You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mareykanka oo amar cusub kusoo rogay qaxootiga ay Soomaalida ka mid tahay ee heysta sharciga TPS
Waxaa la soo saaray amar cusub oo khuseeya qaxootiga ku nool Mareykanka ee haysta ilaalinta ku-meelgaarka ah, kuwaas oo ay ku jiraan Soomaalida.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Mareykanka, Mark Wayne Mullen, ayaa ugu baaqay muwaadiniinta dalalka kala duwan ee haysta TPS inay doortaan mid ka mid ah laba waddo: inay codsadaan degganaansho rasmi ah ama ay dib ugu laabtaan dalalkoodii.
Digniintan ayaa timid kadib go'aan uu toddobaadkii hore soo saaray Maxkamadda Sare ee Mareykanka.
Maxkamadda Sare ayaa ansixisay go'aan lagu joojinayo ilaalintii sharci ee qaxooti badan oo ku sugnaa Mareykanka, oo ay ku jiraan dad badan oo ka soo jeeda Haiti iyo Suuriya, kuwaas oo TPS loo siiyay sababo la xiriira xaaladaha adag ee ka jiray dalalkooda.
In ka badan 350,000 oo muwaadiniin ka kala yimid dalal kala duwan ayaa Mareykanka ku jooga iyagoo helay TPS, maaddaama ay ka soo carareen dagaallo, dhibaatooyin bani'aadamnimo iyo xadgudubyo xuquuqda aadanaha.
Sida ku cad nidaamkan, ku dhowaad 5,000 oo Itoobiyaan ah ayaa hadda haysta TPS gudaha Mareykanka. Lama oga tirada saxda ah ee Soomaalida ku nool Mareykanka ee ku jira barnaamijkan.
Bishii Diseembar ee la soo dhaafay, Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka waxay go'aamisay in la soo afjaro TPS-kii saddexda sano socday ee loo oggolaa Itoobiyaanka.
Sidoo kale waxaa lagu amray inay dalka uga baxaan muddo 60 maalmood gudahood.
Hase yeeshee, garsoore federaal ah oo ku sugan Boston ayaa hakiyay fulinta go'aankaas kadib dacwad laga gudbiyay.
Laakiin Maxkamadda Sare ee Mareykanka, oo go'aan ka gaartay kiis la mid ah oo ku saabsan qaxootiga Haiti iyo Suuriya, ayaa toddobaadkii hore sheegtay in maxkamadaha hoose aysan hor istaagi karin go'aannada maamulka Trump ee arrimaha noocaas ah.
Qareen la hadlay BBC ayaa sheegay in go'aanka Maxkamadda Sare uu sidoo kale saameyn ku yeelan karo kiiska Itoobiya.
Waxaa la rumeysan yahay in nidaamkan cusub uu sidoo kale khuseeyo Itoobiyaanka ku sugan Mareykanka.
Mullen ayaa qaxootiga u sheegay:
"Waa inaad isku daydaan inaad heshaan deganaansho rasmi ah adigoo codsi gudbinaya. Haddii taas ay suurtagal noqon weydo, waxaan idinka caawin doonnaa inaad ku noqotaan dalkiinna."
Wuxuu sidoo kale sheegay:
"TPS ma aha degganaansho rasmi ah. Dowladda Mareykanka waxay idiin diyaarin doontaa tigidh diyaaradeed iyo $2,100 oo kaalmo dib-u-dejin ah si aad ugu laabtaan dalkiinna."
Sharciga federaalka ee Mareykanka wuxuu dowladda u oggolaanayaa inay siiso ilaalin sharci oo ku-meelgaar ah dadka ka soo cararay dagaallo, cudurro ama xaalado kale oo halis ah.
Itoobiyaanka waxaa TPS la siiyay sanadkii 2022, xilligii madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden.
Maamulka Biden wuxuu bixiyay ilaalintan si dadka ay Soomaalidu ka mid tahay ee aan haysan sharci degganaansho ay u helaan oggolaansho shaqo.
Markii hore, TPS-da waxaa loogu talagalay inay socoto 18 bilood. Markii muddadii dhammaatay, waxaa loo kordhiyay 18 bilood oo kale iyadoo loo cuskanayo weli jiritaanka xaaladaha amni ee Itoobiya.
Markii muddadaas ay dhammaatay horaantii Diseembar, maamulka Trump—oo muddo dheer qaadayay tallaabooyin adag oo ka dhan ah socdaalka—ayaa go'aansaday inuusan mar kale kordhin TPS-ta.