Putin oo wajahaya 'labo daran mid dooro' xilli uu sii fogaaday dagaalka Ukraine

Xigashada Sawirka, AFP
Wax kasta oo ay ka dhigantahay dabaalegyada maalinta guusha ee Ruushka, ma ahan guul quseysa dagaalka Ukraine, iyada oo aan xitaa loo eegin sawirka ay bixinayaan Putin iyo Aqalka Kremilinka sida uu maqaalkan ku faahfaahinayo falanqeeye dhanka amniga ah Michael Clarke.
Dagaalka Ukraine waa mid uusan Ruushku ku guulaysan karin marka laga eego dhinacyo kala duwan. Guulaha militariga shisheeye ee Putin uu ka gaaray caalamka 2008-dii waxaa sahlay adeegsiga cutubyo yar yar oo ka kooban ciidamo caan ah, oo ah calooshood u shaqeystayaal ah iyo kooxo maleeshiyaad maxalli ah oo garab ka helaya diyaaradaha Ruushka. Arrintaani waxay siisay Moscow awood weyn muddadii lagu guda jiro faragelintii Georgia, Nagorno-Karabakh, Suuriya, Liibiya, Mali iyo laba jeer oo Ukraine ah sanadkii 2014-ka oo ahayd markii ugu horeysay oo si sharci darro ah uu ula wareegay gobalka Crimea kadibna uu halkaa ka abuuray oo uu kaga dhawaaqay dawlad-goboleedka Ruushka ganac-saarka la leh Luhansk iyo Donetsk.
Xaalad kasta, Ruushku wuxuu ugu dhaqaaqay si degdeg ah oo naxariis la'aan ah oo Reer Galbeedka u suurtogalin weysay in ay ka jawaabaan , marka laga reebo cunaqabatayno tartiib tartiib ah , kuwaas oo aan qudhooda waxbo ka badelin xaqiiqda jirta. Putin waxa uu ku xeeldheeryahay in uu dhulka ka abuuro marxalado cusub.
Bishii Febaraayo wuxuu sameyay iskudaygii ugu weynaa oo uu ku doonayay in uu kula wareego guud ahaan dalka Ukraine muddo 72 saacadood ah, waliba waddan ay ku noolyihiin 45 milyan oo qof isla markaana haysta dhulka labaad ee ugu weyn Yurub. Waxay ahayd khamaar la yaab leh oo aan taxaddar lahayn waxayna gabi ahaanba fashilantay usbuucii ugu horreeyay ee muhiimka ahaa.
Putin hadda waxa uu haystaa fursado yar oo aan ahayn inuu horay u sii socdo si uusan dagaalkan u sii ballaaran - ha ahaado mid ka weyn Ukraine ama mid u sii gudba xuduudihiisa. Xaaladahan ayaana looga oddoros qaadan karaa waxa hadda taagan, Yurubna waxay gaartay waqti aad khatar u ah taariikhdeeda dhow.
Ka dib markii uu guuldareysatay Qorshaha koowaad ee ahaa in uu qabsado dowladda Kyiv, xitaa ka hor inta aysan ka jawaabin ciidamada madaxweyne Zelensky, ama dunida kale, Moscow ayaa si degdeg u hawlgalisay Qorshihii labaad . Tani waxay ahayd hab militari oo dheeraad ah si ay u hareereyso Kyiv isla markaana ay ugu dhib yaraato qabsashada magaalooyinka kale sida Chernihiv, Sumy, Kharkiv, Donetsk, Mariupol iyo Mykolaiv, balse sidii la moodayay wax uma dhicin oo wuxuu la kulmay iska caabin.
Tani, sidoo kale, waa ku guuldareysatay. Kherson ayaa ahayd magaalada kaliya ee ugu weyn ee hoos timaada maamulka Ruushka, waxaana tan iyo markaas sii wadday iska caabinta maamulka Ruushka. Xaqiiqdu waxay tahay in ciidamada Ruushku aad u yaraayeen si ay u maamulaan waddan sidaas u weyn; waxay sameeyeen tallaabooyin habacsan oo ay ugu wacantahay in si xun loo hogaamiyay waxaana lagu kala firdhiyey ilaa afar jiho oo kala duwan, min Kyiv ilaa Mykolaiv, iyada oo aan lahayn taliye guud.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidamada Ruushka waxay dagaal la galleen ciidamada Ukraine oo si wanaagsan u tababaran kuwaas oo doonayay in ay ka hortagaan weerarada Ruushka.Niyad-jabka, Ruushka gaaray wuxuu hadda ku qasbay inuu sameeyo "Qorshaha C", ama qorshaha saddexaad kaas oo ah inuu ka tanaasulo Kyiv iyo waqooyiga, oo halkii uu ku ururin lahaa dhammaan ciidammadiisa weerarro waa weyn oo ka dhacay gobolka Donbas iyo koonfurta Ukraine,malaha wuxuu diiradda saarayaa dhinacyo kale oo u arko in guushu jirto. Ataamaha muujinaya qorshahaan waxaa ka mid ah in dagaalka hadda loo weeciyay agagaarka bariga sida Izyum,Popasne, Kurulka iyo Brazhkivka.
Ujeeddooyinka muhiimka ah ee Ruushka waa in ay qaataan Slovyansk iyo, iyo in yar oo koonfurta, Kramatorsk ah. Labaduba waa qodobbo istaraatiijiyadeed oo muhiim u ah gacan ku haynta gobolka Donbas oo dhan.
Dagaalkuna waxa uu u gudbay weji ciidan oo ka duwan kii hore, waxaana gacan ka gaysanaya ciidamo gaashaaman,kuwo lug ah hub culus iyo cimilada lafteeda oo ah mid wanaagsan .Guul kasta oo milatari oo Ruushku gaaro oo la taaban karo waxay u badan tahay inay abuurto kacdoon weyn, oo furfuran oo ka sii weynaan doona tallaabooyin hore oo la qaaday.
Putin waxa uu sameyay bishii Febaraayo isaga oo wata Qorshaha A wax lagu tilmaamay hab aan suurta gali karin waxa uu doonayay. Fashilka arrintaas waxa uu ka dhigan yahay in qorshayaasha B, iyo C ama qorshayaasha xiga ay dhamaanayaan Ruushka oo jabay. Waxaana la leeyahay Ruushka waxaa hadda la gudboon in dagaalka uu siiw ado ama uu la yimaado qorshe kale oo ka badbaada fashil.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ilaa iyo inta Kyiv ku adkaysanayo go'aankeeda ah ka bixitaanka Ruushka waa in aan laga fikirin wax tanaasul ah ma jiraan wax badan oo Putin uu qaban karo,xaaladaha ayaa sii xumaanaya.Quwadaha reer galbeedku waxay sii wadi doonaan inay hub iyo lacag siiyaan Kyiv, mana qaadi doonaan cunaqabataynta xooggan ee Ruushka waqti dhow. Marka ku tiirsanaanta tamarta Yurub waxyeello ayay gaarsiin doontaa,Ruushku. Mareykanka iyo Yurub-na waxay gaari doonaan heer laga maarmo Ruushka.
Ma jirto hab dib loogu noqdo Vladimir Putin shakhsi ahaan, waxaana laga yaabaa in xitaa lagu soo oogo dambi dagaal. Istaraatiijiyaddiisa siyaasadeed ee kaliya ayaa ah in dagaalka Ukraine uu u yeelo waji kale - qayb ka mid ah halganka loogu jiro badbaadada Ruushka ee ka dhanka ah "Naasiyiinta" iyo reer galbeedka oo doonaya in la helo fursad ay hoos ugu dhigaan Ruushka, ayaa horseedi karta caqabado kale.
Fikradda ka dambeysa dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine waxaa loo arkaa khatar uu Ruushku faraha la galay. Wuxuu u muuqdaa Madaxweyne Putin mid sheegan doona dhamaadka dagaalkaan inuu ifka ku arko dhamaadka god aad u madow oo dheer oo uu dalkiisa ku hagay.














