Aragtida ay Afrikaanka ka muujiyeen waxa ay Boqoradda ka dhaxleen

Published

Geerida Boqorad Elizabeth II madaxda adduunka iyo dadka caadiga ee daafaha dunida ku kala noolba murugo ayey ku abuurtay.

Waddama badan oo ay Britain horay u soo guumeysatay waxay Boqoradda u muujiyeen xushmad.

Hase yeeshee xushmeynta iyo maamuusidda Boqoradda geeriyootay ma eheyn mid loo dhamaa.

Dadka qaar geerideeda waxay soo xusuusisay dhiiggii daatay xilliyadii guumeystaha uu dalalkooda ka arriminayey xasuusqii uu u geystay dadkii dalalka ay guumeysteen asalka u lahaa, xatooyada taallooyinka iyo agabkii taariikhiga ahaa ee ay ka qaateen waddamada Galbeedka Afrika iyo dahabkii iyo dheemankii ay ka dhaceen Koonfur Afrika iyo Hindiya oo ay weliba u dheereyd addoonsi iyo dulmi.

Halka madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa uu Boqorada ku tilmaamay qof aan caadi ahayn oo dad badan oo caalamkan ku nool si aad ah u xasuusan doonaan.

Halka xisbiga mucaaradka ah ee Economic Freedom Fighters Party (EFF), uu sheegay in aanay ka mid noqon doonin dadka u baroordiiqaya geerida Boqoradda.

“Muddada 70-ka sana oo Boqradda UK ahayd, weligeed meysan qirin dambiyadii ay Britain iyo qoyskeeda ka geysteen adduunka oo dhan, runtiina waddankeeda wuxuu ahaa mid ku faani jiray xasuuqii uu geystay,” ayaa lagu yiri warsaxafaadeed ka soo baxay xisbiga seddexaad ee ugu weyn dalka Koonfur Afrika.

“Anaga geerideeda waxay na xusuusineysaa xilli aad u murugo badan oo dalkan iyo taariikhda qaaradda Afrikaba soo maray.”

Dadka Boqoradda baraha bulshada ku dhaliilayna aad ayey ugu sii fogaadeen.

Qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay Barafasoor Uju Anya oo asal ahaan ka soo jeedda Nigeria oo haysta dhalashada Mareykanka saacado un ka hor dhimashada Boqoradda waxaa ka dhalatay dood adag.

Mid ka mid qoraalkii ay soo dhigtay waxaa markiba tirtay shirkadda Twitter-ka iyada oo sheegtay inuu ka hor imanayo shuruucda shirkadda u yaalla.

Balse farriinteeda labaad ee Twitter-ka waxay ku qortay: “ma afilayo inay jirto cid iga filayso inaan wax ka sheego oo aan ka ahayn Boqortooyadii gacanta ku haysay dawladdii ka dambeysay xasuuqii lagu xasuuqay laguna barakiciyay qoyskayga badhkii iyo cawaaqib xumada ay kaga tagtay kuwa maanta nool ee isku dayaya inay ka gudbaan."

Waxayna qoraalkeeda Twitter-ka ku soo hadal qaadday dagaalkii dhacay dabayaaqadi 1960-yadii oo ay dowladda Britain iyo ciidamada dowladda Nigeriya oo iskaashanaya ay ku go’doomiyeen gaajana ugu dileen, ugu dambeyntina sababtay inuu burburo hadafkii gooni-u-goosadka Jamhuuriyadda Iskeed madax bannaaida ugu dhawaaqday ee Biafra.

Mid ka mida ah dadka isticmaala barta Twitterka oo hadalka Barafasoorka ka jawaabay wuxuu yiri: “Sida aad u hadleysid uma dhaqmaan dadka reer Nigeriya, isagoo raaciyey “waxaad sawir khaldan ka bixineysaa dhaqankeenna iyo waddankeenna.”

Halka qaar kalana ay yirahdeen “Dhaqanka Afrika” iney ceeb ku tahay qof dhintay in wax laga sheego.

Maalintii geerida Boqoradda lagu dhawaaqay waxyaabihii sida weyn loo hadal hayey waxaa ka mid ah dheeman Koonfur Afrika laga qaaday oo taajka boqortooyada ka mid ah in la soo celiyo. Dheemankaasi oo dalka Koonfur Afrika laga qaaday 1905-tii.

Halka qaarna ay sheegeen dheemanka usha boqorka lagu hardhay oo qiimahiisu yahay 400 oo malyan oo doolar haddii lagu soo celiyo Koonfur Afrika uu dabooli karo kharashka waxbarshada sare ee 75,000 arday oo reer Koonfur Afrika ah.

Dalka Hindiya laftiisa waxaa ka dhashay hadal hayn noocaasi ah oo lagu sheegayo Boqorka cusub marka la dhaarinayey agabka la isticmaalay inuu la socdo dheeman qaali ah oo laga qaaday dalka Hindiya xilligii guumeysiga.

Waddamada Kenya iyo Koonfur Afrika waxay dalbanayaan madaxda geesiyaashooda sida Koitalel Samoei iyo Boqor Hinstsa kaKhawula oo Ingiriiku madaxooda qaatay jirkooda kalana waddamadooda lagu aasay.

“Dhulkayaga ayey xoog ku qabsadeen, waxayna naga maanaceen xuquuqdii dhalasho ee aan laheyn, hase yeeshee geerida Boqoradda waan u murugooneynaa maadaama ay qof nala mid tahay, oo qofkasta oo dhimanaya aan ka naxeyno,” ayuu yiri mid ka mid dadkii geerida Boqoradda ka falceliyey oo wakaaladda wararka ee Reuters u warramay.

Madaxweynaha Kenya ee xilka ka tagay Uhuru Kenyatta oo Boqradda ku tilmaamay iney ahayd qof aan caadi eheyn oo ku dhawaaqay 4 maalmood oo baroordiiq qaran ah, muwaaddiniinta Kenya wuxuu kala kulmay cambaareyn xooggan.

Madaxweynihii hore ee Botswana Ian Khama wuxuu ka mid yahay madaxweynayaasha Afrika ee difaacay Boqoradda isla-markaana ku tilmaamay inaan lahayn ciddi baddali lahayd.

“Guumeysiga ma aha wax aan dooneyno inaan xusuusanno, wuxuuna ahaa xilli madow oo laga soo gudbay,” ayuu Ian Khama sii raaciyey.

Dad badan ayaa sheegay in boqoraddu aysan marnaba raaligelin ka bixin dambiyada lagu galay magaca boqortooyada.

Si kastaba ha ahaatee, waxay qiratay "dhibaato" iyo "dhacdooyin adag", sida xasuuqii 1919-kii ka dhacay Amritsar, ee waqooyiga Hindiya. Ka hor intaanay booqan goobta 1997-kii halkaas oo Janaraal Ingiriis ah uu amar ku bixiyay in ay rasaas ku furaan dibad-baxayaal beeraley ah waxayna jeedisay khudbad ay ku muujineyso sida ay dhacdadaasi uga qoomameyneyso.

"Taariikhda sideedaba dib looma qori karo, si kasta oo aan mararka qaarkood u jeclaan karno. Waxay leedahay waqtiyo murugo iyo wakhtiyo farxadeed. Muhiimadduna waxay tahay inaan murugada wax ka barannaa oo aan sidaa farxadda ku dhisnaa," ayuu yiri Iam Khama.