Farriin lagu riday dhalo oo 25 sano kaddib la helay

Published

Farriin lagu riday dhalo oo ay soo dirtay gabar yar oo ku nool Aberdeenshire, Scotland ayaa laga helay Norway 25 sano kaddib.

Joanna Buchan waxay ahayd siddeed jir markii dhalada ay ka dhacday xilli ay saarneyd doon kalluumeysi oo mareysay badda magaalada Peterhead sanadkii 1996 iyadoo markaasna diyaarineysay layliga iskuulka.

Elena Andreassen Haga ayaa ka heshay meel 800 meyl (1,287km) u jirtay oo waqooyiga Norway ah, iyadoo kaddibna Joanna ka raadisay baraha bulshada.

Warqadda gabadhadan iskuulleyda ah ayaa waxaa ku xusan erayo uu jaceyl ku dheehan yahay balse waxaa sidoo kale laga dheehan karaa nacayb ay u qabto wiilasha. "Laakiin waan necbahay wiilasha," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Warqaddan oo si qurux badan loo qoray ayaa waxay sidoo kale Joanna ku qeexeysaa eygeeda, mashaariicda iskuulkeeda iyo waxyaabo kale.

Elena, oo 37 jir ah, ayaa BBC Scotland u sheegtay in dhalada cagaaran ay xagaagii 2020 heshay ayna durba aragtay inay wax ku dhex jiraan.

"Sidaas darteed waan furnay aad ayaana u taxadareynay sababtoo ah, sida aad sawirka warqadda ka arki kartaba, waxay biyaha ku jirtay in muddo ah, balse waxaan noo suurto gashay inaan kala furno oo aan akhrinno waxayna runtii ka socotay Scotland, sidaas darteed wax fiican ayay ahayd," ayay tiri.

"Wiilkeyga Eliah wuxuu ahaa lix jir markaan helnay dhalada, runtii markii hore ma uusan fahmin - mid duug ah ayay ahayd malaha".

Haweeneydan Norway u dhalatay ayaa farriin uga dirtay Facebook Joanna, balse gabadhan hore iskuulka uga dhigan jirtay Peterhead ayaan la helin ilaa Isniintii.

Elena ayaa tiri: "Aabbahay ayaa sidoo kale helay farriin ku dhex jirta dhalo markii uu shan jir ahaa haddana waa 66 jir marka xoogaa kahor ayay ahayd, balse isla meesha ayay ahayd.

"Sidaa darteed tani waa sida in wax caadi ah ay tahay in waxyaabo ay ku soo caariyaan xeebta balse mar walba lama helo wax sidaan oo kale ah."

Joanna waa 34 jir ah ah dhaqtarad ku nool New South Wales oo ka tirsan Australia.

Waxay sheegtay inay "farriin dheyman ah" ka heshay Elena, sanadkii 2020, xilli ay rog rogeysay farriimaha loogu soo diray Facebook.

"Waxaan wax yar ka xusuustaa farriin lagu riday dhalo oo loo waday iskuulka Peterhead Central School sanadkii 1996," ayay intaas ku dartay.

"Waxaan is iri 'taasi waa far qoraalkeyga'."

Warqadda waxaa ku xusan xog ku saabsan iyada.

"Markii aan akhriyay qosol baan la dhacay", ayay tiri.

"Waxaa jira meelo qurux badan, sida waxa xilligaas muhiim ii ahaa. Waxaan jeclaan lahaa inaan xusi lahaa macallimiinteyda xilligaas, ee ay fekerkiisu ahayd.

"Waxaa cad in xilligaas lagu sameeyay Badda Waqooyi."