You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mohammed Dewji: Taajirka Tanzaniya u dhashay waxaa la afduubtay Khamiistii la soo dhaafay
Booliska dalka Tanzaniya ayaa shaaca ka qaaday nooca baabuurka loo adeegsaday Afduubka nin Milyandheerka ee U dhashay Tanzaniya oo la la'yahay tani iyo Khamiistii hore.
Dambi baaraha guud ee Booliska Dar es Salaam Geranaal Simon Siro wuxuu sheegay Jimcaha maanta oo ku beegan 19-ka October iney Boolisku ka sal gaareen gaariga Afduubka looga geystay Mohamed Dewji .
Taliyaha oo shir jaraa'id ku qabtay xaruunta Booliska ee Dar es Salaam wuxuu sheegay in gaariga Afduubka loo adeegsaday laga leeyahay waddan Deris la ah Tanzaniya balse waa uu ka gaabsaday inuu carrabka ku dhufto dalkaasi.
Mr Sirro wuxuu warfidiyeennada uu tusay sawirka gaariga afduubka loo adeegsaday uu midabkiisu yahay madow buluug xiga, xariijimaha midabka qalinka ahna dhexda ku leh. Wuxuuna gaarigu dalka soo galay ayuu yiri 1-da September 2018-ka.
Taliyuhu sida oo kale ma sheegin gaariga halka uu dalku ka soo tallaabay, waxaana gaariga waday nin magaciisa lagu sheegay Obasanjo Zacharias Junior.
Sirro waxaa kale oo uu sheegay Caamerada waddooyinka ee CCTV in laga helay gaariga lambarkiisa taarikada oo ah AGX -404 MC wuxuu gaarigu soo maray Waddooyinka Xaylasillaase, Ally Hasan Mwinyi, Kimeri, Maandazi iyo Mwai Kibaki ilaa uu gaariga Camerada ka qarsoomay marka uu soo gaaray Isgooyska Kawe.
Sirro waxa uu qirtay in ninkaasi Bilyandheerka ah laga afduubtay magaalada Oyster Bay, magaaladaasi oo ay waddooyinkeeda Cammerada CCTV ay ku rakibneed xogta ay Cammerada ka heleen Boolisku waxay u suura gelisay iney aqoonsadaan nooca gaariga, dalka laga leeyahay iyo cidda wadatayba.
"waxaana baadi goobka aan ugu jirno Mohammed Dewji waxaa nagala shaqeyn haya ayuu yiri Booliska ka hortagga dambiyada caalamiga ee Interpol."