Saddex arrimood oo ku khasbi karta NATO inay ku biirto dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Published

Wasiirada arrimaha dibadda gaashaan buurta Nato ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay ku shirsanaa magaalada Brussels iyaga ka wada hadlay inta uu gaarsiisan yahay hubka militeri ee la siiyay Ukraine.

Caqabadda hesytay Nato intii uu socday dagaalka ayaa ah dalka Ukraine ay u siin lahaayeen taageero militeri oo ku filan iyada oo faraha lala gelin colaadda isla markaana ay isku arkaan inay dagaalka kula jiraan Ruushka.

Dowladda Ukraine waxay caalamka ka codsatay kaalmo dheeraad ah.

Haddii ay jirto fursad kasta oo looga hortaggayo weerarada la filayo in Ruushka uu ku qaado gobolka Donbas ee bariga Ukriane, markaa waxaa si deg deg ah loogu baahan yahay in mar kale la siiyo hubka reer galbeedka ee lidka gantaallada ee Javelin iyo Hubka NLAW, Stinger iyo lidka taangiyada ee Starstreak iyo gantaallada lidka diyaaradaha, ayay tiri Nato.

Ukraine waxay doonaysaa inay hesho taangiyo, diyaarado dagaal, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada lidka ah ee ilaalinayo hawada sare si ay uga hortagaan dqeymaha Ruushka iyo gantaalada riddada dheer kuwaas oo si joogto ah u xaalufinaya kaydka istiraatiijiga ah ee Ukraine ee shidaalka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah.

Dad badan ayaa isweydinayaa, Nato ma dib ayay u guraneysaa?

Su'aasha waxay tahay in laga cabsanayo in xaaladdu ay farah ka baxdo.

Halista ah in Ruushka uu adeegsado gantaal nukliyeer ah ama in dagaalka uu ku baaho Yurub waa arrinta ay ka fakaraayaan madaxda reer galbeedka.

Kaalmada uu reer galbeedka uu Ukraine siiyay

  • In ka badan 30 dal ayaa taageero militeri siiyay Ukraine oo ay kamid yihiin , £800m lacagta giniga ah uu Midowga Yurub siiyay iyo $1.7bn doolar uu Mareykanka ugu deeqay.
  • Hubka Javelins oo garabka la saato ee lidka taangiyada ah.
  • Hubka Stingers ee lidka diyaaradaha kaas oo si weyn loogu isticmaalay Afghanistan xilli dagaalkii Soofiyeet.
  • Hubka Starstreak ee lagu ilaaliyo hawada, waxaana ugu deeqay UK.
  • Dalalka Nato waxay ka baqayaan in haddii Ukraine ay ugu deeqaan hubka culus sida taangiyada iyo diyaaradaha dagaalka ay noqon karto in dagal uu kula jiro Ruushka.
  • Dalka Czech Republic wuxuu ugu deeqay Ukraine taangiyada T72 tanks.

Madaxweyne Putin waxa uu dunida u diray farriin ah in uu heysto hubka Nukliyeerka isla markaana uu heegan geliyay ciidamadiisa u qaabilsan Nukliyeerka.

"Ruushka wuxuu heystaa hub nukliyeer oo aad u weyn marka ha u maleynina in aad na riixi kartaan" ayuu yiri Putin.

Mabaadii'da militeriga Ruushka ayaa u ogaalanaya inay goobaha dagaalka ay ku adeegsan karaan taatikada madaxdyada Nukliyeerka, waxay og yihiin in reer galbeedka uu neceb yahay isticmaalka Nukliyeerka kaas oo aan la adeegsan muddo 77 sano ah.

Saraakiisha qorshaha istaraatiijiyadda u qaabilsan Nato ayaa ka walaacsan in mar haddii la jabiyo xayiraadda nukliyeerka, xitaa haddii waxyeelladu ay ku kooban tahay bartilmaameedka maxalliga ah ee goobaha dagaalka ee Ukraine, markaa khatarta ah in ay sii korodho masiibo nukliyeer ah oo u dhexeeya Ruushka iyo reer galbeedka ayaa si lama filaan ah usoo ifbixi kartaa.

Haddaba dagaalka Ukraine iyo Ruushka ma isku baddali doono mid ku baaha Yurub oo ay Nato kusoo biirto?

Waxaa jiraa waxyaabo dhowr ah oo ka dhax guuxayo maskaxda wasiirada gaashaandhigga ee reer galbeedka oo ku saabsan dagaalkan.

Waxaana kamid saddexdan qodob:

1. Gantaalka lidka maraakiibta ay Nato siisay Ukraine isla markaana ay ganeen ciidamada Ukraine ayaa ku dhacay Odesa kaas oo la dagay markab dagaal uu Ruushka leeyahay xilli uu marayay badda madow, waxaana ku dhintay ku dhawaad 100 badmaaxiin ah iyo tiro kamid ah ciidamada badda, khasaaraha intaa la'eg wuxuu ka dhashay hal gantaal, Putin ayaana cadaadis lagu saari doonaa in uu jawaab ka bixiyo.

2. Gantaallada Ruushka ayaa ku habsaday kolonyo baabuur ah oo siday saanad militeri kaas oo ka soo gudbayay waddan Nato ah, sida Poland ama Slovakia, kuna wajahnaa Ukraine. Haddii uu khasaare kasoo gaaro dhinaca Nato, taas oo horseedeysaa in dhammaan dalalka Nato ay difaacaan dalka la weeraray sida uu dhigayo qodobka 5-aad ee xeerka gaashaanbuurta Nato.

3. Xilli uu dagaal ba'an ka socdo gobolka Donbas, wuxuu qarax ka dhacay warshad ku taalla halkaas, waxaana ka dhashay in suntii kimikada ah ay meelo qabsatay, wax dhimasho ah lagama soo tebin dhacdadaas, Laakin haddii khasaare uu dhalan lahaa sida dhibaatadii lagu arkay isticmaalka gaaska sunta ah ee Suuriya ee Ghouta iyo haddii la ogaado in ay si ula kac ah u geysteen ciidamada Ruushka, markaas Nato waxa ay ku qasbanaan lahayd in ay ka jawaabto.

Waxaa macquul ah in mid ka mid ah xaaladahaas aysan dhicin.

Laakin in kasta oo waddamada reer galbeedku ay soo bandhigeen midnimo naadir ah oo oo ka dhan ah duulaanka Ruushka ee Ukraine laakin waxaa jiraa talooyin ah inay ka falceliyaan arrinta balse ay ka fakarin halka ay wax ku dambeyn doonaan.

Wararka dagaalka Ukraine ee kale