Ranbir Kapoor: Jilaaga caanka ah ee arooskiisa laga dhursugayay oo ugu dambeyn guursanaya

रणबीर कपूर आलिया भट्ट

Xigashada Sawirka, Universal PR

Published

Warkii ay muddo badan sugayeen ayaa loo sheegay taageerayaasha jilaaga Bollywood-ka, Ranbir Kapoor iyo atariishada Alia Bhatt, warkaas oo qof walba uu u kulaa inuu maqlo.

Dadka ayaa ka hadlayay guurka Ranbir iyo Alia muddo afar sano ah, balse haatan labada jilaa ayaa arrintaas soo afjaray.

Ranbir iyo Alia ayaa ugu dambeyn is guursanaya. Caado-dhaqameedka arooska ee labadan jilaa ayaa bilowday maanta.

Caadooyinka arooska ayaa billowday

Hooyada Ranbir Kapoor oo ah aktarad caan ah, Neetu Kapoor, iyo dhammaan qoyska ayaa diyaarinaya xafladda arooska.

Ranbir Kapoor walaashiis Riddhima Kapoor Sahni iyo dumaashigeed Bharat Sahni ayaa ka soo duulay Delhi iyagoo gaaray Mumbai. Caadooyinka arooska ayaana lagu bilaabay macbadka.

Qoyska Kapoor ayaa maanta caadada loo yaqaanno puja ku sameeyay Dhismaha Vastu ee magaaladaas.

Dhismahan, ayuu Ranbir Kapoor kaga nool yahay dabaqa siddeedaad halka Alia Bhatt ay ka deggan tahay dabaqa shanaad.

Qoyska Kapoor iyo dad u dhow qoyska Bhatt ayaa ka qeyb qaadanaya arooska. Cillaan-saarka loo yaqaanno Mehndi ayaa sidoo kae caawa la dhammeystirayaa. Kaddib Mehndi, waxaa jiri doona munaasabadaha Haldi iyo Sangeet.

पाली हिल स्थित वास्तु बिल्डिंग में चल रहा मेहंदी समारोह

Xigashada Sawirka, Madhu Pal/BBC

Qoraalka sawirka, Xafladda Mehndi oo ka socota Dhismaha Vastu ee xaafadda Pali Hill

Dib u dhaca aroosyada Bollywood-ka

Mar walba oo laga hadlayo arooska jilaayada Bollywood-ka, waxaa mar walba dib loo dhigaa taariikhda arooskooda. Hore, waxay sidaas ugu dhacday guurka Deepika Padukone, Ranveer Singh haddana Katrina Kaif iyo Vicky Kaushal. Haddana waxay taas ku dhacday guurka Ranbir iyo Alia.

Dhowaan, Neetu Kapoor oo xaakim ka ahayd bandhig qoob ka cayaarka lagu soo bandhigayay, ayaa wax laga weydiiyay guurka Ranbir iyo Alia, waxayse sheegtay inaysan wax war ah ka heyn.

Kleiya maaha Neetu ee mar Alia qudheedawax laga weydiiyay xilliga guurkeeda dhacay waxay tiri, "Waxaan u maleynayaa inay dadku u baahan yihiin inay xoogaa ka nastaan. Sanadkii hore Bollywood waxaa ka dhacay labo aroos oo qurux badan. Waxaan u maleynayaa inay tahay inaan hadda nasanno xoogaa, daawanno aflaanta, filimaanta jilno wixii kalena waa la arki doonaa."

रणबीर कपूर आलिया भट्ट

Xigashada Sawirka, Getty Images

Jawaabta Ranbir ee guurkiisa

Alia Bhatt iyo Ranbir ayaa marar badan lagu arkay iyagoo jaceylkooda ku muujinaya goob abaal-marin lagu bixinayay balse labadooduba marnaba kama aysan hadlin xilliga guurkooda uu dhici doono.

Dhowaan, markii Ranbir Kapoor wax laga weydiiyay guurkiisa, wuxuu yiri, "Ma waalni oo taariikhda kama sheegayo warbaahinta, balse waxaan idiin sheegi karaa in aniga iyo Alia aan is qabno. Waxaan qorsheyneynaa inaan is guursanno. Waxaan rajeynayaa inay mar dhow dhacdo."

मेहंदी समारोह में पहुंचने से पहले रणबीर की मां नीतू कपूर

Xigashada Sawirka, Madhu Pal/BBC

Qoraalka sawirka, Hooyada Ranbir, Neetu Kapoor

Sida uu ku billowday jaceylka Ranbir iyo Alia

Jaceylka ay Alia u heyso Ranbir qalbigeeda ayuu ku weynaa kahor inta aysan bilaabin xirfadda wax jilidda, waxayna markii ugu horreysay jacaylkeeda ku sheegtay bandhigga soo saaraha Karan Johar ee 'Koffee with Karan'.

Alia Bhatt ayaa aad u jecleyd Ranbir. Alia Bhatt ayaa markii ugu horreysay sanakii 2018 qiratay in jaceylkii keliga ku ahaa uu noqday mid ay isla hayaan Ranbir Kapoor.

मेहंदी समारोह में पहुंचने से पहले आलिया के पिता महेश भट्ट और बहन पूजा भट्ट

Xigashada Sawirka, Madhu Pal/BBC

Qoraalka sawirka, Aabbaha Alia Mahesh Bhatt iyo walaasheed Pooja Bhatt

Labadan jilaa ayaa markii ay isla dhigeen filin, waxaa qalbiyadooda biya dhigay jaceylkii ay isku qabeen. Qofna ma uusan fileyn laakiin in arrintooda ay guur ku dambeyn doonto. Sababtuna waa inaan la ogeyn amaba aysan labadan jilaa shaacin taariikhda guurkooda.

Dadku waxay u heysteen inaysan labadan is guursan doonin, balse guurkooda keliya kama uusan yaabin warbaahinta ee wuxuu xitaa dhakafaar ku noqday taageerayaashooda.

Ranbir iyo Alia ayaa iskala soo shaqeeyay horudhaca filimaan badan, balse guurkooda kaddib ayay qorsheynayaan inay filin isla dhigaan.