Nabadda Itoobiya iyo Caqabadaha horyaalla

Dalka Itoobiya waxaa ka billaawday dadaallo nabad lagu baadi goobayo. Dadaalladaasi oo ay iska kaashanayaan Midowga Afrika iyo Dowladda Itoobiya oo garab ka heleyso waddamada Gobolka qaarkood.
Hase yeeshee, waxaa walaac laga muujinayaa xaaladda uu dalkaasi ku sugan yahay marka la eego inay jiri karaan caqabado dadaalladaasi nabadeed saameyn taban ku yeelan karo. Caqabadahadaasi oo wajiyo badan leh.
Haddaba waxaan qormadeennan si kooban ugu eegeynaa caqabadaahaasi:
Dagaalka Waqooyi:
Dagaalka Waqooyiga Itoobiya ka socda ku dhawaad 20-ka bilood ayaa ahaa dagaalki 10-ki sana oo ugu dambeeyey ka dhaca Bariga Afrika oo dhiig badanna uu ku daatay.
Dagaalka oo marki hore ka dhex billaawday Dowladda dhexe iyo Qowmiyadda Tigreega, ayaa ku sii fiday deegaannada Amxaarada iyo Cafarta ee dalkaasi ka tirsan.
Xukumadda Abiy iyo fallagada TPLF dagaalkooda oo wajiya badan lahaa ayaa bilihi u dambeeyey u muuqday mid ay labada dhanba ka daaleen oo ay doonayaan iney dagaalka waanwaan ku soo afjaraan.

Haddii ay labada dhinac ay dagaalka ka heshiiyaan waxaa laga cabsi qabaa iney colaad kale ka dhex qaraxdo Qowmiyadaha Amxaarada iyo Cafarta oo Tigreega deris la ah.
Afhayeenka Xafiiska Ra’isl wasaaraha Itoobiya Bil-lane Siyoum oo maanta shir jaraa’id qabatay waxay sheegtay wadahadallada nabadeed ee TPLF lala galayo inuu horkacayo Midowga Afrika waxayna beenisay inuu wadahadalkaasi uu soo qabanqaabiyey madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata.
Waxayna sheegtay Uhuru inuu taageerayo wadahadallada nabadeed uu horkacayo Midowga Afrika.
“Sida ay ila tahay, TPLF waxay heshiis oggolaanayaan marka ay Amxaaradu ka baxaan gobollada ay deegaankaasi ka qabsadeen, Amxaaradana ma oggolaan doonto iney ka baxdo halkaasi khilaaf hor leh ayaa ka dhalanaya,” ayuu yiri Dr Kebede Abagaz oo siyaasadda ka faallooda.

Jabhadaha Dagaallamaya:
Dalka Itoobiya waxaa ka dagaallamaya Jabhado dhowr oo ay ka mid yihiin Fallagada TPLF, Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLF, Jabhadda Xoreynta Ben-shaangul ee GLF iyo Jabhadda Xoreynta Gambeella ee GLF.
Abiy Axmed haddii uu la heshiiyo fallagada TPLF oo keli ah waxaa iyagana in lalal heshiiyo u baahan Jabahadaha kale oo iyagana Galbeedka, Koonfurta iyo Bartamaha dalkaasi sida weyn uga dagaallamaya. Tanina waa caqabad kale oo nabadeynta Itoobiya hortaalla.

Xiisadda Suudaan iyo Itoobiya:
Xiisadda bariyahan dambe ka soo cusboonaatay xadka Itoobiya iyo Suudaan iyaduna waa caqabad kale.
Addis Ababa iyo Khartoum waxay isku hayaan dhul ku teedsan xadka ay labada dal wadaagaan gaar ahanna aagga Al-fashaqa.

Halkaasi oo ay ciidamo iyo maleeshiyaad labada dal ka kala socda ay ku dagaallameen. Khilaafka xadka labada dal haddii aan degdeg lagu xallinna, waxay sii hurin kartaa xasilooni darrada ka taagan dalka Itoobiya maadaamaa ay Jabahadaha Itoobiya dagaalka kula jira ay fariisimo leeyihiin.
“Itoobiya iyo Suudaan haddii ay heshiiyaan waxaa Meesha ka baxaya Jabhadaha ay Khartoum saldhigyada dalkeeda ka siisay siyaaba kala duwanna ay u taageerto. Haddiise khilaafkaasi laga heshiin waayo waxaaba dhici karta Jabahdo hor leh oo Itoobiya ka soo horjeeda iney abuurmaan,” ayuu yiri Dr Kebede.
Qodobbadaas aan soo sheegnay waxaa dalka Itoobiya sicir barar aad u baahsan oo uu dalkaasi wajahayo oo kor u dhaafayo 30% sida ay sheegtay wakaaladda odorosta dhaqaaalaha dalkaasi.
Dalka Itoobiya oo ah dal filweyn oo taariikh dheer leh sanadihi u dambeeyey wuxuu la daalaa dhacayaa nabadgalya la’aan.














