Saraakiil Taliban ka tirsan oo heeso iyo qoob ka cayaar ugu dabaal degay Ciidda

طالبان

Xigashada Sawirka, Social media

Qoraalka sawirka, Muran ayaa ka dhashay muuqaal ku saabsan qoob ka cayaarka Pashtun ee Afghanistan laga yaqaanno oo lagu qabatay meel u dhow taallada Ahmad Shah Massoud
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Afhayeenka dowladda Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in muuqaalka la sheegay inay ka soo muuqdeen dagaal-yahannada Daalibaan oo qoob ka cayaar ku sameysanaya meel u dhow qabriga Axmed Shaah Mascuud ee gobolka Panjshir uusan ka mid ahayn siyaasadda Daalibaan.

Maalinnimadii dorraad aheyd ayaa gobolka Panjshir ee dalka Afghanistan waxaa ka dhacday in ilaa 20 askari oo ka tirsan Daalibaan ay u dabaal degeen maalinta Ciidul Fitriga halkaas oo ay ciyaaro iyo heeso ku qabsadeen iyagoo qaadayey heesaha Bashtuuga korna u qaadayey.

Waxay u ekeyd wax iska fudud laakiin dad reer Afghanistan ah oo fara badan siiba kuwa ka soo jeeda Tajik waxaa muuqaalladaas lagu arkayey qabriga Axmed Shaah Mascuud oo ahaa qof aad loo yaqaan kuna caan ahaa siyaaiyiinta Tajik dhexdooda isla markaana ahaa hoggaamiye militari kana magac dheraa Daalibanka Dooxada Panjshir oo ahayd meel ay u babacdhigi waayeen Daalibaan.

Axmed Shaah Mascuud oo loo yaqaannay Libaaxii Panjshir ayay ururka Al-Qaacida qarax ku dileen sanadkii 2001.

Arrintan waxaa aad u cambaareeyey ururka Daalibaan

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Axmed Shah Mascuud

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Axmed Shah Mascuud, 2009

Axmed Shaah ayaa la shaaciyay inuu yahay geesi qaran taas oo ay ku dhawaaqday dowladda Afghanistan. Labaatankii sano ee la soo dhaafay kumannaan dad ah ayaa sanad kasta booqanayay qabrigiisa.

Amrullah Saleh, oo sanado badan la soo shaqeeyay Axmed Shaah, ayaa muuqaalkaas ku tilmaamay mid "sharaf dhac ah" wuxuuna qoray: "Ma dhammaan, balse arrintu weli way sii kululaaneysaa."

Falcelinta ka dhalatay

فائل فوٹو

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ahmad Shah Masood wuxuu ahaa taliyihii xoogagga iska caabbinta Taliban

Mohammad Haleem Fidai, oo dhowr gobol oo dalkaas ka tirsan barasaab ka soo noqday, ayaa sheegay in arrintaas ay ka soo horjeeddo dhaqanka Afghanistan iyo diintaba.

Sida uu qabo, "ficillada noocan ah ayaa kicinaya takoor isir ku saleysan isla markaana ay dhaawaceyso midnimada dadka dalkaas lagana yaabo inay huriso colaad sokeeye."

such actions incite racial prejudice. It is the plan of the anti-Afghan circles to further damage the unity of the Afghans and prepare the ground for a fierce civil war.

Wuxuu ka hadlayay muuqaalka fannaan ka soo jeeda qowmiyadda Tajik oo ku heesaya meel u dhow qabriga Axmed Shaah Mascuud. Karzak waa mid ka mid ah heesaha ugu qadiimsan gobolka Panjshir, waxayna caan ka yihiin gudaha qowmiyadda Tajik.

Zabihullah Mujahid, oo ah afhayeenka dowladda Daalibaan, oo muuqaalkaas daqiiqad iyo bar ah ka falcelinayay ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray: "Arrintii dhowaan ka dhacday Panjshir ma aha siyaasadda Dowladda Islaamiga ah mana aha wax la oggol yahay."

"Xubnaha jihaad doonka ah waa lagu tixgeliyaa gudaha Dowladda Islaamka in lagu tacaddiyo meytadana ma aha mid gebi ahaanba la oggol yahay mana oggolaan doonno ficillada noocan ah," ayuu yiri.

Taariikhda Dooxada Panjshir

فائل فوٹو

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Panjshir waxaa lagu yaqaannaa 'inay aad isaga caabbisay' Taliban

Dooxada ayaa ku fidsan ilaa 75-mayl (120km) - koonfur-galbeed ilaa waqooyi-bari ee dhanka waqooyi caasimadda Afghanistan ee Kab

Waxaa lagu ilaaliyaa buuraha dhaadheer - oo kor u kacaya 9,800ft (3,000m) oo ka sarraysa dooxada. Waxay yihiin xannibaad dabiici ah oo weyn - dhanka kalena waa hab badbaadineed oo ay miciinsadaan dadka halkaas ku nool.

Waxaa jiro hal waddo oo cidhiidhi ah, taas oo sii maraysa inta u dhexeysa dhagaxyo waaweyn iyo Webiga Panjshir.

"Waxaa jiro dhinac khuraafaad ah oo ka jira aagga oo dhan. Ma ahan dooxo oo kali ah. Markaad gasho waxaa jira ugu yaraan 21 dooxyo hoose ah oo isku xiran," ayuu yiri Shakib Sharifi, oo halkaas ku noolaa xilligii uu carruurta ah, laakiin ka tagay Afghanistan, ka dib markii Taliban gacanta ku dhigtay.

"Taariikh ahaan, Dooxada Panjshir waxaa lagu yaqaanay macdan-qodis - oo ay ku jiraan dahabka qaaliga ah," ayay tiri Elisabeth Leake, oo taariikhda caalamiga ah ka dhigta Jaamacadda Leeds ee UK.

Maanta, dooxada waxay leedahay biyo-xidheenno koronto ku shaqeeya iyo beeraha dabaysha.

Maraykanka wuxuu gacan ka geystay dhismaha waddooyinka ee goobtaas. Xaruntii hore ee cirka ee Mareykanka ee Bagram - oo markii hore ay dhiseen Soofiyeetyadii 1950 meeyadii - sidoo kale waxay masaafo gaaban u jirtaa afka dooxada.

Waa dad 'Geesiyiin ah'

Inta u dhaxaysa 150,000 iyo 200,000 oo qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku nool yihiin dooxada. Badankoodu waxay ku hadlaan luqadda Daari - oo ka mid ah afafka ugu waaweyn Afgaanistaan - waxayna ka soo jeedaan qowmiyadda Tajik.

Qowmiyaddan Tajik waxay ka yihiin qiyaastii rubuc dadka Afgaanistaan oo ah 38 milyan oo qof - laakiin dadka Panjshir ma eegaan dhinaca Tajikistan, oo ka mid ah dariska waqooyiga Afghanistan. Taas beddelkeeda waxay leeyihiin aqoonsi deegaan oo u gaar ah.