Gabar yar oo qayb ka ahayd tijaabo sir ah oo CIA-du ku kontorooleyso maskaxda qofka

Xigashada Sawirka, Submitted photo
Waxa ugu horreeya ee Lana Ponting ka xasuusato machadka Allen Memorial ee Montreal, oo hore u ahaan jiray cisbitaal dhimir, waa urta; waxay la mid ahayd urta daawada.
"Ma jeclayn sida ay u egtahay; iilama ekayn isbitaal," ayuu yiri isaga oo jooga gurigiisa oo ku yaal Manitoba, Canada.
Cisbitaalka, oo mar hoy u ahaa maalqabeen reer Scotland ah ee maraakiibta, ayaa guriu noqday gabadha 16-jirka ah muddo bil ah Abriil 1958 ka dib markii xaakimku amray in lagu daweeyo habdhaqan loo arko "anshax xumo."
Ponting waxa ay ka mid ahayd kumannaan qof oo halkaas lagu tijaabiyey qayb ka mid ah daraasad sir ah oo ay CIA-du ku samaysay xakamaynta maskaxda.
Marka loo eego diiwaankeeda caafimaad, oo ay markii dambe heshay, Ms. Ponting waxay ka carartay guriga ka dib markii qoyskeeda ay si adag uga soo guureen Ottawa una guureen Montreal waxayna bilowday inay la kulanto saaxiibo aanay waalidkeed jeclayn.
"Waxaan ahaa ilmo caadi ah," ayay tiri. Si kastaba ha ahaatee, garsooraha ayaa u diray machadka Allen.
Markii ay halkaas timid, waxay si aysan ogayn u noqotay ka-qaybgale tijaabo qarsoodi ah oo CIA-du samaynayso oo loo yaqaan MK-Ultra. Mashruucu, intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa, lagu tijaabiyay saamaynta dawooyinka nafsiga ah sida LSD, shoog koronto, iyo farsamooyinka maskaxda lagu dhaqo ee dadka si ogolaansho la'aan ah.

Xigashada Sawirka, .
In ka badan 100 xarumood, oo ay ku jiraan dhowr isbitaal, xabsiyo, iyo dugsiyo ku yaal Mareykanka iyo Kanada, ayaa ku lug lahaa barnaamijka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Machadka Allen, Dr. Evan Cameron, oo ah cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda McGill, ayaa bukaannada daroogayn jiray kadibna dhegeysiin jiray dhawaaqyo la duubay eoo soo noqnoqda, mararka qaarkood kun jeer, habkaa oo uu ugu yeeray "kormeerka."
Mac-hadka Allen Memorial ee Montreal wuxuu ahaa goobtii ay CIA-du ku samaysay tijaabooyinka Kanada.
Dr. Cameron waxa uu Ms. Ponting maqashiinayay fariinta lagu celceliyay, xataa boqol jeer.
"Codku wuu ku celcelinayay; waxaad tahay gabar wanaagsan, waxaad tahay gabar xun," ayay tiri Ms. Ponting.
Sida uu sheegay Jordan Torby oo ah arday bartay cilmiga dhakhtarnimada oo cilmi-baaris ku sameeyay tijaabooyinkan iyo saamaynta ay ku leeyihiin anshaxa, farsamadani waxa ay ahayd nooc ka mid ah wax-is-daba-marinta nafsiga ah, waxaanay burburisaa hab-fekerka qofka.
"Bukaannada maskaxdooda waxaa lagu xakameynayay tilmaamo afka ah," ayuu yiri. Waxa uu intaa ku daray in Dr. Cameron uu sidoo kale daraasad ku sameeyay saamaynta kaniiniyada hurdada, dareenka oo yaraada, iyo miyir beelka.
Diiwaanada caafimaadku waxay muujinayaan in Ms. Ponting la siiyay LSD oo ay la socoto dawooyin kale sida sodium amytal, nooc ka mid ah barbiturate, kiciya loo yaqaan deoxycholate, iyo nitrous oxide, oo sidoo kale loo yaqaano gaaska.
Dr. Cameron wuxuu ku qoray mid ka mid ah diiwaanadiisa caafimaad: "Bishii Abriil 30-keedii bukaanku wuxuu galay marxaladda sahaminta… Ka dib markii la siiyay nitrous oxide, wuxuu noqday mid aad u kacsan oo rabshad badan, isagoo sariirta ka booday oo qaylinaya."
Xaqiiqda naxdinta leh ee ku saabsan tijaabooyinka MK-Ultra waxaa la daah furay 1970-yadii. Wixii markaas ka dambeeyay, qaar ka mid ah kuwa badbaaday ayaa isku dayay inay dacweeyaan dowladaha Mareykanka iyo Kanada.
Dalka Maraykanka, inta badan kiisaska laguma guulaysan, laakiin sannadkii 1988-kii maxkamad Kanada ku taal ayaa ku xukuntay dawladda Maraykanka inay siiso sagaal dhibane midkiiba $67,000.
Sannadkii 1992-kii, dawladda Kanada, iyada oo aan qiran mas'uuliyadda, waxa ay siisay 77-kii dhibane mid kasta 100,000 oo Doollarka Kanada ah, taas oo wakhtigaas ahayd ilaa 80,000 oo Doollarka Maraykanka ah.
Ms. Ponting ayaa sheegtay in magaceeda uusan ka mid ahayn kuwa la siiyay magdhow sababtoo ah waqtigaas ma aysan ogeyn in ay dhibane u tahay tijaabooyinka.
Waxay sheegtay in sannado badan ay dareemaysay inay wax khaldan yihiin, laakiin sannadihii u dambeeyay ayuun baa si faahfaahsan uga bartay ka qaybqaadashadeeda aan ikhtiyaarka lahayn ee tijaabooyinka.
Ms. Ponting waxay sheegtay in aanay wax badan ka xasuusan wixii ku dhacay Allen ama sannadihii xigay.
Markii dambe way guursatay waxayna u guurtay Manitoba, halkaas oo ay ku dhasheen labadeeda carruur ah oo ay wali xiriir dhow la leedahay. Hadda waxay leedahay afar ay ayeeyo u tahay, laakiin waxay sheegtay in saameyntu ay sii waday inay qayb ka noqoto nolosheeda.
"Dareenkan ayaa ila jiray nolosheyda oo dhan, waxaan la yaabanahay sababta aan sidan ugu fikirayo iyo waxa igu dhacay," ayay tiri.
Waxa ay sheegtay in nolosheeda oo dhan ay ku qasbanaatay in ay qaadato dawooyin isku dhafan si ay u maareeyso dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka iyo riyooyinka soo noqnoqda.












