Cadho ka dhalatay wasiir hablo ciyaala iskuula ku tidhi "wax dhigta oo dhidhiibsada"

Xigashada Sawirka, LIMPOPO PROVINCIAL GOVERNMENT
Wasiir caafimaad oo heer gobol ka ah Koonfur Afrika ayaa aad loogu dhaliilay in ay hablo ciyaala iskuul ah ku tidhi "buugaagtiina fura laakiin lugihiina xidha".
Phophi Ramathuba ayaa hadalkaa tidhi mar ay booqatay dugsi sare si ay ugu dhiirigeliso [hablaha ardayda ah] inay iska ilaaliyaan galmada si looga hortago xaddiga uurka ee da'yarta.
Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dhaleeceeyay hadalkaas, waxaanay is weydiiyeen sababta hadalkaa gabdhaha oo kaliya loogu koobay.
Ramathuba ayaa difaacday fariintaasi oo ay sheegtay in ay sidoo kalena ku socotay wiilasha.
Wasiirka caafimaadka ee gobolka Limpopo ayaa Arbacadii booqatay dugsiga sare ee Gwenane si ay u soo kormeerto bilowga sannad dugsiyeedka cusub.
"Gabdhahoow waxaan idin leeyahay: buugaatiina uun fura oo lugihiina xidha. Lugihiina ha kala qaadina ee buugaagtiina kala fura. Waad mahadsantihiin" ayay ku tidhi ardayda.
Waxa ay intaa ku dartay in hablaha ay ragga waaweyni ku hodaan alaabaha qaaliga ah sida burkooyinka iyo teleefannada gacanta oo ay u iibiyaan.
Faallooyinkaa dhaleecaynta ahi waxay bilaabmeen markii muuqaal laga duubay khudbadaa lagu faafiyey baraha bulshada.
"Sidani maaha qaab ku habboon in carruurta loogala hadlo faroxumaynta, galmada iyo in aqbalkeeda ama diidmadaba"ayaa ka mid ahaa hadalladii dadka qaar qoreen.
Siyaasiga mucaaradka ah ee Siviwe Gwarube ayaa ku tilmaantay hadalkaas "mid dhibaato badan keenaya".
" Waxay ahayd fursad aad si fiican ugu la sheekaysato ardayda oo aad ku waaniso…. Laakiin waxaad eedaynaysaa dhibaneyaashii. Canaan aanay qaadi karin oon loo baahanayn baad gabdhaha saartay," ayay ku tidhi farriin ay ku soo qortay Twitter.
Ramathuba ayaa u sheegtay bogga wararka Koonfur Afrika TimesLIVE in hadalkeeda sidii ay u tidhi si aan ahayn loo qaatay oo fariinteedu sidoo kale ku socotay wiilshana.
"Inamadaba waxaan u sheegay in ay waxbarashadooda ku dadaalaan oo aanay hablaha daba ordin" ayay tidhi.
Waxay intaa ku dartay in dadka deegaankeeda Limpopo "ay fariinteeda la dhaceen".
"Xitaa waxay sheegeen in ay ka baqayeen inay ku dhiiradaan arinta oo sidaa cad ay u yidhaahdaan," ayay tidhi.
Tirakoobka dowladda ayaa muujinaya in ku dhawaad 33,400 oo gabdhood oo da'doodu ka yar tahay 17 jir ay ubad ku dhaleen Koonfur Afrika sannadkii 2020-ka.
Save the Children ayaa sheegtay in la'aanta waxbarashada iyo waanada galmada oo aan ku fillayn iyo sida oo kale adeega caafimaad oo la awoodi karin yihiin arimah kor u qaaday tirada gabdhaha iyaga oo dhawr iyo toban jirrada ah uurka qaadaya dalka Koonfur Afrika.












