You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Duullaanka Ruushka: Waa kuma sarkaalka Maraykanka u qaabilsan hub gaarsiinta Ukraine?
Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa jenaraal hawlgab ah u magacaabay isu duwidda kaalmada milateri ee uu dalkaas siinayo Ukraine.
Jenaraal Terry Wolff oo dhawaan kamid noqday Golaha Ammaanka Qaranka Maraykanka ayaa khibrad u leh hawsha loo igmaday, sida ay sheegeen dadka aqoonta u leh.
"Waxa uu taliye kuxigeen u ahaa isbahaysigii jebiyay Daacish. Waa qofka ugu wanaagsan ee lagu aamini karo hawshan," ayuu sarkaal aan magaciisa la shaacin u sheegay telefishinka CNN.
Maraykanka ayaa doonaya in Ukraine ay hesho hub ku filan xilligan oo uu meel adag marayo duullaanka Ruushka, isla markaana ciidamadiisa ay dagaal saf ballaaran ah ka wadaan bariga iyo koonfurta dalkaas.
Ruushka ayaa todobaadkii hore si rasmi ah ugu digay Maraykanka iyo xulafadiisa hubka ku taageera Ukraine.
Qoraal diblomaasiyadeed oo ay Moscow u dirtay Washington, oo nuqul kamid ah ay darseen warbaahinta Maraykanka ayaa lagu sheegay in hubka lagu taageero Ukraine ay ka dhalan karto "cawaaqib aan la saadaalin karin".
"Hubka ay Maraykanka iyo xulafadiisa NATO siinayaan Ukraine waxa uu sii hurinayaa dagaalka, waxaana ka dhalan karta cawaaqib aan la saadaalin karin," ayaa lagu sheegay warqadda labada bog ah ee uu Ruushka diray.
Qoraalka oo la diray Talaadadii ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Maraykanka uu taakulo milateri oo dhan 800 oo milyan oo dollar uu u dirayo Ukraine. Waxaa hubkaas kamid ah madaafiicda goobaha fog duqeeya, si xukuumadda Kyiv ay ugu babac dhigto awoodda milateri ee Ruushka.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegay in digniinta Ruushka loo fasiran karo in kaalmada milateri ee la siiyay Ukraine ay wax badan ka tartay furimaha dagaalka.
Kaalmada milateri ee Maraykanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay gaarto Ukraine, xilli ciidamada Ruushka ay isku urursanayaan bariga dalkaas si ay duullaan ballaaran ugu qaadaan gobolka Donbas todobaadyada soo socda.
Tan iyo markii uu bilowday duullaanka Ruushka, Maraykanka ayaa dhaqaalo dhan 3 bilyan oo dollar ku bixiyay taakulada milateri ee uu siiyo Ukraine.
Duqeyn nukliyeer ah
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa todobaad ka hor sheegay in caalamka uu u toog hayo suuragalnimada ah in Ruushka uu duqeyn nukliyeer ah u adeegsan doono dalkiisa.
Zelensky oo u warramay telefishinka CNN ayaa sheegay in walaac xooggan uu ku abuuray hadal uu sheegay agaasimaha CIA oo tilmaamay in Ruushka uu si xeeladaysan hubka nukliyeerka ugu adeegsan karo colaadda Ukraine.
"Ma aha mid ii gaar ah, balse waa walaac uu qabo caalamka oo dhan. Waxaa suuragal ah in xogtaas ay dhab tahay ama ay noqon karto mid been ah," ayuu yiri Madaxweynaha.
"Ma aha in aan cabsanno ee waa in aan diyaargarowno. Arrintan uma taallo Ukraine oo keliya ee waxa ay khuseysaa caalamka oo dhan,"ayuu hadalkiisa raaciyay.
Bishii la soo dhaafay, afhayeenka Kremlin ayaa sheegay in Ruushka uu adeegsan doono hubkiisa nukliyeerka ah marka uu dareemi khatar ku aaddan jiritaanka dalkiisa.
Mar wax laga weydiiyay Madaxweyne Zelensky markabka dagaal ee Ruushka laga dejiyay - Moskva - ayaa waxa uu ku jawaabay inuu ahaa khatar waxyeelo badan u gaysatay dalkiisa.
"Mar kasta oo uu yaraado hubka uu Ruushka ku weerarayo dalkeena, waa mid noo wanaagsan," ayuu yiri madaxweynaha.
Waxa uu tibaaxay in ugu yaraan 3,000 oo askari ay dalkiisa uga dhinteen dagaalka tan iyo markii uu Ruushka billaabay duullaanka, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo 10,000 oo askari.
Ukraine ayaa dhowr jeer sheegtay in Ruushka ay ka dishay askar kumannaan ah, sheegashadaas oo aan si dhab ah loo xaqiijin.