Arrin lama filaan ah: Muxuu yahya go'aanka hadal haynta dhaliyay ee uu qaatay wasiirka diinta ee Sacuudiga?

Wasiirka Diinta ee Sacuudiga

Xigashada Sawirka, BBC Arabic

Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Sacuudi Carabiya, Cabdulatif bin Cabdulcasiis Al Sheekh, ayaa hadal hayn ka abuuray baraha ay bulshada ku wada xiriirto, kadib markii uu amray in gabar loo magacaabo afhayeenka wasaaradda ee magaalada Makkah.

Wasiirka ayaa go'aankaas gaaray kadib markii uu ogaaday in Shahad Manshi ay aqoon ahaan xilkaas u qalanto isla markaana uga haboon tahay ninka jagadaas hayay oo bartay xisaabaadka.

Muuqaal si weyn ugu baahay baraha bulshada ayaa muujinaya wasiirka oo gabadhada da'da yar weydiinaya waxa ay baratay, kadibna amray inay la wareegto jagada uu hayay ninka iyada madaxda u ahaa.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Shahad oo sanadkii 2020 jaamacad ka qaadatay shahaadada koobaad, kuna takhasustay warbaahinta iyo samaynta muuqaalladda, ayaa wasiirka u soo bandhigtay waxqabadka waaxda ay ka tirsan tahay, waxaana uu la yaabay kartideeda.

Markii uu wasiirku ogaaday in gabadha uu madax u yahay nin aan baran culuunta warbaahinta, ayaa waxa uu amray in Shahad xilkaa loo dhiibo, halka Ibrahim Al-Zahrani oo xilkaa hayay loo bedalay xafiisyada wasaaradda ee Jiddah.

Shahad Manshi ayaa sidaa ku noqotay haweeneydii u horreysay ee afhayeen u noqota wasaaradda arrimaha diinta ee Sacuudiga, sida uu sheegay wargeyska dalkaas ka soo baxa ee Sabq.

Muran ka dhashay magacaabidda

Go'aanka wasiirka ayaa muran ka dhex abuuray baraha bulshada. Dadka qaar ayaa taageeray in jagadaas loo magacaabay qofkii ku haboonaa, halka kuwo kale ay su'aal ka keeneen habka loo maray magacaabidda.

Fayez al-Maliki oo kamid ah Sacuudiyiinta sida weyn u isticmaala Twitter ayaa bogaadiyay go'aanka wasiirka.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Xizam bin Rashid ayaa dhankiisa sheegay in inkastoo uu taageersan yahay awoodsiinta dumarka, haddana qaabka degdeg ah ee uu wasiirka go'aanka u gaaray uu yahay mid laga wanaagsan yahay.

Ka bood X boggan, 3
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 3

Shahad ayaa dhankeeda ku difaacday in wasiirka uu u magacaabo xilkaas.

"Waxaan khibrad wanaagsan u leeyahay warbaahinta, anigoo maqaalo kala duwan u soo qoray wargeysyo dhowr ah. Waxaan qaban qaabiyay munaasabado kala duwan iyo olole dhanka warbaahinta ah." ayay Shahad ku sheegtay waraysi ay siisay telefishinka Rotana Khalijia.

Sanadihii la soo dhaafay, dowladda Sacuudiga ayaa qaaday tallaabooyin ay ku xoojinayso dowrka dumarka iyo xorriyadaha ay leeyihiin.

Sanadkii 2018 ayay ahayd markii ay Boqortooyada u oggolaatay dumarka inay wadi karaan gawaaridda, taasoo meesha ka saartay xayiraad saarnayd sanado badan.