Dowladda Australia oo iibsatay calan hor leh, muxuu yahay?.

Calanka Aboriginal waxaa la sameeyay 1971

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Calanka Aboriginal waxaa la sameeyay 1971
Published

Dawladda Australia ayaa iibsatay xuquuqda daabacaadda calanka Aborijiniska si ay u "xoreyso" astaanta aqoonsiga oo uu muran xooggan ka dhashay cidda isticmaali karta.

Farshaxanistaha ka so jeeda qowmiyadda asal ahaan dalkaasi loogu yimid Harold Thomas ayaa sameeyay calanka sanaddii 1971 taasi oo uu astaan uga dhigay mudaaharaad, laakiin hadda waa astaanta Aborijiniska ee ugu weyn iyo calanka rasmiga ah ee qaranka.

Waxaa calankan imika adeegsan kara qof kasta isaga oo aan fasax u baahan sidii horey u dhici jirtay.

Calankan midibadiisu yahay casaan, madow iyo jaalle ayaa loo aqoonsanaa calanka rasmiga ah ee Australia tan iyo 1995.

Balse waxaa uu noqday mawduuca muran badan oo dhanka ganacsiga dhaliyay ka dib markii shirkad shati ka siisay sawirka Thomas ay bilowday inay lacag ka dalbato hay'ado kala duwan oo isticmaalaya, sida hay'adaha samafalka caafimaad, shirkado soo saara dharka iyo walibo ururo dhanka ciyaaraha ah.

Iyadoo ay taasi jirto, hadana dad badan oo ka soo jeeda qowmiyadda Aborijin ayaa sheegaya in calanka "loo haysto" heshiisyo xuquuqda daabacaadda taasi oo xaddidaysa in uu noqdo astaan calan oo muqata.

Calanka hadda waxaa soo saari kara qof kasta isaga oo aan ka baqayn in sharciga lala tiigsado.

"50-kii sano ee la soo dhaafay waxaan ka dhignay farshaxan Harold Thomas mid noo gaar ah - anaga oo hoos joognay calanka Aborijiniska, waxaana u noqday mid meel dheer ka babanaya oo lagu faano," ayuu yiri wasiirka dadka asaliga ah ee Australiyaanka ah Ken Wyatt.

Hadda oo waxaa xuquuqdiisa iska leh dalalka Barwaaqo-sooranka , qof walbaa ayaana iska leh, qofna kama qaadi karo.

Dawladda ayaa bixisay in ka badan $14milyan oo doolar wadar ahaan si ay u hesho xuquuqda daabacaada ee Mr Thomas iyo in la joojiyo heshiisyada kireysiga, sida ay sheegtay warbaahinta.

Cathy Freeman oo ku dabaaldagaysa calanka Aboriginal iyo kan Australia ka dib markii ay bilad dahab ah ku guleysatay 2000 magaalada Sydney

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cathy Freeman oo ku dabaaldagaysa calanka Aboriginal iyo kan Australia ka dib markii ay bilad dahab ah ku guleysatay 2000 magaalada Sydney

Arrintan ayaa ka dambeysay cadaadis uga yimid dowladda kooxaha Aborijiniska iyo murannada isboortiga sida Australian Football League (AFL), oo bilaabay inay diidaan inay bixiyaan lacagta xuquuqda si ay u isticmaalaan calanka.

"Calanka waxaa leh dhammaan dadka asal ahaan ka soo jeeda Aboriginal maxay tahay sababta ay u bixiyaan kharashka?" waxaa sidaasi yiri Mid ka mid ah qabanqaabiyeyaasha gudbiyay kiiskan, sida uu BBC u sheegay Laura Thompson 2020-kii.

"Waa calaamad muujinaysa badbaadada dadkeena, qaar badan oo naga mid ah ma aqoonsana calanka Australia sababtoo ah anaga waxaan u naqaan in uu yahay mid u taagan gumeysi iyo duulaan."

Mr Thomas ayaa horay u sheegay in uu kireeyay xuquuqda calanka si uu u helo royalties-ka farshaxankiisa.

"Mustaqbalka, calanku ma ahaan doono astaanta halganka, laakiin wuxuu ahaan doonaa astaanta sharafta iyo midnimada," waxa sidaasi Talaadadii qoray wargeyska Sydney Morning Herald .

In kasta oo dadka Aborijiniska ee Australiyaanka ah ay si weyn u soo dhaweeyeen isbeddelka, qaar ayaa hadana su'aalo ka keenay sababta loogu dhawaaqay 24 saacadood ka hor maalinta dabaaldaga Australia.

Dabaaldagan sanadlaha ah ee 26 Janaayo waa mid uu muran badan ka dhashay sababtoo ah waxaa lagu xusaa imaatinka kooxdii ugu horeysay ee Britain e la socotay Markab 1788.

Dad badan oo Australiyaan ah ayaa u yaqaan "maalinta duulaanka".