Israa’iil
kadib, yaa xiga oo aqoonsan doona Somaliland? Waa su’aal ay warbaahinta i24
weydiisay madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee
Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) la weydiiyay xili wareysi
gaar ah uu bixinayay.
Madaxweynaha
ayaa ku jawaabay inay jiraan dalal badan oo liiska ku jira balse uusan dooneyn
inuu haatan shaaciyo dalalkaas, sababo jira awgood.
Ilaa goorma
ayay aqoonsan karaan Somaliland? ayaa la weydiiyay madaxweynuhu.
“Dhawaan
ayay noqon kartaa”, ayuu ku jawaabay madaxweyne Cirro.
Dhanka kale,
waxaa madaxweyne Cirro wax laga weydiiyay inuu xiriir la leeyahay madaxweynaha Mareykanka iyo dowladda
Mareykanka markay timaado aqoonsi, waxaana uu sheegay in ay jiraan xiriiro ay
la sameeyaan iyagoo u mara wadooyin diblumaasiyadeed.
Wadamada
kale ee gobolka sida Itoobiya, Kenya iyo Imaaradka ayaa wax laga weydiiyay,
wuxuuna ku jawaabay inay iyaguna la sameeyaan xiriiro diblumaasiyadeed.
Itoobbiya ayaa muddo dheer xidhiidh la lahayd Somaliland, kaas uu koobnaa dhanka iskaashiyada amni iyo ganacsiga, marnaba ma gaadhsiisnayn heer aqoonsi rasmi ah, inkasta oo labada dhinacba qunsuliyado ku kala leeyihiin Hargeysa iyo Addisababa.
Mudnaan ma siinayaan Somaliland? aya la weydiiyay
"Haa, way u yihiin, waxaanan iyagana la leenahayxiriir oo furan", ayuu yiri madaxweynuhu..
Bishii January ee 2024 horraanteedii ayay ahayd markii soo heshiiskii isafgarad ee dhex maray Madaxweynihii hore ee Somaliland iyo raysalwasaaraha Itoiobbiya Abiy Axmed, kaas oo dhinacyadu sheegeen in qorshuhu yahay gaadhitaanka Itoobbiya ee badda oo Somaliland fudaydinayso iyo Itoobbiya oo dhankeeda iyana aqoonsanaysa Somaliland.