You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sababta maanta loogu badinayo in lagu dhawaaqo natiijada doorashada madaxweynaha Kenya
Waqtiga ayaa ciriiri ku ah Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha ee Kenya (IEBC) oo laga sugayo ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxtinimada. Berri ayay ugu eg tahay waqtiga kama dambeysta ah ee uu dastuurku u oggolaanayo shaacinta natiijada.
Doorashadu waxay qabsoontay 9-kii bishan Agoosto oo ku beegneyd Talaadadii la soo dhaafay.
Soo-jeedimo gudaha ah iyo kuwo heer caalami ah ayaa soo baxaya, kuwaas oo ku talinaya dulqaad iyo deggenaan in lagu sugo natiijada.
Natiijooyin hordhac ah oo uu soo saaray guddiga IEBC ayaa muujinaya in ay aad isugu dhow yihiin labada murashax madaxweyne ee kala ah madaxweyne ku-xigeenka xilka dhameysanaya William Ruto iyo raysul wasaarihii hore Raila Odinga.
Labada murashax oo shalay fagaare ka hadlayay markii ugu horreysay tan iyo maalintii codeynta ayaa taageereyaashooda kula taliyay inay muujiyaan dulqaad, ayna si nabadgelyo ah u sugaan tirinta codadka ee waqtiga badan qaadatay.
Goormee la filayaa in lagu dhawaaqo natiijada?
Waxaa isa soo taraya rajada laga qabo in dhowaan la ogaan doono natiijada la wada sugayo ee doorashadii madaxtinnimo ee Kenya ee qabsoontay toddobaadkii hore.
Miisaska loo isticmaalay in lagu xaqiijiyo natiijooyinka ayaa la nadiifiyay, waxaana xarunta codbixinta qaranka looga diyaar-garoobayaa in lagu dhawaaqo natiijada kama dambeysta ah.
Guddiga Doorashooyinka oo lagu dhaliilay inuu la raagay natiijada ayaa sheegay in uu si taxaddar leh u hubiyo natiijooyinka iyagoo u eegaya deegaan-doorashooyinka si ay uga fogaadaan soo noqoshada qaladaad horay u dhacay.
Sanadkii 2017, Maxkamadda ugu sarraysa Kenya ayaa laashay natiijooyinka doorashadii madaxweynaha ee la qabtay sanadkaas, iyadoo ku eedeysay guddiga IEBC inuu ku guul-darreystay inuu si wanaagsan u hubiyo natiijooyinka ka hor intii uusan ku dhawaaqin.
Shaacinta natiijada doorashada madaxweynaha ayay sida la filayo u badan tahay inuu guddigu maanta ku dhawaaqo.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduuddaha Kenya, Wafula Chebukati wuxuu haystaa maalmo xaddidan oo toddobo ah si uu u shaaciyo natiijooyinka, kuwaas oo ka soo billaabanaya maalinta codeynta.
Waqtigaas dastuuriga ah wuxuu ku eg yahay berri oo Talaado ah, saacaddu marka ay tahay 5PM xilliga Afrikada Bari.
Halkee la kala marayaa?
Natiijooyinka hordhaca ah waxay muujinayaan in William Ruto uu tartanka ku hoggaaminayo tirooyin aan sidaas u badneyn.
Iyada oo lagu salaynayo tirada badan ee codadka la hubiyay ee laga helay deegaan-doorashooyinka waxaa la rajaynayaa in guddiga doorashadu uu hubiyo 50 deegaan-doorasho oo harsan ilaa maanta gelinka dambe.
Haddii mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha loollamaya ay caddaato inuu soo baxay, waxay u badan tahay in ay dabbaal-dagyo sameeyaan taageerayaashiisa - balse keliya IEBC ayaa si rasmi ah u caddeyn karta qofka guuleystay.
Xaqiijinta natiijooyinka foomamka 34 A iyo 34 B ayaa la dhameystiray.
Wararka been-abuurka ah iyo doorashada
Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa beenisay warar la faafiyay oo ku saabsanaa in madaxweynaha dalkaas Joe Biden uu u hambalyeeyay Raila Odinga inuu noqday madaxweynaha shanaad ee Kenya.
War-saxaafadeed ay safaaraddu soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay bayaan ku faafay internet-ka oo loo saarinayay dowladda Mareykanka.
Maxaa xigi kara natiijada?
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa la filayaa in uu soo saaro foom 34 C oo ah foomka ku dhawaaqista guusha, kaddibna uu soo saaro foomka 34 D, kaas oo lagula wareejin doono madaxweynaha la doortay xaflad ka dhaceysa Bomas.
Si uu wareegga koowaad ugu guulaysto tartanka madaxtinnimada, murashaxu wuxuu u baahan yahay:
- in uu helo in ka badan kala bar dhammaan codadkii laga dhiibtay dalka oo dhan
- inuu helo ugu yaraan boqolkiiba 25 codadka laga dhiibtay ugu yaraan 24 gobol.
Haddii kale waxaa la galayaa wareeg labaad oo codbixin ah, kaas oo sharcigu uu yahay inuu dhaco 8da Sebteembar.
Haddii uu mid ka mid ah xisbiyada ku qanci waayo natiijada, wuxuu haystaa 7 maalin inuu ku soo gudbiyo codsi uu uga soo horjeesanayo doorashada madaxtinimada.
Garsoorku waxa uu haystaa 14 maalin si uu go'aan uga gaaro dacwadda laga billaabo maalinta la xareeyay.
Haddii xisbiga ka soo horjeestay natiijada ay dacwaddiisu meel-marto waa in doorasho cusub lagu qabtaa 60 maalin (3 bil) gudahood, taas oo ka billaabanaysa marka la laalo natiijada.
Haddii aan si cad loo helin guuleyste waxaa lagu dhawaaqi karaa wareeg labaad, waana in lagu qabtaa 30 maalin gudahooda laga billaabo taariikhda codbixinta ee hore.
Qabashada Xafiiska
Murashaxa guuleystay wuxuu xafiiska la wareegi karaa haddii aan la gudbin codsi ka dhan ah natiijada, Talaadada koowaad, oo ah 14 maalin kaddib ku dhawaaqida natiijooyinka - (30ka Agoosto 2022).
Haddiise la gudbiyo codsiga lagu diiddan yahay natiijada, wuxuu madaxweynaha la doortay xafiiska ku wareegi karaa Talaadada koowaad, 7 maalin kaddib marka ay maxkamaddu ku dhawaaqdo in ay doorashadu ansax tahay - (22-ka Nofeembar 2022).
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xilka ka degaya kaddib markii uu dhameystay labo xilli. Waxa uu taageeray ninka ay muddada dheer loollamayeen ee Raila Odinga, halkii uu ka taageeri lahaa ku xigeenkiisa oo ahaa William Ruto.