Muslimiinta Uigher: Haweenay xidhan oo doonaysa in saygeedii loo geeyo

Naadila Wuumaayir iyo wiilkeeda

Xigashada Sawirka, SADAM ABDUSALAM/ TWITTER

Qoraalka sawirka, Naadila Wuumaayir iyo wiilkeeda
Published

"In aan halkan ka baxo oo aan ninkaygii u tagaan doonayaa".

Waa fariin qoraal ah oo ay qalin iyo warqad ku dhigtay iyadoo haysana sawir laga qaaday ka dibna lagu baahiyey barta Twitter-ka ee bulshadu ku xidhiidho.

Haweenayda qortay waxa la yidhaa Naadila Wuumaayir, waa gabadh ka mid ah dadka laga tirda badanyahay ee Uigher ka ee Shiinaha, waxaanay wararku tibaaxeen in ay xabsi guri ku jirto oo lagu hayo gurigeeda oo ku yaal gobolka Xinjiang, ee galbeedka Shiinaha iyada iyo wiil ay dhashay oo laba jir ah.

Wuumaayir waxay doonaysay in fariinteedu gaadho dadka, maadaama oo sarkaal Shiine ah oo Telefishan Australia laga leeyahay waraysi siiyey uu sheegay in ay haweenaydaysaasi ikhtiyaarkeeda ku joogto dalka Shiina.

Ninkeeda oo la yidhaa Saddaam Cabdisalaam, ayaa ku beeniyey hadalkaa sarkaalka Shiinaha ah isla barnaamijkii sarkaalka lagu waraysanayey oo dadkii ka qayb galay uu ka mid ahaa Salaasadii, waana Telefishanka ABC.

Muddo dhawr bilood ah ayuu waday Saddaam Cabdisalaam olole uu ku doonayo in afadiisa la soo daayo.

Waloow aanay Wuumaayir haysan dhalashada Australia, waxa haysta dhalashadaa ninkeeda iyo inankeeda. Mar horena waxay xukuumadda Australia Shiinaha si rasmi ah uga codsatay in haweenaydaa loo ogolaado in ay Shiinaha ka baxdo.

Saddaam Cabdisalaam markii uu barnaamijka ka qayb galayey wuxu yidhi "wiilkaygu waa muwaadin reer Australia ah waxaanu haystaa dhalashada Australia, tan iyo maalintii uu dhashayna maan arag"

Waxaanu intaa ku daray "Austalia waxay xaaskayga siisay fiise ay dalkan ku soo gasho si ay iyada iyo wiilkayguba iigu yimaadaan laakiin xukuumadda Shiinaha ayaa u diiday in ay soo baxaan".

Waxaanu su'aalay sababta xisbiga Shuuciga ah ee dalkaas hal milyan oo qof oo qoomiyadda Uigher ka ah xeryaha ugu hayo? Goormaad qoyskayga sii dayn doontaan? Ayuu hadana raaciyey.

Ururrada xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in Shiinuhu xeryo ku hayo qiyaastii hal milyan oo qof oo qoomiyadda Uigher ka ah iyo Muslimiinta kale, hase yeeshee Shiinaha ayaa beeniyey arintaa iyo in uu wax dhibaato ah dadkaa loo gaysto waxaanay xukuumaddu ku doodaa in ay la dagaalamayso argagixisada iyo xagjirnimada diimeed.

Ilaa haatan xukuumadda Shiinuhu kamay hadal arinta gabadhaa Wuumaayir.

Hase yeeshee saacado uun ka dib barnaamijkaa uu ka qayb galayey sarkaalkaas oo ah safiir ku xigeenka Shiinaha ee Australia, ayaa Saddaam Cabdisalaam waxa barta uu ku leeyahay Twitte-ka ku baahiyey saiwrka afadiisa iyo wiilkooda iyada oo gacanta ku haysa warqad ay gacanta ku qortay oo burinaysa wixii uu sheegay sarkaalkaa Shiinaha ahi.

Hay'adda Amnesty International xafiiskeeda Australia ayaa ku gacan saydhay wixii uu sheegay sarkaalkaasi, waxaanu sheegay in Wuumaayir iyo haweenay kale oo uu qabo nin haysta dhalashada Autralia ay labaduba ku xidhan yihiin gobolka Xijiang oo aan loo ogolayn in ay Ausralia ugu tagaan raggooda.

Shiinuha waxa ku soo badanayey dhaliisha ah in uu dhibaataynayo Muslimiinta Uigher.

Waxaana muuqata in qoraal dhawaan ay heshay BBC-du si buuxda u faahfaahinayo sida Shiinuhu boqolaal kun oo Muslimiin ah ugu hayo xeryo lagu ururiyey.