Uttar Paradesh: Maxaa ka dhaxeeya doorashada Hindiya iyo weerarrada lo'da ee dilaaga ah?

Dhibaatada Lo'da ayaa caan ka ah magaalooyinka iyo tuulooyinka Hindiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhibaatada Lo'da ayaa caan ka ah magaalooyinka iyo tuulooyinka Hindiya
Published

Ram Raj ayaa shaah ku cabbayay gurigiisa oo ku yaalla gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga Hindiya fiidnimadii bishii November ee sanadkii hore ayuu soo weeraray sac baadi ah.

Dhawrkii daqiiqo ee xigay, caruurtii uu awoowaha u ahaa odayga saca uu weeraray ayaa qayliyay maadaamaa ay daawanayeen argagaxa sida uu saca u dilayo. Ninkan beeraleyda oo 55 jir ah ayaa u dhintay dhaawac culus oo soo gaaray intii loo sii waday isbitaalka.

"Waxay ahayd geeri xanuun badan, soddohdayna waxay ka soontay cuntadii tan iyo markaas," ayey tiri inan uu soddog u yahay, Anita Kumari.

Weerarrada noocaasi ayaa ah mid si joogta uga dhaca dalka Hindiya oo ka mid ah dalalka ay dadka ugu badan dunida ay ku nool yihiin. Dhibaatooyinka iyo weerarrada ay lo'da geystaanna waxaa sababay tirada lo'da gobolka Uttar Paradesh ku nool maadaamaa la joojiyey lo'da gobolkaasi in la qalo.

Haddaba doorashada lagu wado codbixinteeda iney billaabato 10-ka Fabraayo, hadal haynta ugu weyn ee ay musharrixiintu hadal hayaan waxay noqotay arrinta lo'da.

Dadka aaminsan diinta Hinduuga waxay lo'da u arkaan wax la barakeysto, balse dad badan oo beeraley ah ayaa lo'da gaboowday geeya kawaannada lagu qalo.

"Waxaan iibin jirnay lo'dayada mar haddii ay dadki joojiyeen caanihii lo'da gaboowdayna ay u qalmin beer-falidda" ayuu yiri Shiv Pujan oo ka mid ah beeraleyda paddy.

Balse Ra'isal wasaare Narendra Modi ee xisbiga BJP ee hoggaamiyo dowladda Hindiya waxay si aad ah ula dagaallantay gowraca lo'da iyadoo fulineyso rabitaanka garabka midig ee Hinduuga, iyada oo sharcigaasi uu 18 gobol oo uu ku jiro gobolka Uttar Paradesh sharci ka noqday.

Hinduuga waxay u haystaan saca inuu yahay xayawaan barakeysan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Hinduuga waxay u haystaan saca inuu yahay xayawaan barakeysan

Yogi Adityanath, ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan xisbiga BJP ayaa albaabbada isugu dhuftay goobaha sharci darrada ah ee lo'da lagu qalo marki uu xilkaasi qabtay 2017-kii iyada oo xoola qalidda uu ahaa ganacsi muhiim ka ah Uttar Paradesh wuxuuna lo'da la qalayey uu ku baddalay gisida.

Ganacsatada lo'da, qaar badan oo ka mid ah sida Muslimiin waxaa dilay kooxaha garabka midig ee maxaliga ah oo xiriirka la leh xisbiga taada Hindiya haya ee BJP.

Haddaba, qaar badan oo iyaga ka mid ah way ka quusteen ganacsigii, iyagoo ka baqaya inay iibsadaan ama daabulaan lo'da. Beeralaydana hadda waxay si fudud uga tagaan lo'da gaboowday iyo kuwa aan wax-soo-saarka lahayn.

"Hadda ma jirto cid lo'da iibsaneyso ama iibineyso, waxaana dadka lagu qasabayaa ayuu yiri lo'da gaboowday ee keymaha ku ku jirta iney ka tagaan", ayuu yiri Pujan.

Haddaba dadka ku nool magaalooyinka iyo tuulooyinka gobolka Uttar Paredsh waxay sheegayaan lo'ada tirada badan ee qalliinka laga daayey oo gobolkaasi ku dhaqan marki ay gaajoodeen iney billaabeen iney dadku weeraraan ama ay baab'iyaan dalagyada beeraha ee gobolkaasi.

Mid ka mid ah lo'da noocaasi ah ayaa soo gashay barxadda guriga Ram Raj, markii ay isaga iyo qoyskiisa ay baqeen oo ay qeyliyeen billaabeen, ay weerartay.

Pujan laftiisa waxa dhawaan weeraray sac duur joog noqday xilli uu beertiisa soo galay oo isku dayayey inuu beerta ka ceshto.

"Laba sacaad ayay ahaayeen marki ay dhulka igu rideen ayaan ka cararay oo nafteyda la baxsaday" ayuu yiri.

Beeraleyda Pujan la mid ah waxay sheegayaan lo'ada tirada badan ee ay jirin cid dhaqaneyso iney dalagga baab'iyaan, shilalka waddooyinka ka dhacana ay sababaan iyo iney dadku dilaan.

Shiv Pujan, waa beeraley ku nool gobolka Uttar Pradesh

Xigashada Sawirka, Nitin Srivastava/BBC

Qoraalka sawirka, Shiv Pujan ayaa sheegay in lo'du ay tahay mid barakeysan balse lo'da aan la dhaqan ay dadku khatar ku tahay

"Wiilkaygu hadda waa agoon sababtoo ah lo'da baahan ee wareeganeysa ayaa aabbihii dishay." ayey tiri haweeney seygeeda uu ka dilay sac weerar ku soo qaaday.

Bhupendra Dubey oo 36 jir ah oo tuuldiisa ku soo noqday kaddib marki uu shaqa la'aan noqday 2020-kii xilligi uu socda mowjadda koobaad ee cudurka safmarka ee Covid-19, balse sac weyraxay ayaa dilay.

Axsaabta mucaaradka ayaa arrintan ka dhigay ajandahooda siyaasadeed ee ugu weyn gobolka Uttar Paradesh, oo ah gobol dadka ku nool intooda badan ay yihiin reer miyi, halkaasoo beeralayduna yihiin kuwa ugu muhiimsan codbixiyeyaasha gobolkaasi.

Afhayeenka xisbiga BJP ee gobolkaasi Sameer Singh wuxuu sheegay: "Dowladda iney diyaarisay siyaasad ay ku wajaheyso dhibaatada gobolkaasi ka taagan".

Adityanath wuxuu sheegay dowladda iney u qoondeysay malaayiin rubbee oo lacagta dalkaasi ah si ay hoy lagu hayo lo'daasi ay ugu dhisto. Dowladduna si ay dhaqaalihi ay mashruuca ay xerooyinka lo'da lagu hayo ay ugu dhisi lahayd ay u hesho waxay canshur dheeraad ah ku soo rogtay khamriga.

Bimla Kumari, waa 64 jir beeraley ah

Xigashada Sawirka, Nitin Srivastava/BBC

Qoraalka sawirka, Bimla Kumari waxay habeenki beerteeda ka ilaashataa lo'da habeenki socota si dalaggeeda ay u waxyeelleyn

Balse arrimahaasi oo dhan ma xallin dhibaatadi jirtay. Xero ay dowladda maamusho oo laga dhisay degmada Ayodhya oo ay booqatay wariye ka tirsab BBC Hindi waxay sheegtay iney ku aragtay lo' tiro badan oo xeradaasi lagu hayo.

"200 oo neef oo lo' ah ayaa xeradan ku nool waa tirada ugu badan oo aan halkan ku hayn karno. 700-1000 neef oo lo' ah ayaa hoy la'aan ah oo u baahan xerooyin lagu hayo" ayuu yiri Shatrughan Tiwari.

Beeraley badan har iyo habeen waxay beerahooda ka ilaaliyaan lo'da wareegta ee ay jirin cid dhaqaneysa.

Waxayna sameysteen koox beeraha ilaaiso iyaga oo aan mugdiga, qabowga iyo masaska aan ka baqin.

"Waxaan dad tiro ah oo tuulada iska soo uruursaday oo beerta ilaaliya. Habeenkina koox ayaa howl gasha maalintina koox kale" ayuu yiri Bimla Kumari oo ah beeraley ay da'diisu tahay 64 jir.

Sida Dina Nath, ayaa sheegaya inay arrinkan ku soo daaleen, ayna ka fiirsanayaan inay qaadacayaan doorashada iyo inkale.

"Codeynta maxay tareysaa haddan lagu xallineyn dhibka na haysto?" ayuu yiri.