Maxaa laga yeelayaa 18-kii xaas ee uu ka tagay boqorkii caanka ahaa ee dhawaan ku geeriyooday Nigeria?

Xigashada Sawirka, ALAAFIN OBA ADEYEMI III
Intii uu noolaa, Boqor Alaafin Oba Adeymi III, wuxuu qabay dhowr xaas - guud ahaan 18 ayaa la diiwaan geliyay. Wararka kala duwan ee la helayo ayaa tibaaxaya in inta badan raggii booqashada tacsida ah ku tagay qasriga ayaa waxa ay tageen iyagoo ka walaacsan xaasaska uu ka tagay boqorka.
Dhaqanka Yorùbá, waxaa la aaminsan yahay in nin aan loo ogoleyn inuu guursado naag uu horay boqor u soo guursaday, gaar ahaan kuwa ugu caansan sida Alaafin.
Kooxda BBC News Yoruba waxay waraysteen odayaasha si ay u ogaadaan halka ay ku danbeeyeen 18-kan xaas oo u badan hablaha da'da yar ee uu Alaafin ka tagay.
Dhaqanka Obo'ee garoobada

Xigashada Sawirka, ALAAFIN OBA ADEYEMI III
Sida laga soo xigtay oday dhaqameedyo la kala yirahdo Baba Araba oo ku sugan gobolka Osun, iyo Chief Ifayemi Elebuibon, boqoradaha waa inay raacaan dhaqanka "opo", ee ah in carmallada ku guursadaan gudaha Yorubaland marka uu nimankooda ka geeriyoodo.

Xigashada Sawirka, ALAAFIN OBA ADEYEMI III
Hase yeeshee waa in marka hore ay is daahiriyaan kana soo baxaan shuruudaha kala ah in inta mudda ah ay ka dhawrsadaan goobaha dadweynaha isugu yimadaan iyo sidoo kale inaysan ka soo qeyb gelin minaasabadaha markaas ka dib ayay guursan karaan.

Xigashada Sawirka, ALAAFIN OBA ADEYEMI III
Elebuibon waxa uu xusay in boqoraduhu ay xor u yihiin in ay ka baxaan qasriga ka dib marka ay sameeyaan cibaadada opo, laakiin waa in ruuxa la nadiifiyaa ka hor intaysan guursan nin kale.
Waxa uu sharaxay in boqoraduhu ay tahay in ay maraan daahirin ruuxi ah si ay uga takhalusaan xuquuqda Alaafin ka hor inta uusan nin kale xaq ku yeelan.

Xigashada Sawirka, ALAAFIN OBA ADEYEMI 111 FACEBOOK
Waxa uu intaa ku daray in kuwa go'aansada in ay qasriga ku sii sugnaadaan ay hanti u noqon doonto cid kasta oo noqota boqorka cusub.
Sidoo kale, Adimula oo ka tirsan Ila Orangun, ayaa sheegay in dhammaan xaasaskii uu ka geeriyooday boqorka ay soo mareen caadooyin qaar, ka hor inta uusan guursan boqorka, sidaas darteedna ay tahay in la mariyo nidaamkaas ka hor inta uusan nin kale.














