You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Fats Timbo: 'Waxaan iisu haystay inaan habaranahay balse waan ku aflaxay'
Waa gabar 25 jir ah oo filimaanta jisha oo u dhalatay dalka Britain, dharka xayesiisa isla-markaana ay ku xiran yihiin taageerayaal ka badan labo malyan oo qof.
Dherekeedu waa 1.21 mitir balse markii ay howshan billaabeysay cabsi ayey ka qabtay iney gul ka gaareyso, hase yeeshee caqabadihii ka hor yimid oo dhan wey gudubtay.
"Muddo dheer waxaan iisu heystay inaan habaaranahay," ayey tiri mar ay u warrameysay barnaamijka BBC Radio 1Xtra.
"Markii aan yaraa markasta oo aan suuqa u soo baxo cidwalba wey isoo eegi jirtay, markaasaan isliidi jiray."
"Xataa marka aan magaalada ka soo dukaameysanayo, waxaan la kulmaa dad i soo eegaya, igu qosalaya ama igu maadeysanaya."
Balse Fats waxay baraha bulshada ka heshay geesinnimo ay ku soo bandhigto hibadeeda, iyada oo baraha bulshada taageerayaasheeda kula wadaagto majaajillooyin iyo waxyaaba kale oo noolasha dadka saameyn ku leh.
"Dadku markay i arkaan aniga oo tabin toos ah ku jira, ayna arkaan kalsoonida aan isku qabo ayey jecleystaan barnaamijyada aan qabto, taa ayaanna kaga duwanahay dad badan oo ila mid ah," ayey tiri.
"Waxaan garwaaqsaday inaan caqabad kasta oo i soo wajahdo aan wajaho dhagna aan u dhigin maadaamaa ay dadku i daawanayaan, sidaa ayey cabsidi oo dhan igaga guurtay."
"Waxaanna jecelahay in la iigu yeero nin."
Fats waxay u dhalatay gaabni, waxayna ka mid tahay 'dadka gaagaaban', ee uusan itaal ku darsamin.
"Dadka aniga ila midka ah ee sidan ku dhashay magacyo kala duwan oo ay dadku ku liidaan ayey ugu yeeraan balse anigu magacyadasi ma jecli. Waxaanse raalli ka ahay inaan gaabanahay oo keli ah," ayey tiri.
Markii ay yareyd dadku aad ayey Fats ula yaabi jireen oo mararka qaar waxay gaari jireen ilaa ay taabtaan oo ay ka shakiyaan in bani aadam tahay iyo inkale.
"Balse cadaadiska, faquuqa iyo caqabadaha noolaleed ee aan 25 sano la noolaa igama dhigin mid guul dareysata."
Fats waxay sheegtay waxay aaminsan tahay "aragtidi khaladnaa ee laga heystay gabadhan gaaban," iney wacyigelin ku beddeshay.
Xiddigga baraha bulshada oo taageerayaal badan uruursatay wixii kadambeeyey markii ay marti u noqtay barnaamijka Updateable oo 2018-kii ka baxay telefishiinka Channel 4 hadda Instagram-ka oo keli ah waxay ku leedahay taageerayal ka badan 240,000.
"Waxan ku faraxsanahay inaan haysto madal ii gaar ah, waxayna madashaasi i bartay wax walba inaan sameyn karo oo aan guul darreysan,"
Fats si ay barnaamijyadeeda ay ku baahiso baraha bulshada ay u soo saarto waxay la shaqeysaa shirkadaha soo saara waxyaabaha la isku qurxiyo iyada oo yaraanteedi marnaba ay ku fakarin iney arrintan u suura galeyso.
"Arrimuhu waxay isbaddaleen kaddib marki ay shirkaduhu ay billaabeen iney wax ka baddalaan sida ay macamiishooda farrimaha ugu gudbinayeen, waana ku faraxsanahay iney shirkadahaasi ay anigu ii adeegsadaan gudbinta farriimahooda."
"Waxaanna rajo wanaagsan ku abuuray dhalinyarada ila midka ah, kuwa madowga ah ama kuwa naafada ah."
"Yaraanteydi kelinimo ayaan ku soo qaatay oo bulshada ma dhex galeyn maadaamaa aan takoor kala kulmi jiray," ayey sii raacisay Fats oo hadalkeedi sii wadata.
"Maantase Gacaliye! adiga ayaan ku matalaa!" ayey si kalsooni ku jirto u tiri.
Fats Timo barta ay Tik Tok ku leedahay waxaa ku xiran taageerayal ka badan 2.1 malyan oo ay soo jiidatay waxyaabaha ay barteeda soo dhigto, iyada oo taageerayaashaasi qaarkoodna ay ugu tala galeen iney gabadhaasi gaabnideeda lagu takooray ay ku dhiirrageliyaan si ay dad badan oo daafaha dunida ku nool oo aan weli isa soo saarin ay tusaale ugu noqoto.
Fats waxay tusaale wanaagsan u noqotay qofka waxa uu ku hamminayo inuu ka dhabeyn karo hadii uu u dhabar adeygo.