Nin ciidanka Ruushka uga badbaaday inuu meyd iska dhigay

Published

Ivan Skyba oo ah taksiile iyo aabbaha afar carruur ah wuxuu si dirqi ah uga badbaaday in uu ku dhinto gacanta ciidanka Ruushka. Ninkan oo u dhashay Ukraine ayaa ka mid ahaa koox rayid ah oo difaac ka gashay waddooyinka magaalada yar ee Bucha markii uu billowday dagaalka.

Dacwad-oogeyaal ayaa ku qiimeeyay wixii ka dhacay Bucha inay yihiin dambi-dagaal.

Weriyaha BBC-da, Fergal Keane oo Ivan ku booqday Poland ayaa kala sheekeystay dhacdada keentay in uu meyd iska dhigo si uu u badbaado.

Kooxdii uu la socday waxay noqdeen qaar dhintay iyo qaar dhaawac ah. Ciidanka Ruushku waxay dhameystirayeen kuwa ay weli naftu ku dambeyso. Ivan oo xabbaddu ay dhinac uga dhacday wuu is-dhakinayaa. Neefta ayuu isku celinayaa si aan loo dareemin. Qabow daran ayaa lagu jiraa oo haddii uu neefsado keeni karta in ay ceeryaamada ka dhalatay neeftiisa laga dareemo hawada. Wuu ogyahay haddii ay taas dhacdo inay dhimashiisa horseedeyso.

Ciidanka Ruushka qofkii ay nolol uga shakiyaan xabbad ayay ku sagootinayaan. Wuxuu maqlay mid ka mid ah askarta oo leh: "Kaasi weli wuu nool yahay!" Ivan waxay la noqotay inuu isaga ka hadlayo. Wuxuu isku diyaariyay xabbadda. Weli waxaa ka socda dhiigga ka dhashay xabbad dhinaca uga taalla. Askari kale oo Ruush ah ayaa yiri, “Isagaa keligiis dhiman doona!”. Kaddib wuxuu maqlay dhawaqa rasaas lagu toogtay qof kale.

Ivan cabsidaas waxaa u dheer xanuunka dhaawaca, haddana ma ooyi karo oo dhimashada ayaa uga daran. Wuxuu ku dhex jiifaa oo uu ku dhex dhuumanayaa meydadka. Wuxuu iska dhigayaa qof la dilay sida asxaabtiisa kale.

Weriyuhu wuxuu kula kulmay Ivan Skyba tuulo yar oo ku taalla miyiga Poland halkaas oo qoyskiisa uu hoy ka helay. Wuu shaqeeyaa. Carruurtiisu waxay ku nool yihiin cabsi la’aan. Nabarradii wejiga iyo jirka ka soo gaaray way bogsadeen. Laakiin habeenkii, marka uu qof kasta oo kale seexdo, nabarrada xusuusta iyo gocashada xanuunka leh ayaa furma.

Markii uu dagaalku billaabanayay saacadihii hore ee 24-kii Febraayo, Ivan wuxuu taksigiisa ku dhex waday magaalada Kyiv. Ivan wuxuu aamini waayay in qaraxyo uu maqlayay ay dhab ahaan u dhacayaan.

Shirkaddi uu u shaqeynayay ayaa taksiileyaasha oo dhan oo uu Ivan ku jiro ku amartay inay dib ugu soo noqdaan xarunta. Ninkan 43 jir ah wuxuu qabanayay shaqo kasta oo uu heli karo si uu u taageero xaaskiisa iyo afar carruur ah.

Taksiyada wuu kaxayn jiray, mararka qaarna wuxuu ka shaqayn jiray dib-u-habayn dhismaha. Waxa ugu horreeya ee ku soo dhacayay waxay ahayd inuu qoyskiisa u sameeyo aqoonsiyo. Haddii ay dhici lahayd inay waddanka ka cararaan waxay u baahnaayeen baasaboorro.

Fikirkiisii ugu horeeyay subaxaas wuxuu ahaa inuu helo warqadaha aqoonsiga qoyska. Haddii ay dhici lahayd in ay cararaan, waxay u baahnaayeen baasabooro. Si degdeg ah ayuu ugu kaxeeyay 40km dhanka Brovary oo ay ku noolaayeen – halkaas ayuuna uga sii gudbay Bucha oo xaaskiisa iyo carruurtiisa ay ku booqanayeen hooyadeed. Halkaas ayay sii joogayeen tan iyo inta ka sameysayaan qorshe.

"Waxaa la isla dhex maray warar kala duwan oo sheegaya in [Ruushku] uu ku soo wajahan yahay Bucha. Waxaan billownay inaan diyaarinno qolal gudaha guryaha ah oo wax kasta ay noo yaallaan."

Saddex maalin kaddib, 27kii Febaraayo, Ruushka ayaa yimid meel u dhow. Markiiba waxay weerar gaadmo ah kala kulmeen Ukraine. Askar ka tirsan ciidamada cirka ee Ruushka oo madaafiic lagu duqeeyay ayaa dhufeysyo ka galay waddada Vokzalna. Aad bay u caroodeen iyagoo isku qanciyay in dadka deegaanka ay u sheegeen militariga Ukraine halka ay ku sugan yihiin.

Dadka deegaanka oo isbabaabulay ayaa dhankooda billaabay inay iska caabbiyaan weerarka Ruushka. Rag horay uga soo dagaallamay gobolka Donbas ayaa difaacaas qeyb ka ahaa.

Si fiican uma hubeysneyn kooxda uu ku jiray Ivan. Waxay haysteen hal qori, bam gacmeed iyo laba doorabbiin (xogad) oo ay ku wadaagaan sagaal nin.

Kooxdiisa oo joogtay meel isbaaro ah waxaa ku soo dhowaaday ciidankii Ruushka. Waa laga qalab iyo hub fiicnaa. Waa laga gacan sarreeyay, taas oo keentay in ay gacanta u galaan Ruushka.

Ivan Skyba wuxuu dareemay in uu waqtigu gabaabsi yahay. Gelinkii dambe ee 4tii Maarso, labo ka tirsan siddeeddii nin ee lala qabtay waa la toogtay. "Ruushku waxay billaabeen in ay dhexdooda ka tashadaan waxay nagu samayn lahaayeen. Tashiga waxaa ku jiray in aynan halkaas sii jiifin ee na loo dhameeyo,” ayuu yiri.

Nin ka mid ah raggii lala qabtay ayaa si lama filaan ah u go'aansaday inuu u ordo laakiin isla markiiba waa la toogtay. Dabadeed Ruushku wuxuu rasaas ku furay kuwii kale. "Waxaan dareemay xabbad u soo dhaceysa," Ivan ayaa dib u xusuustay. "Way i dhaawacday waana la dhacay."

Mar cabbaar la joogo oo uu dareemay in ay ciidankii Ruushka baxeen. Wuxuu u gurguurtay guri u dhow. Dhaawicii wuxuu isaga dhayay jeermis-dile uu ka helay musqul. Wuxuu xirtay dhar uu meesha ka helay. Buste ayuu isku duubay isagoo damcay inuu seexdo. Laakiin codad buu maqlay. Waa askar Ruush ah oo sidoo kale ku nasanayayay guriga.

Wuxuu ku qanciyay inuu yahay milkiilaha guriga, dhaawacana wuxuu ku sharraxay inuu ka soo gaaray duqeymo. Way rumeysteen, waxayna u sheegeen in uusan sii joogi karin meesha oo ay u qaadi doonaan xaruntooda si loogu daweeyo. Sidaas ayuu ku badbaaday oo uu reerkiisii ula midoobay.