Maalinta Kelliyaha Adduunka: 'Kellida aan ku deeqay qof aan aqoon aad baan ugu faraxsanahay'

Caziim Axmad

Xigashada Sawirka, NHSBT

Published

Caziim Axmed oo 35 jir oo ku nool Newcastle ayaa noqday qof isaga oo nool 2019-kii kelli ku deeqay qof uusan garaneyn.

Tani iyo marki uu cudurka safmarka ee Covid-19 uu dunida ka dillaacay waxaa si aad ah hoos ugu dhacay tallaalidda kellida iyo tabarrucaadka xubnaha.

Hay'adda Adeegga bixinta Caafimaadka (NHS) ee Ingiriiska ayaa shacabka ugu baaqday iney ka fikiraan sidii ay xubnahooda si tabarruc ah ay dadka u baahan ugu deeqi lahaayeen baaqasina ay qoysaska iyo saxibbada isgaarsiiyaan.

Caziim wuxuu sheegay, go'aanka uu qaatay inuu ahaa go'aan fudud balse uu si aad ah uu uga fiirsaday.

Qofka caafimaadka qaba noolal caadi ah wuxuu ku noolaan karaa haddii uu helo kelli caafimaad qabta oo shaqeyneyso.

Caziim Axmad, oo aan garaneyn cidda uu kellidiisa ku deeqay, ayaa aaminsan qofki Kellidiisa loo geliyey iney noolashiisa wax badan iska baddashay.

Xaalado naadir ah

Dad ka badan 4,600 oo qof oo ay ku jiraan carruur ka badan 100 carruur ah oo ku sugan UK ayaa sugaya in kelliyo lagu deeqo.

Inta uu cudurka safmarka ee Covid-19 uu dunida ka dillaacay dad ka yar 1,100 bukaan ayaa kalliyo loo geliyey 2020-2021-ka.

Ku-deeqidda xubnaha intooda badani waxay sababtaa geeri, laakiin waxay dadku intooda badan ay qofku u hibeeyaan noolashooda oo dhan.

Alisha Gokani oo 23 jir ah oo ka soo jeeddo Kent ayaa sanado badan sugeysa in kelli loo geliyo.

Alisha Gokani

Xigashada Sawirka, NHSBT

Xaaladaha naadirka ee ku gadaaman dadka u baahan in kelli loo bixiyo ayey ka mid tahay xaaladda ay gabadhan la kulantay iyada oo tani iyo carruurnimadedi sugeysay in Kelli lagu deeqo.

Markii ay 19 jir ahayd, hooyadeed, oo lafteedu aad u xanuunsan, ayaa Kelli ku deeqday balse jidhka Alisha ayaa diiday oo la qabsan waayey Kellida hooyadeed.

Tan iyo markaas, Alisha waxay ku tiirsanayd sifeyn Kelliyaha looga sameeyo. Gabadhan oo Jaamacad dhigatana xaaladdu wey ku adkeyd.

'Daal aan dhammaad laheen'

"Waxa ay noqotay in aan nolosheyda gabi ahaanba dib u habeeyo, aniga oo marki hore Jaamacadda wakhti ku soo qaatay, laakin ilaahey mahaddii waxa aan awood u yeeshay in aan noolal caadi ah ku soo laabto," ayay tiri Alisha.

"Noolashu waa tacab, waxaanna ku daalay toddobaadkiba afar jeer in kelliyaha la iga dhaqo isla-markaana aan Jaamacad dhigto."

"Waxaana la ii sheegay in deeq-bixiye nool oo aan isku midab nahay uu noqon karo qofka kelli ii bixin karo."

"Maadaamaa hadda ka hor kelli la ii geliyey balse lagu guul darreystay, jirkeyga waxaa ku dhashay unugyo difaaca jirka oo dhibaato hor leh igu keenay, wakhti dheer ayaanna sugayaa inaan helo keli jirkeyga uu qaadan karo."

"Haddii la helo deeq bixiye Kelli igu deeqa unugyada jirka ee i dhibaya jirkeyga waa laga saari karaa ka hor inta aan qalliinka la sameynin si loo waafajiyo Kellida la igu deeqayo sida ay dhakhaatiirtu ii sheegeen."

"Wax kastaba waxaa loo qorsheeyey si heer sara ah loona xakameeyey si natiijada ka dhalan karto ay u wanaagsanaato."

"Qof nool inuu xubnihiisa kuugu deeqo ma aha wax sahlan oo ma mudna in la dhayalsado."

"Balse waxaan si naxariis leh dadka oo dhami uga codsanayaa iney aad u akhriyaan qoraallada ku saabsan qaabka xubnaha qofka uu u deeqi karo, islamarkaana qoysaska iyo saaxibbada ay ka wada hadalaan go'aannada halkaasi uga soo baxo."

'Caawinta Qofka'

Caziim inuu Kellidiisa uu deeq ahaan u bixiyo waxaa ku dhiiirrageliyey qoraal uu bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay golhayihii hore ee Wales Neville Southall isaga oo ku hadlaya magaca qoyska gabar yar oo Kelli u baahneed."

"Waxaan u maleeyay in kellideyda gabadhaa loo gelin karo, kaddibna waxaan la xiriiray isbitaal maxalli ah," ayuu yiri mar uu BBC News u warramay.

Dhakhaatiirtuna waxay siiyeen xog dheeri ah oo ku saabsan marxaladda uu marayo qofka Kelli qof ku deeqayo.

"Markasta oo aan xog badan sii helanaya waxaa i fududaaneysay inaan go'aansado tallaabbada saxda ah ee aan qaadi karo," ayuu yiri Caziim.

"Caawinta qof si uu maalmo kale caafimaad ugu sii noolaado dhibaatada haysatana uu kaga baxa wax loo dhiga ayaan jirin, horayna waxaan dadka ku soo deeqi jiray dhiigga iyo unugyada jirkeyga ka mid ah ee ay u baahan yihiin" ayuu yiri.

'Tallaabbada saxda ah'

Caziim waxa uu qirtay in uu xoogaha culeys uu kala kulmay maalinta qalliinka.

"Waan ogaa in aan wali maskaxdeyda beddeli karo," ayuu yiri, "laakin aad ayaan ugu faraxsanahay in aan xubin jirkeyga ka mid ah qof u baahan aan ku deeqo."

"Uma maleynayo inay tahay qof walba - laakiin aniga ahaan, runtii waxay ahayd wax sax ah in la sameeyo.

"Qoyskayga iyo asxaabteydana waxay si dhab ah u taageereen go'aankeyga markii ay fahmeen sababta aan go'aankaa u gaaray."

'Wax fiican ayaan Sameeyey'

Waxay ku qaadatay toddobaadyo inuu ka soo kabsado dhaawaci qalliinka balse Caziim xaaladdiisa caafimaad markiba caadi ayey ku soo noqotay, dhakhaatiirtuna waxay si joogta ahu hubinayaan caafimaadka halka Kelli ee u soo haray, 'Runtii waxay ahayd mid wanaagsan'.

'Runtii wey adkeyd'

Caziim waxa uu ka helay kaar iyo fariin ka timid qofka kelliyahiisa la siiyay, taasoo uu sheegay inay aad u qiiro badneyd.

"Runtii aad bay ii taabatay, qiima aad u weyn ayeyna iigu fadhidaa, ayuu yiri Caziim Axmed.