Muxuu Biden si shaqsiyan ah ugu samayn karaa Putin?

Putin iyo Biden

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Putin iyo Biden
Published

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa si shaqsiyan ah ugu gooddiya dhiggiisa dalka Ruushka Vladamir Putin haddii Ruushka uu weerar ku qaado dalka Ukrain.

Biden ayaa sheegay in shaqsi ahaan Putin la saari doono cunaqabatayn , isaga oo sidoo kale Biden sheegay 'in cawaaqib xumo ba'na' ay ka dhalan karto haddii Ukrain la weeraro.

Caalamka ayaa isha kuhaya xiisadda katagaan xadka Ukraine iyo wadanka Ruushka ee ay isku hor fadhiyaan Militariga Ruushka iyo ciidamada xuladafada ree-galbeedka ee NATO iyadoo mar walbo lafilan karo in uu dagaal qarxo.

Goodinta Mr Biden ayaa kusoo adeyso iyadoo madaxda kale ee reer galbeedka ay ku celceliyeen marar badan digniino ah in Ruushku musiibo kala kulmi doono hadii uu duulaan kuqaado wadaka Ukraine oo haray uga tirsanaan jirtay Midowgii suufiyeetka la iskuoran jiray ee USSR.

Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in ay khatar amni u aragto isbahaysiga militariga reer galbeedka NATO ee xadkeeda jooga.

waxayna sidoo kale dalbanayaan dammaanad qaad sharci ah oo ah inaysan xubno cusub lagu soo kordhin isbaheysiga NATO oo ay Kujirto dalka isaga dariska la ah ee Ukraine, balse Maraykanka ayaa sheegay in arrinta la isku hayo ay tahay gardarada Ruushka, ee aysan ahayn isballaarinta NATO.

Ruushka ayaa wax ka badan 100 kun oo askari dhoobay xadka Ukrain, iyada oo laga cabsi qabo in daqiiqad kasta ay weerar ku qaadi karaan Ukrain.

Qaar ka mid ah safaaradaha reer galbeed ayaa isaga guuray magaalada Kyev ee caasimadda Ukrain sababo la xiriira cabsida laga qabo weerarka Ruushka.

Hase yeeshee dublamaasiyiin ka kala socda dalalka Ruushka, Ukrain, iyo Faransiiska ayaa ku kulmaya magaalada Paris si ay uga wada hadlaan xiisadaha taagan .

Maalintii talaadada Ra'isulwasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, ayaa sheegay in Ruushka laga mamnuuci doono barnaamijka caalamiga ah ee isweeydaarsiga lacagaha ee Swift loo yaqaano ee ay bangiyada ku shaqeeyaan. Tan ayaa waxa ay ka dhignaan kartaa in reer Yurub aysan waxbo ka iibsan karin Ruushka.

Afhayeenka Putin oo lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa si caro leh uga jawaabay hadalka Biden, wuxuuna sheegay in cunaqabataynta aysan Putin xanuunjin doonin, balse ay siyaasad ahaan dhibaato geysan karto.

Wuxuu sheegay in madaxda Ruushka laga mamnuucay in ay sanduuqyo ka furtaan bangiyad dibedda, iyada oo sidoo kale mushaarka Putin uu maro bangiga Ruushka ee Rossiya.

Biden ayaa dhanka kale sheegay in ay wada hadalo kula jiraan shirkadaha shidaalka iyo kuwa gaadiidka badda si loo helo shixnado shidaal iyo tamar ah oo Yurub gaara haddii tamarta Ruushka ay joogsato, sida uu daabacay wargeyska New York Times.

Ruushka ayaa hadda Yurub siisa seddex dhig , dhig ka mid ah tamarta ceeyriin ee Reer Yurub isticmaalaan.

Sida uu ku waramayo weriyaha dublamaasiyadda BBC-da James Landale, madax hore oo caalamka sida Qadaafi, Bashar Al Asad iyo Mugabe ayaa ka mid ahaa kuwii sida shaqsiga ah loo saaray cunaqabataynta.

Balse wuxuu intaasi ku darayaa in ay kala duwanyihiin arrimaha iyo hoggaamiyeyaasha, in Putin la cunaqabateeyana aysan ahayn mid fudud.

Waxa uu qabaa in tallaabadan ay qalqal culus galin doonto Qaramada Midoobay, maadaamaa Ruuushka uu xubin joogto ah ka yahay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

James waxa uu leeyahay , in Putin la cunaqabateeyo waxa ay ka caawin kartaa in uu taageero badan ka helo gudaha Ruushka sidii dhacdayba xilligii Robert Mugabe.

Maraykanka ayaa heegan galiyay 8,500 askar ah oo gobolkaasi ku sugan, taas waxaa barbar yaala ciidamada NATO laftooda oo iyaguna abaabulan.

Ruushka ayaa Maraykanka ku eedeeyay in ay hub badan geeyeen Ukrain.

Maraykanka ayaa dhanka kale u digey dalka Belarus oo saaxiib la ah Ruushka, waa haddii ay caawiyaan Ruushka in ay la kulmi doonaan jawaab adag.