Budhcad badeed Soomaali ah oo sii daayey nin Irani ah

ninka la sii daayey, Maxamed Shariif Panahandeh

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, ninka la sii daayey, Maxamed Shariif Panahandeh
Published

Budhcad badeed Soomaali ah ayaa sii daayey bad mareen Irani ah oo ay muddo afar sannadood ah haysteen.

Hay'ad la yidhaa Hostage Support Partnership (HSP) oo gargaarta dadka la af-duubto oo sii daynta ninkanna gacan ka gaysatey, ayaa sheegtay in Maxamed Shariif Panahandeh "aad u bukay" oo lagu sii daayey u diir nax aadamenimo.

Tobankii sano ee la so dhaafay, ayaa budhacad badeed Soomaali ahi bad maaxayaal faro badan qabsadeen oo lacago madax furasho ah lagu sii daayey. Shariif sii dayntiisu waxay ka dhigaysaa tirada dadka ku hadhay gacanta budhcadda saddex qof.

Weerarrada budhcad badeedku waxay halkii ugu sarraysay gaadheen sannadkii 2011, laakiin waxay hoos u dhaceen ilaa heer la odhan karo way joogsadeen ba, sidaana waxa sheegay ciidamada badda reer Yurub oo aaggaa gaaf wareega.

John Steed oo ka tirsan hay'adda HSP ayaa BBC-da u sheegay in saddexda qof ee weli la haystaa dhamaantood u dhasheen Iran oo mar la wada af-duubtay Shariif iyaga oo saaran dooni kalluumaysi bishii Maarij 2015.

.

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, .

Ninka la sii daayey ayaa daryeel caafimaad loo geeyey magaalo madaxda Itoobiya ee Addis Ababa oo marka hore lagu dabiibayaa ka dibna waxa loo duulin doonaa dalkiisa.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa wakaaladda wararka Iran ayaa sheegtay in Iran ugu mahad naqday hay'adda HSP, Qaramada Midoobay iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo sidoo kale Itoobiya gacanta ay ka geysteen sii daynta ninkaa bad mareenka ah.

John Steet ayaa AFP u sheegay in Shariif lagu sii daayey xanuunka haya dartii lakiin ay budhcadda haysatay weli sugayaan in madax furasho laga bixiyo saddexda qof ee kale.

Hoos u dhaca weerarrada budhcad badeeda ayaa lagu sababeeyey ilaalada hubaysan ee maraakiibta aagga maaxa la saaro iyo sidoo kale ciidamo badadeed ka socda dhawr dal oo reer Yurub ah iyo NATO oo iyaguna halkaa gaaf wareega.