You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Hindiya iyo Pakistan oo biyo ku dagaallamaya iyo cabsi la muujinayo
Pakistan ayaa ka digtay in aysan dooneyn wax iska horimaad ama muran ah oo ay la gasho Hindiya, balse isku day kasta oo lagu hor istaagayo xuquuqdeeda biyaha iyadoo la adeegsanayo Heshiiska Biyaha Webiga Indus loo aqoonsan doono "fal dagaal."
Isagoo ka hadlayay shir caalami ah oo looga hadlayay Heshiiska Biyaha Webiga Indus oo Talaadadii ka dhacay Islamabad, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Ishaq Dar, ayaa sheegay in "aysan jirin wax sharciyeynaya in Hindiya si keligeed ah u hakiso Heshiiska Biyaha Webiga Indus, isla markaana uusan sharciga caalamiga ah oggolaanayn arrintaas."
Waxaa xusid mudan in dowladda Hindiya ay bishii Abriil 2025 si hal dhinac ah u hakisay Heshiiska Biyaha Webiga Indus, iyadoo Pakistan ku eedeysay inay ka dambeysay weerarkii ka dhacay Pahalgam.
Pakistan ayaa diiday tallaabada Hindiya, waxayna dacwad u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah dooddeeda.
Maxkamadda oo fadhigeedu yahay The Hague ee dalka Nederlaan ayaa caddeysay in Hindiya aysan si hal dhinac ah u hakin karin heshiiska.
Si kastaba ha ahaatee, Hindiya ayaa diidday go'aankaas, waxayna ku dhawaaqday inay sii wadi doonto hakinta Heshiiska Biyaha Webiga Indus.
Kadib weerarkii ka dhacay Pahalgam iyo go'aankii Hindiya ay ku hakisay Heshiiska Biyaha Webiga Indus, Guddiga Amniga Qaranka ee Pakistan ayaa bishii Abriil ee sannadkii hore sheegay in isku day kasta oo ay Hindiya ku joojinayso ama ku leexinayso biyaha Pakistan loo aqoonsan doono "fal dagaal."
5-tii Juun, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa bayaan ku sheegay in hakinta Heshiiska Biyaha Webiga Indus ay sii socon doonto ilaa ay Pakistan "si buuxda u joojiso argagixisada xuduudaha ka gudubta."
Muxuu sheegay Ishaq Dar?
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Ishaq Dar, ayaa isagoo tixraacaya bayaankii Guddiga Amniga Qaranka, sheegay in Pakistan ay weli ku taagan tahay mowqifkaas, isla markaana ay hubin doonto in aan laga qaadin xuquuqdeeda.
"Pakistan mar walba waxay taageertay wada-hadal, diblomaasiyad iyo in khilaafaadka lagu xalliyo hab ay labada dhinac ku heshiiyaan. Si kastaba ha ahaatee, yaan la is fahmin in isku day kasta oo Pakistan looga hor istaagayo xuquuqdeeda biyaha ee ku cad Heshiiska Biyaha Webiga Indus uu yeelan doono cawaaqib weyn oo fog oo saameyn ku yeesha nabadda iyo amniga gobolka."
Siminaarkii la qabtay Talaadadii waxaa ka qeyb galay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Pakistan, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaal iyo khubaro ka socday xisbiyada kale ee siyaasadda.
Syed Muhammad Mehr Ali Shah, oo ah Wakiilka Pakistan u qaabilsan Arrimaha Biyaha Webiga Indus, ayaa sheegay in tan iyo Abriil ee sannadkii hore uu afar warqadood u diray dhiggiisa Hindiya oo ku saabsanaa isbeddelka qulqulka biyaha Webiga Chenab, balse ilaa iyo hadda uusan wax jawaab ah ka helin.
Wuxuu intaas ku daray in isbeddelka ku yimid qulqulka biyaha Webiga Chenab uusan ahayn arrin farsamo, balse uu yahay halis istiraatiiji ah.
Khataraha ay Pakistan wajahdo kadib hakinta Heshiiska Biyaha Webiga Indus
Khudbaddiisa, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Ishaq Dar, ayuu ku sheegay:
"Tan iyo Abriil 2025, Pakistan waxay aragtay tallaabooyin isdaba joog ah oo walaac weyn dhaliyay, kuwaas oo ay ka mid yihiin isbeddello lama filaan ah oo aan caadi ahayn oo ku yimid qulqulka biyaha webiyada Chenab iyo Jhelum, iyo dadaallo joogto ah oo lagu ballaarinayo kaabeyaasha awood u leh in lagu xakameeyo biyaha loo qoondeeyay Pakistan sida uu dhigayo Heshiiska Biyaha Webiga Indus."
Wuxuu intaas ku daray:
"Waa inaan ka feejignaannaa cawaaqibka ka dhalan kara haddii la wiiqo heshiis caalami ah oo quseeya webiyada xuduudaha ka gudba, haddii biyaha la wadaago loo adeegsado hub ahaan, lana qaado waddada iska hor imaadka iyadoo lagu xadgudbayo heshiisyada sharciga caalamiga ah."
Sidoo kale wuxuu yiri:
"Pakistan ahaan, tani ma aha oo keliya dood sharciyeed. Biyuhu waa halbowlaha nolosha in ka badan 250 milyan oo qof. Beerahayaga, amnigeenna, wax-soo-saarka tamarta iyo horumarka dhaqaale waxay ku tiirsan yihiin socodka joogtada ah ee biyaha webiyadayada."
Ishaq Dar ayaa ugu dambeyn sheegay in ilaalinta webiyadu ay muhiim u tahay amniga qaranka ee Pakistan.
Wuxuu yiri:
"Waxaan si daacad ah ugu baaqeynaa Hindiya inay ka waantoowdo hurinta colaadda, inay ka fogaato u adeegsiga biyaha la wadaago sidii aalad khilaaf lagu abuuro, isla markaana aysan halis gelin nabadda iyo amniga gobolkeenna."
Qorshayaasha Hindiya iyo mowqifka dowladda ee ku aaddan webiyada
Hindiya ayaa dhowaan ku dhawaaqday mashruuca Chenab–Beas Link Tunnel, kaas oo lagu leexinayo qiyaastii 1.9 milyan acre-feet oo biyo ah oo ka yimaada Webiga Chenab loona wareejinayo nidaamka kanaallada Beas ee gudaha Hindiya.
Hindiya ayaa sidoo kale ku casuuntay shirkado inay soo gudbiyaan dalabyadooda mashruucan.
Xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa u muuqda inuu si xooggan u taageerayo qorshahan, isagoo sheegay in "Hindiya aysan mar dambe ku shaqeyn doonin xeerarkii hore."
22-kii May, BJP ayaa boggeeda Facebook ku qortay:
"Kadib hakinta Heshiiska Biyaha Webiga Indus, Hindiya waxay ugu dambeyn ka faa'iideysan doontaa awoodda webiyadeeda galbeed si ay u horumariso tamarta biyaha laga dhaliyo, sugnaanta biyaha iyo danaha istiraatiijiga ah."
Sida lagu sheegay qoraalka BJP, kannaalka oo dhererkiisu yahay 8.7 kiiloomitir ayaa leexin doona biyaha dheeraadka ah ee ka yimaada Webiga Chandra kuna wareejin doona Webiga Beas.
Hay'adda dowladda Hindiya u qaabilsan tamarta biyaha laga dhaliyo ee National Hydroelectric Power Corporation, ayaa bishii hore soo saartay qandaraas lagu dhisayo jeexooyinkan oo ku yaalla gobolka Himachal Pradesh.
Kannaalka ayaa laga dhisi doonaa degmada Koksar ee gobolka Himachal Pradesh.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee ANI, mashruuca Chenab–Beas Link waxaa lagu dhisi doonaa kharash dhan 2,620 crore oo rupees.