada isla markaana dib u eegay dhammaan diiwaannadeeda caafimaad.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in qoyska Barira ay markii dambe codsadeen in baaritaanka lagu celiyo xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay, isla markaana isbitaalku uu oggolaaday codsigaas.
"Haatan maamulka isbitaalku wuxuu sugayaa in qoysku soo gudbiyo natiijooyinka baaritaanka cusub, sida lagu heshiiyay kulankeennii ugu dambeeyay," ayaa lagu yiri bayaanka.
Isbitaalku wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dadka arrintan ku faafinaya baraha bulshada inay ku kacayaan sumcad-dil, isla markaana ay dhaawacayaan kalsoonida dadweynaha ay ku qabaan shaqaalaha caafimaadka.
Si kastaba ha ahaatee, isbitaalku wuxuu ku adkaystay in aan wax kelyo ah laga saarin Barira intii lagu jiray qalliinka.