Mwende Mutiso "Hal naas oo la iga gooyay micnaheeda ma aha in aan ka tagay dumarnimadii"

Mutiso waa haweeney faraxsan inkastoo laga gooyay hal naas

Xigashada Sawirka, MWENDE MUTISO

Qoraalka sawirka, Mutiso waa haweeney faraxsan inkastoo laga gooyay hal naas
Published

Marka aad la kulanto Mwende Mutiso, waxaad la yaabeysaa sida ay u faraxsan tahay, una dhoolla caddeyneyso, iyadoo sheekada ku saabsan nolosheeda ay tahay mid aad u murugo badan.

Xilli ay da'deedu ahayd 23 sano ayaa Musito waxaa ku dhacay cudurka kansarka naasaha. Mid ka mid ah horaaddadeeda ayuu saameeyay.

"Markii la ii sheegay inaan qabo kansarka naasaha, way igu adkaatay inaan rumeysto natiijada. Waxaan aaminsanaan jiray in kansarka naasaha uu ku dhaco oo kaliya dumarka da'doodu gaartay 40 sano iyo ka badan, waxaan is dhahay siduu gabar da' yar ugu dhici karaa cudurkaas? Balse taas ayay ahayd sababta keentay inaan fikirkeyga baddalo. Inta ka harsan nolosheyda," ayay tidhi Mwende.

Natiijada ku saabsan inay cudurka qabto waxay heshay sanadkii 2016-kii, iyada iyo waalidiinteeana waxay go'aansadeen in ay isbitaallo kale ka hubsadaan waxa loo sheegay. Balse baaritaannadii oo dhan waxay noqdeen isku wada mid.

"Nooca daaweynta ee ay khubarada soo jeediyeen wuxuu ahaa mid ay ku baxeyso lacag malaayiin doolar ah, sidaas darteed waxaan ku khasbanaaday in hal naas la iga jaro, si loo hakiyo cudurka faafitaankiisa oo gaari karay jirka qaybihiisa kale," ayay tidhi Mwende.

Isbaddalkii ku dhacay nolosha Mwende

Mwende Mutiso xilligii ay isbitaalka ku jirtay

Xigashada Sawirka, MWENDE MUTISO

Qoraalka sawirka, Mwende Mutiso xilligii ay isbitaalka ku jirtay

Waxay sheegtay in qalliinkii lagu sameeyay uu gebi ahaanba baddalay nolosheeda, balse ay heshay dhiirrigelin, ayna sii wadatay nolosheeda.

Way dadaashay, inkastoo arrinta ku saabsan naaska laga gooyay ay la timid caqabado gaar ah, gaar ahaan sida looga arko dhanka bulshada, sida horayba ugu dhacday haweenka naaskooda ku waaya cudurka kansarka.

"Dabcan heerka naas nuujinta wuu i saameeyay, waxay ahayd markii ay nolosheyda billaabaneysay, waxay ahayd riyadeyda, waxaana is weydiinayay sida aan hal naas ula noolaan doono."

"Ka haween ahaan, siduu isu baddali doonaa muuqaalkeyga, sidee ayay dharka iila ekaan doonaan," ayay ahaayeen su'aalaha igu taagnaa."

"Taas keliyana ma ahayn, inaan ku fikiro dhimasho ayaa sidoo kale wax badan igu soo noqnoqtay," ayay tidhi.

Waxay moodeysay mar haddii uu ku dhacay kansar in uu u billowday hannaanka dhimashada.

Mwende Mutiso climbed Mount Kilimanjaro and Mt. Kenya

Xigashada Sawirka, MWENDE MUTISO

Qoraalka sawirka, Mwende Mutiso waxay mar fuushay buurta dheer ee Mt. Kenya

Way noolaatay iyadoo uu ka maqan yahay hal naas, waxayna sheegtay in aysan la kulmin caqabado badan oo ay ka baqeysay, diyaar ayayna u ahayd inay ka hadasho xaaladdeeda.

Waxay sheegtay in markii qalliinka lagu sameeyay ee ay bogsatay ay billowday inay xirato dhar u muujinaya in jirkeeda uusan waxba ka maqneyn.

Balse markii ay Mwende ku laabatay baadhitaan kale waxay heshay natiijo kale oo naxdin leh. Waxaa loo sheegay in kansarka uu kusoo laabtay naaskii laga gooyay, uuna kusii fiday sambabbadeeda.

Natiijadaas markii ay heshay da'deedu waxay ahayd 27 sano.

"Markii la iga helay kansar dheeraad ah oo faafay, dhakhtarku wuxuu ii sheegay in aanan sii noolaan karin sanad kale, waxay ahayd hal maalin ka hor inta aan la gaarin sanad guuradii dhalashadeyda, oo ku beegneyd 8-dii December, 2019-kii. Hadda labo sano kaddib wali waan noolahay," ayay tidhi.

Mwende waxaa ka muuqata geesinnimo iyo dhiirranaan qeyrul caadi ah, inkastoo nolosheeda ay ku hareereysan yihiin waxyaabo murugo leh. Wxaa loo sheegay in ay nolosheeda halis ku jirto, dhimashadana usoo dhawaatay, balse iyadu waxay aaminsan tahay in nolosha ay tahay hadiyad uu siiyay Alle.

Hadda oo ay 29 jir tahay, waxay sameysaa jimicsiyo iyo waxyaabo farxad gelinaya, sida in ay fuusho buuraha. Mar waxay ka mid ahayd dadkii fantay buurta caanka ah ee Mt. Kenya.

"Hal naas oo la iga jaray dumarnimo ugama bixin"

Xiriirka dhanka ragga, kama aysan quusanin Mwende. Markii ugu horreysay ee xanuunka laga helay waxay xiriir lahaayeen nin aad uga caawiyay dhibaatada heysatay, dhiirrigelin badanna ay ka heshay.

Wuxuu ahaa xiriir soo socday ilaa sanadkii 2020-kii, balse furriinkooda kuma saabsaneyn sababta kansarka ay qabto.

Mwende waxay aaminsan tahay in dumarnimadu aysan ku xirneyn naas, ama qayb kale oo ka mid ah jirka, balse ay tahay qiimaha shakhsiyadda haweeneyda.