Sacad Xariiri oo Lubnaan ku noqday

Xigashada Sawirka, Reuters
Ra'isal wasaaraha Lubnaan, Sacad Al-Xariiri, ayaa ku noqday Beirut tan iyo markii uu ka shaaciyey is casilaadiisa Sucuudiga laba todobaad iyo dheeraad ka hor.
Xariiri waxa aariboodhka Bayruuk ku soo dhaweeyey ciidamada nabad gelyada markuu ka soo degay diyaaradda. Waxaana Al-Xariiri is casilaadiisu dhalisay xiisad siyaasadeed.
Wuxu beeniyey hadal hayn ah in Sucuudi Carabiya ku qasabtay in uu is casilo taas oo qayb ka ah halganka siyaasadeed ee ay Iran kula jirto.
Madaxweynaha Lubnan Misheel Cawn ayaa diiday in uu aqbalo is casilaadiis ilaa inta uu ku noqonayo oo uu isagu u sheegayo.
Sabtidii ayaa Xariiri u duulay Paris halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo isku dayeyey in uu dilaalo dariiq lagaga baxo ismari waaga.
Markuu Faransiiska joogay Xariiri wuxu wacad ku maray in uu ku noqonayo Lubnaan si uu uga qayb galo dabaal dega xoriyada Arbacada, waxaanu ku daray " waa halkaa meesha aan ka dhigi doono meel lagu ogaado meeshayda…. Marka aan la kulmo madaxweyne Cawn".
Wuxu markii dambe akhriyey duco qabriga aabihii Rafiiq Al-Xariiri dushiisa oo la dilay 2005.
Xariiri ayaa si degdega u shaaciyey inuu is casilayo isagoo ku jira socdaal uu ku tagay Sucuudi Carabiya 4 Noofambar.
Warbixin telefishanka laga sii daayey ayuu ku yidhi inuu ka cabsanayey in la dilo. Waxaanu sidoo kale ku dacweeyey Iran in ay beerayso "kala goyn, burbur iyo dumin" gobolka iyo ururka Xisbullah oo uu ku eedeeyey, kaas oo ah xulufada Iran ee Lubnan, inuu qasayo qaranka.












