You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Geerida Madaxweynihii Kenya: Saddex qaab oo uu Mwai Kibaki u saameeyay siyaasadda Soomaaliya
Madaxweynihii saddexaad ee Kenya, Mwai Kibaki, ayaa geeriyooday isagoo da'diisu tahay 90 jir. Waxaa lagu xusuustaa sidii uu u kobciyay dhaqaalaha dalkiisa, gaar ahaan dhismaha wadooyinka. Dhanka kale, doorashadii muranka dhalisay ee lagu eedeeyay inuu ku shubtay dhammaadkii 2007 ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 1100 oo qof.
Mwai Kibaki waxa uu ahaa nin si weyn looga yaqaanay Afrika, maadaama uu hannaanka dowldanimada ku soo jiray in ka badan 44 sano.
Intii uu xilka hayay, waxa aad loogu xusuustaa saddex arrimood oo wax weyn ka bedalay siyaasadda Soomaaliya. Waxa ay kala yihiin:
Shirkii nabadeynta Embagathi
Inkastoo uu Madaxweynihii xilka uga horreeyay ee Daniel arap Moi soo billaabay shirka nabadeynta Soomaaliya oo 2002 lagu qabtay magaalada Eldoret, haddana Kibaki ayaa ka miro-dhaliyay sanadkii 2004, xilligaas oo deegaanka Embagathi ee caasimadda Nairobi lagu dhisay Dowladdii Kumeelgaarka ahayd ee uu Madaxweynaha ka noqday Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed.
Shirkaas waxaa garwadeen ka ahaa urur goboleedka IGAD, waxaana uu taageero buuxda ka haystay Qaramada Midoobay. Waxaa isla shirkaas Embagathi ka dhashay hannaanka Federaalka ah ee maanta ka jira Soomaaliya. Nairobi ayaa muddo xarun u ahayd dowladdii Cabdullahi Yuusuf, ka hor inta aysan u guurin magaalada Jowhar bishii July 2005.
Duullaankii Kenya
Dabayaaqadii 2011, ciidamada Kenya ayaa gudaha u galay Soomaaliya hawlgal lagu magacaabay "ilaalinta dalka". Xukuumadda Nairobi oo uu hogaaminayay Mwai Kibaki ayaa xilligaas ku dooday inay dalkeeda ka difaacayso "cadowga Al-Shabaab".
Waxaa lagu tilmaamay hawlgalkii ugu ballaarnaa ee ay ciidamada Kenya dibedda waddankooda ka fuliyaan tan iyo markii uu dalkaas xorriyada qaatay 1963.
"Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliya inay gacan naga siiyaan nabad ku soo dabaallida dalkooda.... Waxaan caalamka u sheegaynaa in aan duullaan ku ahayn Soomaaliya," ayuu 2011 sheegay Mwai Kibaki.
Hase yeeshee Madaxweynihii dowladda kumeelgaarka ahayd, Shariif Sheekh Axmed, ayaa xilligaas sheegay inuu diiddan yahay in ciidamada Kenya ay galaan gudaha Soomaaliya.
Qaar kamid ah khubarada arrimaha siyaasadda ayaa xilligaas tilmaamay in Sharif uu diidanaa qorshe ay rabtay Kenya oo ahaa inay ku dhisto maamul Jubaland oo difaac uga noqda dhibaatada ka taagan Soomaaliya inteeda kale.
Walaaca uu qabay Madaxweyne Sharif waxaa sidoo kale muujiyay ra'iisal wasaarihii xilligaas, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo sheegay "Ma jiro heshiis aan Kenya kula galnay in ciidamadeeda ay gudaha u galaan Soomaaliya."
Ciidamada Kenya ayaa bishii November 2011 ku biiray hawlgalkii AMISOM ee hadda loo bedalay ATMIS.
Dhismaha Jubaland
Ka hor duullaankii 2011, waxaa soo baxayay warar sheegayay in Kenya ay wadatay qorshe ahaa inay gobollada Jubooyinka iyo Gedo ka samayso maamul ka xigsada dhibaatada iyo colaadda ka taagan Soomaaliya inteeda kale.
Xogta ah in Kenya ay lahayd damaca Jubaland ayaa waxaa lagu soo bandhigay barta Wikileaks ee lagu faafiyay macluumaadka ay sirdoonka iyo safaaradaha Maraykanka ururiyeen.
Xogta ay baahisay barta Wikileaks ayaa lagu sheegay in wasiirkii arrimaha dibedda ee Kenya, Moses Wetangula, uu arrinta dhisidda Jubaland ku soo hadal qaaday Karl Wycoff oo markaas ahaa kuxigeenka kaaliyaha arrimaha Afrika ee Maraykanka.
Ciidamada Kenya oo gacan ka helayo maleeshiyada Raas-Kambooni ee uu hogaamin jiray Madaxweynaha haatan ee Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa 28-kii September 2012 waxa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhowr goor Kenya ku eedeeyay inay faro-gelin ku hayso arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Jubaland.